Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

WASIIRADA WARFAFINTA SOMALILAND IYO BILAWGA DURUSTA AY DHIGAYAAN!Q:2

Labada masuul waxay xog ogogaal u ahaayeen heerka wasaaradu mareyso iyo dhaliilaha ka muuqda waayo waxay ku noolaayeen oo ay degenayeen caasimada somaliland ee hargeysa oo xanta iyo dhaliilaha ka jira waxba kuma seekaney balse sida aan filayo iyaguba  waxay ka mid ahaayeen dadkii reer somaliland ee lahaa wasaaradii warfaafintu qayrkeed bay ka hadhay, ka hor intii aan xilkan loo magacaabin, xogahaasi waxay uga gudbeen  waaqiga talaabada labaad ee ahayd:

2- Wixii ay kala kulmeyn gudaha wasaarada

Taas oo ay ku xoojinayaan u kuur gelida saaxada dhabta ah ee goobaha shaqada iyo sida loo wado hawlaha waaxyaha iyo qaybaha ilaa laama u kuur gelida tayada shaqada iyo shaqaala kala hubinta shaqaalaha hurde iyo maseexdaha. Tani waxay u sahashey isku miisamida warkii hore ee dabada markey wasaarada ka ahaayeen iyo waxay kala kulmeen markey wasiiradani ka mid noqdeen shaqaalihii wasaarada oo ay noqdeen kooxdii hageysey siyaasada qaranka ee wasaaradu u xilsaaran tahay. Wasiiradu markey wasaarada hawlaheedii dhex galeen waxay la kul meen wax ay ku micneeyey in ay ka tayo rooneyn idaacadii bali-gubadle ee SNM wakhtigii halganka. Waxaa ay cadeeyeen in TV ka Qaranka uu Computer keliya uu yaaley oo saf ugu jireen shaqaalihii hawlwadeenada ka ahaa waxay barbar dhig ku sameeyeen HCTV oo ah Television madax banaan oo uu wasiir ku xigeenku booqashu ku tegey oo in kabadan 5 computer yaalaan, oo hawlwadeenada TV guna si habsami ah hawlahooda ugu wadaan iyada oo aaney jirin baahi computer la aaneed oo haysata. Sidaynu ka wada war hayno HCTV waxa aynu runtii odhan karnaa waa horyaalka TV yada meelo badan oo caalamka ka mid ah dhinaca tayada warbaahinta iyo xirfada warbaahineed hadana waa TV si gaara loo lee yahay oo aan helin maalgelin iyo miisaanad qaran oo dawladeed sida TVga qaranka Somaliland oo sad bursi buuraan oo xoolahihii umada ah loo sargooyey, ayaa masuuliyiintii qaranka ee wasiiradii wasaarada warfaafintu inoo sheegeen in xitaa camaradaha,iyo qalabka kale ee loo adeegsado hawlaha saxaafada ee shaqaaluhu ay yihiin kuwo amaano ah oo aanu TVgu lahayn balse shaqaalaha ku shaqeeyaa ay lee yihiin oo hantidoodii ay tahay, hadaba masuuliyiintii hore ee la bedelay waxaa dadka reer Somaaliland ka sugayaan qalabkii hantida dalka lagu soo iibiyey halkii ay geeyeen, ee ay martey,mise wax miisaaniyada qaranka lagu soo iibiyeyba ma jiraan oo sidii wakhtii halgankii ururkii SNM ee bilowga uu ahaa ayaa mujaahid wal oo cusub kuna soo biira la odhan jirey qorigaaga aad ku dagaal geleyso waa in aad soo qaadataa oo aad la timaadaa,ama waa inaad ka soo furataa ciidamada faqashta waayo looma hayn ururkuna dhaqaale uu ugu soo iibiyo ma haynin balse maanta oo aynu og nahay miisaaniyada ku baxda war baahinta qaranka in aynu maqalno sheeko u eeg wakhtigii halganka maxay daarantahay.

Waxaa aan qabaa madaxda sare ee wasaarada ee wajahaya xaalada noocaas ah iney nasiib lee yihiin kol hadii ay ka badbaadeen xanuun kadis ah oo ku soo booda naxdinta markey wasaarada gudaheeda soo galeen oo ay xilalkii la wareegeyn ay ka mid ahayd Kamaradaha, iyo qalabkan kale ee ay adeegsanayaan waa amaano ay wasaaradu soo toobo caareysatey amaa  shaqaalahaa iska leh oo waa hanti dad ee kuma jirto xilwareejinta hantida qaranka.

Markaa ayaa hadana masuuliyiintii ay meesha ugu yimaadeen halka ay is qaran lahaayeen oo afkooda haysan lahaayeen kor u qaaliyeen oo ay yidhaahdeen qoloyin baa wasiirada qol madow la galey oo wax u yeedhiyey anigu waxaa aan aaminsan ahayn in wasiirada qol iftiimaya oo laydhadhkii wasaarada warfaafinta ilaa bilawgii 1941 ee Radio ga la aas aasey ilaa Maanta ay wasiirada qolkaasi la galeen wixii laga hayo data dii iyo documantiskii kaydka  ee meesha yaaley oo ay ka heleen xogtii,ugu dambeyntiina ay kala soo baxeyn kuwii ugu dambeyey ka soo bilaamey 15 sanadood ee ugu dambeyey ilaa maalintii ay xilka ka qaadeen iyaga oo fahansan meesha dheeligu ka jiro ayey isbedel kan keenen balse nasiib daro iyagii baa eed iyo dhaleeceyn ooda looga qaadey halkii duruusta horumarka ay bilaa been hambalyo loogu dari lahaa ayaa labadii wasiir eed iyo cay lagu soo dhaweyey, balse waa laba halyey oo raba in ay dad iyo dal dhisaan oo aan dan ka lahayn hadalada kuwa aad moodo inay hurdo ka soo kaceyn ee ku soo baraarugey cadceeda duhurka dushooda taagan ee la mid ah SIDII BAHALKII BIRISHKA KA DHACAY BARAARUGEY GOOR DAD SOO BAXAY ALLE BALANKII BARQO AYAAN KACAY.Markaa ayey dhinac kasta laysku qaadey reerihii,odayadii,siyaasiinti,warbaahintii hayey ka soo kacaayey wasiiradii cusbaa qolbaa lala galey oo meel madow baa wax laga saxeexay ragbaa helay iyo sheekooyin aan cuskaney xaqiiqo una eeg kuwii majaajileystaayashu dadka ka qoslin jereen baa dhinac walba loo mariyey balse runtu runtey tagtey oo  Jawaabta kaliya ee dadkii reer somaliland qancisey waxay noqotey :

Mudane Cabdiraxmaan Guribarwaaqo wuxuu yidhi : Walaalkey hadii uu aqoonteeda,dhaqankeed iyo kartideeda lee yahay shaqada uu u hayso wasaarada wuu shaqeenayaa hadii se aanu aqoonteeda kartideeda iyo dhaqankeeda lahayn wuu iska tegeyaa”.  Mudane Maxamed Muuse Abees waxaa uu yidhi : TVga Qaranka hal Computer oo shaqaalihi iska daba sugayaan ayaa yeelay oo aan ugu tegey  halka HCTV na  mar aankan booqdey 6 Cumpoter baa si xarago iyo sharaf leh halwadeenadu ugu shaqeesanayeen iyaga oo qof walba si nefisa shaqadiisa u gudanayey waayo cid safka ugu jirtey oo dedejineysey ma jirin.

Iyada oo meel kalaba laga eegin labadaa jawaabood ee Masuuliyiinta ayaa cadeyn inoogu filan (Waa jawaab cid walba oo miisaanka cadaalada saartaa ku qanci karto.)waayo masuuliyiintii xilka laga qaadey way fadhiyeen oo may iska difaacin taasina waxaan u qaadan karnaa waxaney u haynin jawaab. Sidaa darteed Duruusta wasiirada warfaafintu waa kuwo mudan in la balaadhiyo oo hayadaha kale ee dawlada madaxdeeduna ku daydaan oo shacabka somaliland ku taageeraan geesiga dhulkiisa guusha u horseeda! Anigu waan ku hambelyeynayaa masuuliyiinta cusub waayo mar walba qalinkeygu wuxuu ku qormaa wixii dalkeyga iyo dadkey somaliland horumar u ah ee aan u arko in aan ku taageeri karo ogow akhristow tani waa aragtideyda iyo aqoonteyda balse ma aha mid aan wakiil kaga ahay cid kale waxaa adeegsanayaa fikirkeyga xorta ah cidna ujeedo gaara uguma ifinayo maqaalkeyga balse waa danta qarankeyga iyo aragtideyda ku wajahan qorasha fog ee somaliland oo loo wada siman yahay iyo taageerida dadka sida fiican ugu shaqeenaya qarankooda waayo waxaa na mideya aragtida horumarka wadanka ee bulsho dhaqale iyo siyaasadeed oo loogu halgamayo dalkaaga wax u qabo dadkaagu ha horumaree.

Mahad dhamaanteed Alle (swt) Ayey u sugnaatey

M J Farah

 

%d bloggers like this: