Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

QAYB KA MIDA TAARIIKDII SHEEKH CALI X. IBRAHIM XIRSI

Sheekh Cali x.ibrahim (2)Waxaan Jecleystey in aan wax yar ka soo qaato qoraalkan hoos u qoran uu Axmed Koosar ka qorey Sheekh Allah naxariistii Jano ha geeyee. Waxaana uu Axmed ku bilaabay qoraalkiisa sidan:

Shakhsiyadda sheikh Cali Xaaji Ibraahim Xirsi, Barbaaridiisii iyo wax barashadiisii.
Sh. Cali xaaji Ibraahim Xirsi oo hooyadiina la odhan jiray khadiija Axmed wuxuu ku dhashay Deegaanka Oodwayne meel la odhan jiray Balliga Guuleed Xaaji 1905, quraanka Kariimka ah wuxuu ku bartay meeshaasi miyiga ah markii uu quraankii dhammeeyaywuxuu tagayMagaalada Berbera oo uu aabihii xaaji ibraahim ku haystay Ganacsiwaxaanu magaalad berbera ka sii watay tacliintiisii isagoo wax ku bartay iskuul uu lahaan jiray nin soodaaniya oo la odhan jiray Sayid khayra lah,halkaasi oo uu ku bartay culumta xadiiska,Tafsiirka,iyo faniyada kala gedisan ee luuqada Carabiga, waxa xusid mudan in uu aabihii qayb wayn ku lahaa in waxbarashada wiilkiisu kaalin gasho waxaana markhaati u ah isagoo xaj ka tagaya ayuu tuducyadan ku dhiiri geliyay.
Aqalkii Ilaahay iyo xajkiibaan Qalab u haystaaye
Calaw qayb khadkiyo looxu waa qawl ilaah dhigaye
Markii uu si fiican u dhamaystay dugsigii Soodaaniga wuxuu u kicitimay Magaalada Bullaxaar oo waagaasi aad u camirnayd culimobadan oo akhriya faniyada kala gedisan ee cilmiga diiniga ahina ay ku sugnayd halkaasi ayuu si fiican ugu dhex galay fiqiga iyo luuqada af carabiga isagoo baaric ku nocday noocyada kala gedisan ee afka carabiga sida naxwaha sarfiga balaaqada noocyadeed Bayaanka & Badiica iyo Cilmiga Diintana sidoo kalena wuxuu aad u bartay cilmiga xisaabta sida Handasada Jabrada & jajabkaka ,sidoo kale wuxuu aad u bartay cilmiga Mandiqa Cilmiga Falaga Iyo taariikhda & juquraafiga..
Hadii aan Tacliintiisa Is raaciyo sheekha waxa suudaan u dirtay Dawladii Ingiriiska halkaasi oo ku maqnaa laba sanadood kuliatu Diraasaadka islaaamiga kana soo qaatay Diktoorah, xili uu aad u yaraa ayuu kaalin galay waxa dadka ku hareeraysan uga muuqanayay bidhaamo iyo calaamado muujinaya Raganimo dheeraad ah ilaa intii uu yaraa waxbaa lagu halaynayay barakona waa laga arkayay aad na wuu u dhawrsoonaa caqli aad u miisaaman ayuu ilaahay siiyay oo xili iyo kasta iyo goobkasta oo uu joogo uu arimaha la soo dersa ee noloshu keentoku xalilayay.
Sheekh Cali xaaji ibraahim wuxuu ahaa bad wayn cilmiya oo aan la soo koobi Karin waxaanu noolaa nolol cibro ugu filan qofkii milicsada oo misanalagu dhammayn Karin qoraal u kooban sidan ookale:-qofka codkiisa maqlaa wuxuu odhan lahaa waa sheikh caalim ah,ka taladiisa arkaa wuxuu odhan lahaa waa hogaamiye qawmi ah, ama siyaasi xeel dheer, qof ka kutubtiisa iyo qasaaidkiisa arkaa wuxuu odhan lahaa waa qoraa Islaamiya, ka nolol la qaybsadaa ee la fadhiistaa ee arka karaamooyinka ilaahay siiyay ee uu qarinayo wuxuu odhan lahaa waa wali awliyada ilaahay ee waawayn ka mida, qofkii cilmi baadhis rasmi ah ku sameeya noloshiisa ee arka siday uga buuxdo kifaax & dadaal,iyo dheefta iyo dhaxalka uu ka tagay ee aan duugoobayn wuxuu yaqiinsanayaa inuu ahaa halayay uu ilaahay ummadan ka soo saaray, oo ay adag tahay in la helo dhigiisii, wuxuu kaalin galay isaga oo aad u yar waxaanu koobsaday cilmiyo fara badan oo dhinacayo badan leh, wuxuu noolaaday isagoo sharaf leh oo tusaale fiicanu ah siday ay tahay iyo macnaha dhabta ah ee ay leedahay suufinamada dhabta ah, wuxuu kutoosnaa dariiqa saxda ee daahirka shareecada,laabtiisuna saafi ayay ahayd,intuu noolaa cidna gacanta muu hoorsan, ee wuu shaqaysanayay, waxaanu u shaqaynayay dalkiisa dadkiisa & diintiisa,isagoo da’ ah habeenna kama fadhiisan shaqada diinta , intaasi oo aad isku gayso iyo in kale oo aan la soo kobi karaynin ayuu dhab ahaan ahaa Sheekh cali Xaaji Ibraahim ( wal xaqu yuqaal) wixii xaq ah waa la sheegaa .
waxba yaan hadal idinku daaline aan milicsano waxyaalaha ugu muhiimsan ee ay mudantahay inaan milicsano..
Kaalintii uu ka qaatay Cilmiga Diinta ee Xaga Caalamka Islaamka :-

Sheekhu isagoo macalin ka ah Dugsiga sareee Cammuud lixdameeyadii ayuu nin yamani ah oo reer Borame ah oo ay saaxiib ahaayeen, dukaanna ku haysan jiray uu u keenay kitaab ka hadlaya cilmiga musdalaxul xadiis oo uu alifay Sheikh yamani ah oo laodhan jiray Ibnal farax oo sidii jacayl u qoran isla markaana gabay ah, waxaanu ku yidhi sheikh kitaabkan oo ku adkaaday culimmadii yamanta inoo sharax, sheekhuna wuu ka qaaday kitaabkii wuxuuna yidhi haduu ilaahay ii fududeeyo waan isku dayi. ….
Sources: Axmed Koosaar.Mobile:-063 410 9607.
Email:-hadrtulawliyaa@hotmail.com.

%d bloggers like this: