Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

FADHI KU DIRIR REERKII DAYAC DALNA HABA SHEEGIN!

Waxaa layaab iyo mucjiso ah in dad badan oo ingaga mid ahi, mashquul ku yihiin hawlo aaney door ku lahayn,taasina ay keentay dayacaad hawlihii laga sugayey ee ay ahayd in ay ka soo dhalaalan.

Waxaa xigmadi tidhaahdaa: HA KA MURUGOON BARAFKA SOO GALAY DARISKAAGA BALSE KA GURIGAAGA YAALA ISKA GUR.
Qofka Adamiga ahi waxaa dunidan Alle ugu abuurey in Isaga lagu caabudo. Cibaadada layniga rabona maaha uun in aynu in aynu masaajidada camiro Labada ciidood ee sanadka oo keliya balse waa in aynu gudaanaa waajibaadka uu Alle inaga rabo ee uu inoo xilsaarey sida uu inoogu waajibiyey.
Qaar badan mashaakilada ina haysta ahi waxay ka dhasheen dayaca aynu waajibaadkii aynu balan qaadney in aynu  gudano dayacney .Culimada Cilmiga Islamku ku xildheer qaar badan oo ka mid ahi waxay tilmaamiin in qofka marka uu dhibaato ka bixi waayo in uu is xisaabiyo oo uu yidhaado maxaa aad qaladey ee si ah, is ogow intaa wakhtigu kaa dhicin,si aad u saxdo wixii aad qaribtey.Ogow akhristow toobadu waa qirashada khaladkagii hore oo aad ka xumaato una noqon mar dambe waxayna lee dahay shuruudo iyo axkam la raaco,balse ma aha ereyo afka baarkiisa laga yidhaahdo oo hadana la sii dabaasho dunuubtii aad sheegtey in aad ka qoomameysay Alle na aad cafiska ka dalabtey, iyo farsamadii aad u fareysey iska soo celinta wixii aad qaribtey ee adamigu xaga u lahaa maal iyo moodba af iyo adinba.

Adami oo dhami waa qaldamaa oo astamaha ay lee yihiin balse waxaa nicmo Alle (swt) ah in uu fursado dahabiya ina siiyey oo aynu iskaga nadiifino gafefka,qaladka yo dunuuba aynu geysano,waana qayb ka mida naxariista balaadhan ee Allah(swt) adoomihiisa siiyey mahadi dhamaanteedna Allah ayey u sugnaatey.

Sida aynu ka wada dheregsan nahay dadkii Somaliyeed 85% dadka qaan gaadhka ahi waxay wakhtigooda qaaliga ah ku dayacaan wax aaney dhib mooyee dheef ka heleynin oo aad odhaneyso waa aakhiro iyo aduunyo seeg uun.

oo maxaan sidaa u lee yahay , waxaan deraasad aan dhameys tirney ku sameeyey dhaqanka wakhtigayadan casriga ah iyo saameynta dadka somaliyeed,dhinacyada siyaasada,dhaqaalaha,bulshada iyo farsamada casriga ah daraasadani ma aha mid  cidi si gaara ugu wajahan balse waa mid la xidhiidha uun waaqiciga dhabta ah ee filicda dadka somaliyeed guud ahaan,sidoo kale ma a ha daraasad si cilmi ah u dhameys tiran oo 100% sax ah balse waa mid ugu dhawaan 35% aragtidayda sax nimadeedu noqon karto,balse u badan aragti guud oo la xidhiidha waayaha dhabta ah ee ku xeeran Somalida iyo wakhtigan xaadirka ah,ujeedayduna tahay uun bal in aynu isku baraarujino meesha aan filayo in aynu u baahan nahay in aynu wax ka saxno ina oo u kala saareyna qodoba xidhiidh wadaga sida:

1- FADHI KU DIRIR

Ereyga fadhi ku dirir waa mid ka mid ah weedha ama ereyda cusub ee ka dhashay marxaladihii burburka siyaasadeed ee Jamhuuriyadii Domuqratiga Somaliya ee dhambantey 27 May 1988 kolkii goboladii waqooyi ay si rasmi ah iskugu bedeleyn goob lagu xasuuqo shacab somaliyeed oo aan waxba galabsan aan ahayn iney ka horyimaadiin xukumad aaney soo dooran oo aan ku iman rabitaanka shacabka balse iyaduba si sharci daro ah xukunka dalkaasi kula wareegtey xoog iyo inqilaab ciidan oo aan sharci ahayn,Marka  la habraaco xeerarka dalka ee markaasi jirey iyo kuwa caalamiga ahba.

Weedhan Fadhi ku dirir waxaa la odhankaraa waxay soo mudhtidhi waayahan dambe ee aynu ku wajahayno dhaqano kala duwan oo ka dhashay qaabka nolosha ee dadka somaliyeed iyo horumarka dhinaca farsamada casriga  ee bedeshay qabka fikirka ee caalamka manta.       la soco qaybaha dambe

Mahad dhamaanteed Allah(swt) u Sugnaatey

 

 

%d bloggers like this: