Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

GOORMA AYAA GARASHO UGU DAMBEYSAY GOLAHA DEGAANKA HARGEYSA WAA DOOD RAKAAB?

Sida inta badan caadada dadka Somaliyeed u ah marka ay soo wada raacaan gaadiidka dadweynha ee u kala goosha magaalooyinka dhexdooda ama tuulooyinka iyo goobaha kale ee dadku degaan ahaan ugu nool yihiin, ha u badnaadeen Busaska ee waxaa dadka rakaabka ah dhexmara sheekooyin lawada wadaago oo furan,  qof walba ka qayb qaato waa hadii uu rabo e. Waxay ahay goor fiidadow ah oo dadka danyarta ee ku haysta ganacsiga yar yare ee wadhatada loo yaqaan magaala madaxda jamhuuriyada somaaliland ee Hargeysa ka soo rawaxeen goobihii ay ku ganacsan jireen iyaga oo ku sii jeeda guryahoodii ay ka soo jarmaadeen (kala- heen) saaka caareydii.
Tani waa su’aal ka dhalatey dood dhexmartey hooyooyin iyo abayaal reer hargeysa ah oo ku kulmay basaska dadweynaha ee caasimada hargeysa u kala goosha bal qabsoo dhalin yaro iyo caruurina ka may maqneyn rakaabka.Wakhtigaa fiidka ah ee ay dib ugu noqonayeen hooygoodii sheekadu waxay ka bilaaban tay markii nin oday ahaa oo ka mid ah rakaabku uu qabtey telefoonkiisa gacanta oo looga yeedhay, isaga oo Bas (Bus)ka la socda,waxaana soo wacdey ooridiisii oo u sheegtey in aanu biyoolihii maanta oo dhan iman oo wax biyo ah aaney shuban oo ay sidii u biyo la yihiin, isaga oo aan is ogeyn ayuu aad kor ugu qaadey codkiisii  waxaa yuu yidhi “ MA BIYO LA’AANTAA UUN BAANU KU JIREYNAA ILAA IYO KUNKII, WAA MAXAY SIDANI,MA MAGAALADA AYAANU BIYO LA’AAN UGA GUURNAA HADABA”. Intaasi markey afkiisa ka soo baxdey ayaa ileyn somalildu waxay ku maahmaahdaa HALKII BUKTAY IYO FARTAA IS OG E. Mar qudha ayaa rakaabkii basku sawaxan iyo dood iskula oogsadeen ku wajahan dhibaatada biyo la’aanta ee saameysey guud ahaan dadka reer Somaliland, gaar ahaana dadka reer Hargeysa ee ku nool caasimada iyo hareeraheeda. Sheekada waxaa sii xawaasheeyey mar kii uu nin rakaabka Baska(Bus) ka mid ahi dadkii ku wargeliyey in ay la wadaagaan dhageysiga kormeer shaqo oo qaar ka mid ah xildhibaanada golaha degaanku ee hargeysa ku tegeen mashruuca biyo balaadhinta ee Xunba weyne bal ila wadaaga idinkuna isku xidhkan (links): https://www.youtube.com/watch?v=6XTJmdC_Mms
Markii dadkii dheysteen warkaasi ayaa waxaa bilaabmey faalo iyo su’aalo u badan dhaliilo oo ku wajahan arinta biyo la’aanta Hargeysa  iyo sababteeda . Sidaa darteed koox ka mida rakaabkii Buska ayaa soo jiideysey qodobkan oo ay ku sabeeyeen arintan:
1- In  ay sababta ugu weyn ee Biyo la’aanta  Hargeysa haysataa tahay Duqa Magaalada Hargeysa ee Xiligan oo aan rabin in daamaha koonfurta iyo Bariga hargeysa biyo helin, waayo daantaa waqooyiga iyo galbeedka oo uu ka soojeedo ayuun buu waraabiyaa oo wuxuu hortaagan yahay horumarka daamahan kale? soo sidaa maha rakaabow ayey yidhahdeen.

Markii sheekadu halkaa mareyso hadalkaasi  wuxu u cuntami waayey qaar kale oo rakaabkii ka mid ah,waxaaney ku doodeen in aragtida noocaasi ahi tahay mida aynu wax u qabsan weyney waayo ayey yidhaahdeen bal aynu dib u eegno taariikhda golaha degaanka Hargeysa iyo xaqiiqada jirta u fiirso waxa ka run ah ama ka been ah doodaasi ayuu yidhi mid ka mida rakaabkii kuwo kalena ku raaceen isaga oo qodobeenaya doodiisii :

a) Ugu horeyn Duqa magaaladu muu sameynin mashariicda biyaha ee magaalada hargeysa waayo waxaaba dhici karta in aanu dhalan wakhtigii dawlada Chinahu ay ka sameysay mashruucii biyaha ee hargeysa oo sanadadii70ta need yadii horaatiisii laga hirgeliyey magaalada hargeysa oo dawladii kacaanku dhameystirtey deeqaa biyo balaadhinta ee dalkaasi Chinahu inoogu deeqay.
b) Koonfurta iyo Bariga hargeysa waxaa golaha degaanka ugu jira xildhibaano ma tala iyagu xagee ayey joogaan maxayse u qabteen degaanka laga soo doortey iyo dadkii soo doorteya ma magic uun baa mise reer nimo ayeynu uga leexinaynaa eeda qaybta ay ku lee yihiin?
c) Duqii hore ee Caasimada hargeysa ka muu soo jeedin waqooyiga iyo galbeedka casimada balse muxuu ka qabtey biyo la’aanta koonfurta iyo bariga caasimada mudadii uu xilka hayey. oo aad u dheereed
d) Ku xigeenka duqa caasimadu ee hada isaguna ma aha mid ka soojeeda Waqooyiga iyo galbeedka hargeysa mee kaalintiisii mise isagu awood ma leh wax ka dheha iyadana.
Doodu markey kula laatey waxaa rakaabki ka dhex toosey  nin oday ah oo ka mid ahaa dadkii Buska saarnaa waxana uu ka sheekeyey taariikho hore wuxuuna ku bilaabey sidan:
Waxaa aan goobjoog u ahaa laga soo bilaabo 1979 oo ahayd markii dawladii siyaad bare sameysey Golaha degaanka oo la soo doorto ilaa maanta oo aynu dawlad gooniya sameysanay Duqayda magalada hargeysa soo maray waxay wada ahaayeen rag reer hargeysa ah ka soo bilow  Jaamac Geele oo Duqii ugu horeyey noqday, Muxumed aw Axmed oo ku xigeen u ahaa,Xaashi Muuse  oo Duqii bedelay ahaa, Ku xigeenkiisiina uu ahaa Biixi ,Waxaa ka dambeyey Ibrahim kacaan iyo Cabdi Cabdilahi oo ku isku xigey ugu dambeyey dawladii siyaad bare xukunkeedii ilaa manta dadka maamula Somaliland degaanadoodu waa dad loo soo doortey oo matala gololaha degaanada laga soo doortey bal hebel dheh ka wax qabad ka tigey muuqda magacna ku helay wax uu dadkiisa u qabtey ?
Waxaa uu ku xoojiyey su’aashii hadalkan maalin dhawad waxaa aan TV yada ka arkey muuqaal nin oday ah oo sanadiihii dhowr iyo todobataneed kii Badhsaab ka ahaa Gololkan Maroodi jeex (Ex-W/Galbeed) oo lagu casuumey Hargeysa isaga oo ka tirsanaa dawladii hore ee Siyaad Bare oo la lee yahay wax buu u qabtey wakhtigaasi gobolkan waa ninka Bile Rofle la yidhaado.Tolow ma Hargeysa ayuu ka soo jeedaa daamaheeda oo uu wax ugu qabtey mise qofkii xilkiisa gudanaya ayaa cid walba kaa xiga ee magaaladada wax u qabta.Tan kale hadii uu jiro cid kale oo wax u qabatey maalintaasi ayaa la keeni lahaa casuumadaasi oo la odhan lahaa nin kanina waa kii kaa dambeyey Bile ee hargeysa wax u qabtey taasi ayaa markhaati idinku filan rakaabow daan daan iyo wax aad isku kala qaybisaan  iyo wax matare reer ku difaacdaan.
Waxaa aan idinkula talinayaa waxa dib inoo dhigay waa aragtida o dhaneysa aynu gar iyo gar daraba ku taageerno inanka reer keena ah ee wax ma taraha ah kuwaasi waxay ahayeen weedhihii ninka odeyga ahaa…
Lasoco qaybaha dambe iyo doodii rakaabkii Buska

%d bloggers like this: