Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

SIDA LOO XAQIIYIN KARO WARARKA BEEN ABUUR KA AH!

Sida aynu la wada socono farsamada casriga ahi waxay ku socotaa xawaare guux ka dhereyn ah,waxaanay isku mar wada gaadheysaa darafyada caalamka qaabka isku gudbinta akhbaarta iyo wax kasta oo la xidhiidha wararka iyo dhacdooyinka lama filaanka ah ee ka dhaca daafaha caalamka.Somalidu waxay tidhaahdaa: “NICMO WALIBA NUSQAAN LEH” Nicmooyinka dunida ayaa loola jeedaa tan nusqaanta lahi marka looga faa’iideysan waayo dariiqii saxa ahaa balse nicmada Akhiro nusqaan ma laha oo waa nimco rasmi ah oo Allah(swt) ka hufay nusqaan oo dhan,Adamiguna aanu door ku lahayn maamulkeeda sida tan Aduunka oo adamigu adeegsigeeda(tarasufkeeda) Allah(swt) ku itixaamey Adoomisiisa isaga oo u fududey sida ay ugu intifaaci lahaayeen taas oo ku xidhan dadaalka Adamaha.

Hadaba sida aad la socotaan dad badan oo kala duwan ayaa isla wadaaga muuqaalo iyo qoraalo been abuura  kuwaas oo ujeedooyin kala duwan looga dan lee yahay, oo qaarkood si ula kac ah loogu adeegsanayo barnaamujyo qorsheysan oo ku wajahan dad ama ururo si loogu guuleysto dagaalada nefsiga ah ee ay adeegsadaan hayadaha sirdoonka caalamka, ururada kala duwan ee dhinacyada ideology kuwaas oo xidhiidh la leh loolanka dhinaca dacaayadaha iwm.Waxaa iyaguna aan ka madhneyn dhinaca tartanka dhaqaalaha oo ku wajahan wershado waxsoosaar,dukaamo iyo arimaha ganacsiga caalamiga ama deeganka ah sidoo kale waxaa jira kuwo magac ku doon ah oo dad raba in ay caalamka ka muuqdaan oo xanuunkaas is tustusku ku dhacay si ay u soo jiitaan dad badan  oo ogaada amaba waxaa ay noqon karaan kuwo xaga  majaajilada(shaactirada) balwad u leh ama madadaalinta dadka  kuwaa oo abuura muuqaalo kala duwan oo dadku sii xiseen karaan.Ujeedadu waxay doonto ha ahaatee inaga( Soomaali) waxaa inala gudboon in aynu ogaano waxa la inoo soo gubinayaa ma runbaa mise waa been,diinteenu maxay ka tidhi arimahan oo kale, khayr ama shar keebaa inoogu jira sii fidinta arimahan oo kale.

Waayo waxaanu nahay dad islam ah oo loo baahan yahay in ay in aynu yeelano astamaha muslinka dhabta ah iyo foojignaantiisa ficilkooda iyo qawlkooduba.Sidaa darteed waa in aynu miisanka ugu horeeya ee aynu wax ku qiimaynaynaa noqdo Kitaabka Alle(swt) iyo Sunaha rasuulkii Alle naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee. sida aad u kala shandheynasaana waa:

1- HUBSO INTAANAD GUDBIN

Waxaa muhiima in aad ugu horeyn aad fahantid arinka ama farintan laguu soo direy maxay sidataa oo ay gudbinayaa inta aanad la wadaagin dadka kale waayo shar iyo khayr,wanaag iyo xumaan wixii fariintaasi wado hadii aad adiguna sii gudbisid saameyn bay kugu yeelanasaa dunidaa iyo akhiradaadaba masuuliyadeedana qaab baad ka qadanaysaa wixii xumaan iyo samaan ka dhasha,sidaa darteed waxaa ku horyaala labada maahmahood ee kala ah:

 

  • Hubsiimo hal baa la siistaa
  • Intaanad Falin ka fiirso

Waxaa aynu soo sheegnay in fariinkasta oo baraha bulshada la soo geliyaa ay wadato ujeedadeeda, sidaa darteed waxaa aad si fudud u ogaan kartaa cida laga soo xigtay warkan ama fariinta ugu horeyn waxaad waydiin gartaa google fariintan in uu hayo meesha ay ka timi wixii laga yidhi sax ama khalad run iyo been waayo dad baa kaa horeeyey oo hubsanayey fariintan inay been tahay iyo in ay run tahay oo baadhitaan ku sameeyey hortaa sida ay u badan tahay.

2-  QIIME HUBSIIMADAADA

Marka aad baadhay hubsatey oo aad ogaatey waxa yabaha kaga soo baxay baadhistaadii ayaad qaadan kartaa go’aanka ah in aad sii gudbisid oo aad la wadaagtid dadka kale ama aad halkaa ku dhaaftid waayo saameynta fariintani ku yeelan karto noloshaada dunidan iyo akhiroba  darteed,Sababtuna wax kasta oo aynu sameyno khayr iyo sharba masuuliyadeeda inaga ayaa leh Alle(swt) waa uu inagula xisaabtamayaa laba Malag ayaana uu u xilsaarey in ay qoraan oo ay keydiyaan ficil iyo qawlba,sir iyo caadba wixii aynu sameeyno.

Waxaa ugu dambeyntii aad idinkula talinayaa in aanu khayr ku jirin wax been abuura oo aad adigu moodeysid in aad Alle(swt) ugu dhawaaneysid balse ogow Alle waa uu inaga xaarantimeyey been oo dhan marka laga reebo ta lagu badbaadinayo nolol qof ama dad ka mida adamaha oo markaa noloshoodu halis ku jirto, oo hadaan aanad sidaa sameyn noloshoodu ku dhamaaneyso sidaasi,arintaasina shuruudaheeda ayey lee dahay oo culimada ayaa iga aqoon badan balse sida aan ka maqley culimada diinta ayaa sidaa u idhi,balse waa la i saxi karaa hadii aan aqoonteeda gaaban ku xad gudbay in markaas aad nef ama nefo ku badbaadinaysid beentu kuu furan tahay Alle(swt) ayaa waydiisanayaa dembi dhaaf wixii aan aqoon daro ku xadgudbay arintaasi waayo waa iga waano iyo wanaag sameyn uun balse dhici karta in aan daliil ka dhigtey daliil aad saxiix ahayn.

Mahad dhamaanteed Allah(swt) ayaa ay u Sugnaatey

 

%d bloggers like this: