Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

WAA AYO DP WORLD?

Beryahan dambe waxaa aynu maqalnaa murano la xidhiidha dhinaca maalgashiga ee ururka DP World iyo dalalka Jabouti iyo Somaliland bal hadaba hayadan DP World maxay tahay sideedaba? Yaa iska leh? Goorma ayaa la abuuray? Su.aalahaasi ayaa aan isku dayayaa in aan wax ka iftiimiyo si aynu ugu horeyn u fahano ururkani waxaa uu yahay iyo waxa uu qabtoba inta aynaan ka hadal muranada hada taagan ee saameynta inagu leh waayo dad badani maba oga DPW taariikhdeeda, markaa hadii aynaan ogeynba DPW sidaa ayeynu u fahmi karnaa sharkeeda iyo kheyrkeeda in taba DPWorld. Waxaa la aas asey hayada DPW 1999 magaceeda loogu wan qaleyna wuxuu ahaa Dubai Ports International (DPI), Mashuuceedii ugu horeyeyna waxaa uu ahaa Jida Sacuudi Careebiya iyada oo shaqo wadaag ahaayeen hayda muxaliga ah South Container Terminal (SCT) dhinacayada maareynta iyo hawl socodsiinta (manegment and operation). DPW waxa ay sii balaadhisey hawlaheedii waxaaney abuurtey maalgashiyo kale oo ay ku sameysey dalal kale sida Dekeda dalka Jabuuti oo ay 2000 kii ka bilowdey hawlaheedii maalgashiga,waxay sanadkii 2002 India, Romaniya 2003 ,Janaury 2005 ,waxay DPI waxay maalgashatey CSX  World terminals (CSX WT). Bishii September dabayaaqadeedii sanadkii 2005 ayaa si rasmi ah DPI ula midowdey Dubai Port Authority(DPA) Waxayna magacoodii u bedelay Dubai Port World(DPW). Dp World waxay sii wadey is balaadhinteedii taas oo sanadkii 2006  waxay iibsatey  4 dekedood oo waaweyn maamulida, iyo hawl socodsiintooda.

DP World waxaa ay dhinacyada maalgashiga iyo isfidinteeda caalamka ruxday dalal waaweyn oo Mareykanku ka mid yahay taas oo sanadadii 2006 abuurtey murankii  dhinaca nabad gelyada dekeda Mareykanka (US Port Security).Taasi waa arintii uu 22 Feb. 2006 xitaa madaxweynihii mareynkanka ee xiligaa Mr Bush uu awooda veto da u isticmaaley sharci kasta oo ay ku horjoogsanayeen congress ku  Maal gashigan  in ay DP world la wareegto maamulka iyo hawlgelinta dekedaha mareykanka taariikhda markii ugu horeysey ee  madaxweynihii wakhtigaasi ku meel maranayey taageerida uu taageersanaa maalgashigan oo xitaa muran weyn ka dhaliyey mudo la isku jafayey saaxada siyaasada ee wadankaasi. la soco qaybaha dambe…….

Mahad dhamaanteed ALLAH(swt) ayey u sugnaatey

%d bloggers like this: