Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

TALO DADWEYNE (PUBLIC ADVICE) IYO TILMAAN SIYAASI (POINT OUT THE POLITICIAN) Q.2

Waxaa aan dadweynaha Somaliland kula talinayaa inay halbeegaasi qalad yahay oo aynu u baahan nahay in aynu ku bedelno ayaa dalkeena iyo dadkiisa wax taraya oo hogaamin kara, isaga oo cadaalad horumar,qorshe aqoon,yool fog leh oo daacadnimo u dheer tahay.Jidkaasi oo keliya ayaa mid ina anfacaya.Dhulkeenu waa uu inagu filan yahay waxaana ku duugaan khayraad fara badan oo Allah(swt) inoogu nicmeyey balse aynu dayacney sidii aynu uga faa’iideynsan lahayn.Hadii aynu noqono 5 milyan oo wada raba in aynu ku noolaano mucaawimo,iyo tuugsi dalal inala mid ah oo iyagu ka faa’iideystey khayraadkii dhulkooda ee Allah(swt) ugu deeqay.Tani waa su’aal u baahan in aynu nafaheeda xisaabino mudo dheer ayaa aynu ku jirnaa dhibaato aynu inagu isku geesaney,tanina waa mida dibu dhaca inoogu wacan.Taladeyda 3aad waxay tahay:

Lama arag taakhiida dad raba inay qaran noqdaan oo ay helaan dhamaan xuquuqdooda dawladnimo oo hadana dube la dhacaya qaranimadooda oo hadana leh maxaa aanu dawlad u noqon weyney taas waxaa aan ula jeedaa arimahan:

a)   Somaliland inta badan mushaakilka ugu weyn ee dhinaca horumarka inaga haystaa waa dawladnimada oo aynu si qaldan u macneysaney, taasi waa mida salka u ah dib u dhaca wadankeena ee dhinacyada horumarka,waayo meel hadii la rabo in wax laga qabto oo dowladu horumar mashaariic ka sameyso waxaa aynu odhaneynaa waa degaan reer habel oo laga sameyn mayo.

b)   Dawlada waxaa aynu u naqaanaa kolba madaxweynaha dalka xilka u haya in uu reerkiisa tahay, oo waxaanu odhaneynaa waa dawladii reer hebel.

c)   Marka Doorasho la qabto oo natiijadii lagu dhawaaqo waxaa ka soo horjeesanaya kooxdii laga guuleystey oo odhanaya waa lagu shubtey,markaa reerkii uu ka soo jeedayna hubka ayey qaadanayaan oo waxay odhanayaan waanu dagaalamaynaa,oo hanjabaad iyo gacan ka hadal baa ka dhaca oo dad muwaadiyiin ahi ku nafwaayaan.

d)   Jilib jilib ayaa laysku haystaa oo dhul oomane ah oo biyo iyo baad lahayn ayaanu maalin walba dhiig ku daadinaynaa.

Arimahan kor ku xusani waa kuwo u baahan in aynu isbedel ka sameyno,waana arimaha kortaagan qaranimada Somaliland iyo horumarka dalkeena ilaa aynu dib u eegno,xal u helno fahano oo aynu daaweyno ma noqon doono kuwo hela dal barwaaqo ah dawlad cadaalad ah, caafimaad iyo waxbasho tayo leh,ganacsi xalaala,maamul wanaagsan,nabadgelyo taama Somaliland oo mid ah iyo hogaamiye qaran oo aan reer lagu aslin.Waxaa aan qabaa in talooyinkaasi bilow u noqon karaan dalkeena oo aynu dhisano mustaqbal fiicana u abuuro ubadkeena iyo jiilasha dambe balse ma suureweyso sida aan arkayo inta aynu Madaxweyaha aynu doorano aynu ku caaridayno waa reer habel bal idinku noo keena Madaxweyne aan reer ku abtiransan oo beelaha oo dhan ka soojeeda lama helayo.Balse waxaa la helayaa madaxweyne reer ah balse Somaliland oo dhan mid u ah oo cadaalad iyo waxqabadba ku maamula waa hadii aynu rabno in aynu cadaalad iyo sinaan wada helno.Ma hayo madaxweyne ama wasiir ama siyaasi kale oo Somaliland ah oo taariikhda reeriisa wax taray balse waxaa aan hayaa madaxweyne,wasiir,ama siyaasi aan reerkiisa waxba taran oo hadana loogu dagaalamayo reernimo taasi waa garashada aynu rabno in aynu daweyno dadkeygoow.Waxaa haboon in aynu siyaasiga ku qiimeyno waxa uu dalkeena iyo dadkeena ku soo kordhin karo ee wax qabada ah,ma haysano biyo nadiifa iyo kuwo aan ahayba,ma haysano koronto,ma lihiin jidad,cusbitaalo.dugsiyo,dhaqaale iyo shaqooyin hadana waxaynu lee nahay reer kaygu waxba kama helin saami qaybsigii waxaa is weydiin leh wasiiradii hore ee aad reer nimo u hesheen maxay reerkiina u qabteen ee aad ku mahadiseyn ma arko anigu hadii aynu rabno magac uun reer kaygu intaa oo wasiir buu lee yahay waxaa aan odhan lahaa jilib walba iyo qoys walba wasiir ha la siiyo ilaa labada walalaha ahi ee kala bahda ahi kala helayaan laba wasiir.Runtu waxay tahay in aynu dawlad hadii aynu rabno iyo qaranimo aynu ilawno fikirka liita ee aan waxba inoo kordhineynin iyo difaaca aynu siyaasi ku difaacayno reernimo…….

La socoda qaybaha dambe hadii Allaha weyni ogolaado.

Mahad oo dhan Alle (swt) ayaa iska leh

%d bloggers like this: