Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

WASIIRADA WARFAFINTA SOMALILAND IYO BILAWGA DURUSTA HORUMARKA

Waxay ahay markii ugu horeysey ee Radio hargeysi yeelato 1941 markii  the British Army Si tijaabo ah u soo geliyeen radio gii ugu horeyey ee Somali ah. Wax yar uun ka dib markii gumeystihii engiriisku dub u qabsadey Somaliland oo uu ka saarey Talyaaniga. Koritaan ayuu radio hargeysa ku jirey ilaa 1988, oo Dawladii Somaliya Burburisey si la mid ah hantidii kale ee umada reer Somaliland.

1988 ilaa 1991 Radio hargeisa wuxuu ahaa mid hawgab ah oo la jiifey daawacyadii ka soo gaadhey burburkii saamey dadka Iyo  dalkaba. Wakhtiyaa uu suurista ku jiray ee uu kolba marxalad soomarayey ilaa 15.03.2008 uu hawada ku soo laabtey isaga oo tijaabo ah, ka dib markuu mudo hawada ka maqnaa.

Taariikhda kooban waxay muujinaysaa in warfaafinta radio ay Af Somali ku hadasha ay ugu horeysay radio Hargeysa.

Isbedelka xukumadaha ayaa waxay keenaan dib u habeyn iyo derdergelin hawlaha haydaha ay hogaaminteeda bilaabaan siyaasinta cusub ee bedelaya kuwii ka horeeyey. Dhawaan waxaa Somaliland ka qabsoontey doorasho lagu doortay Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeenka. Waxay doorasho Dimoqraadi ah oo dadka codbixinta xaqa u lahaa si madax banaan codkooda u siiyeen cida ay doonayeen in ay dalkan hogaamiso.Doorashadu sida ay aduunku markhaatiga u furey waxay ahayd mid xor iyo xalaal loogu wan qalay,sidaana loogu daariyey Madaxweyne Muuse Bixi iyo Madaxweyne ku xigeen Cabdiraxmaan Saylici.

Waxay iyaguna soo dhiseen golihii fulinta intii ka dhinayd waxaana ka mid noqday

Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Farax (Guri-barwaaqo) oo Wasiirka wasaarada warfaafinta iyo dhaqanka loo xulay iyo Mudane Maxamed Muuse Abees oo loo xulay Wasiirkuxigeenka Wasaarada Warfaafinta.Anigu Shaqsiyan labadan Mudane midna aqoon shaqsiyan ah iskuma lihin in kasta oo aan dhagta ka maqley labadaba oo Cabdiraxmaana in uu nin qoraa ah yahay ogaa Mudane Maxamed na Nin siyaasi ah oo mudo badan qarankan wax qabadkiisa ku suntanaa uu ahaa sida aan saxaafada uga maqli jirey sidaa darteed labadan mudane maqalkoodu iguma cusba balse aqoon xidhiidh la leh  Saddexda JJJ ee  (Jid ma la martey , Jabad ma la degtey ,Jadiin ma la cuntay) midna lama wadaagin. Talada laga sugayey ka dib markii ay barlamaanku ansaxiyeeyn waxa ahayd in ay shaqadooda qabsadaan oo doorkii hogaamineed ee qaybta u lahaayeen mayalka u qabtaan,sida nidaamka dawladu ama hayad kastaaba tahay marka qof xil loo magacaabo wuxuu xilkii kala wareegaa qofkii uga horeyey hadii aanu ururkaasi la bilaabmin dhismihiisu masuulkan cusub,oo taas macnaheedu tahay hayada laf ahaanteeda ayaa ah mid bilow ah oo ku cusub saaxada noloshada qaynuunkaiyo ururada. Wasaarada musuuliyiintan waxay ahayd mid hore u jirtey oo waxaa aynu soo sheegney in Radio hargeysa la aas aasey xiligii Engiriisku gumeysan jirey Somaliland,markaa marxalado badan oo sharciyadeedu iyo siyaasada ay ku dhisan tahay kala duwan yihiin bay soo koobsatey taasi waa taariikh dheer balse ujeeda aynu ka raacnee wasaaradu waa mid jirtey oo leh masuuliyiin wasiiro ilaa adeegto ama adeege.Markii ay xilka wareegey Wasiiradu waxay ila tahay in ay laba deris ( two lessons) sharaxadooda soo diyaarsadeed oo ay ugu talo galeen horudhaca duruusta cusub ee ay rabaan inay dhinaca horumarinta aqoonta shaqaalaha iyo shaqadaba kor ugu qaadaan.

Waxaana malaheyga kala ahaayeen:

1- Xogtii banaanka taaley ee wasaarada iyo

2-Wixii ay kala kulmeen Gudaha wasaarada

Haddii aynu ku horeyno xogtii dabeda wasaarada waxay noqon karaan:-

  1. Dhiilaha aan qarsoon ee bulshada somaliland ku dhaliileyso shaqada wasaarada u hayso bulshada
  2. Dhaliilaha xisbiyada siyaasada ee somaliland ku dhaliilayaan wasaarada
  3. Hirdanka dhinaca maamulka ee salka ku haya reer,qabyaalada, dano gaara iwm ee saxaafadu guud ahaan soo qaadatey dhacdooyinkooda waxna laga qorey.

Markii ay soo diyaariyeen casharkaa soona darseen ayey sida ila tahay gudihiina derseen oo u kuur galeen wixii ka socdey wasaarada dhexdeeda iyaga oo ka fiirsanaya hubsiimo la’aan iyo khalad ku soo noqonaya  sabata oo ah waa qoraa wax badan akhriyey wasiirku wasiir ku xigeenkuna waa nin in badan ku noolaa neecawda siyaasada somaliland oo goob joog u ahaa wax badan markaa labaduba waa rag ka dhisan dhinaca aqoonta iyo waayo aragnimada duruustooduna ku jaheysan tahay isbedel wajahaya barta u baahan in la daweeyo oo keliya ……..

la soco qaybaha dambe.

Mahad dhamaanteed Alle (swt) Ayey u sugnaatey

%d bloggers like this: