Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

ABTIYAL MAXA ANU SAMEYNAA HADII AAD NAGA HIILINAYSAAN MAR WALBA?

Waa Su’aal meesha ku jirta balse waa mala awaal aan ka soo jeedhin labada oday ee sheekadan mala awaalka ah aan ku xusayo ,balse dad badani suurta galtahay in ay masxakdooda si uun ugu soo dhacdo oo aaniguba ka mid ahay.
Sheekadu waxay ku jeedaa oo malaha cabashadaa qaba waa laba siyaasi oo kala ah :
1- Naxariistii Jano Alle ha geeyee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
2- Mudane Muuse Biixi Cabdi.
Waxay tahay cabashadu reer Somaliland mar dawladnimo ayey jecel yihiin mar reernimo waa marka laga eego dhinaca Siyaasada.Waayo Mar kasta oo dhaqdhaqaaq dhinaca siyaasada uu bilowdo waxaa laabta la soo kaca dhaqdhaqaada qabyaalada taas oo ay hormoodba ka yihiin dadkii dawladnimada ku suntanaa ee la rabey iney ka fogaadaan dhaqankan labada weji leh ee marna magaca xisbiga siyaasadeed qaran ku dhaqdhajinaya marka afka reernimo ku hadaaqaya.
Sidaa aynu ka warqabno, qof kasta oo Somaliland ahi waxaa uu ka soojeedaa oo dhalay laba waalid aabo iyo hooyo oo ku abtirsado asal ahaan labada odey ee Maxamed iyo Muusena waa la mid oo waxay lee yihiin laba waalid sida dadka kale ee somaliyeedba, balse dadka qaarkood ayaa waxay u arkaan in caqabado isku mid ahi la soo gudboonaadeen labadaba intii loo doortey Madaxweynayasha Somaliland.Maxay tahay sababtu waa mid bal aynu ka dheehan karno cabashadan mala awaalka ah ee ka ee u eeg madadlo balse mudan in wax la iska weydiiyo arintani waxay cadeynaysaa in siyaasiinta iyo odayaasha somaliland qaarkood reernimada awrkooda uun ku kacsadaan balse aan qabiilna u daneynin.Hadeytaasi jirto waxaa dhici lahayd in aaney soo ifbaxin dhacdooyinka aynu in badan dhegeheena iyo in dhaheenaba ku batey oo kala ah:
1- 16 May 1993 Waxaa Magaalada Boorame doorashadii Madaxweynaha ee Somaliland waxaa ku soo baxay Marxuun Maxamed X Ibrahim Cigaal oo ka soo Jeeda Qabiilka Isaaq gaar ahaan Haber Awal- iyo Garxajis oo labaduba dhaleen. Taariikhdu waxay xustey in Beesha Garxajis oo uu ka soojeedey Marxuun Cigaal ay macaaradad iyo dagaal kala horyimaadeen siyaasiin,odayaal iyo wax garadba Marka laga reero rag tiro yar oo siyaasiin,odayaal iyo haweenba leh oo taageerey lana shaqeeyey marxuun cigaal.Arintaasi waxay salka ku haysey arimo kala duwan balse waxaa ay inta badan salka ku haysey la safasho siyaasiintaasi la safteen Mudane Marxuun Cabdiraxmaan tuur oo ahaa madaxweynihii xiligaas oo doorashada lagaga guuleystey.
Arinta kale waxay tahay:
2- 13 Dec. 2017 ayaa Waxaa doorashadii madaxweynaha Somaliland ku guuleystey Mudane Muuse Bixii oo ka soo jeeda Beesha Isaaq gaar ahaan Habar-awal iyo Garxajis oo labadiisa waalid ka soo jeedaan isaga waxaa doorashadiisa mucaarad balaadhan ku qaadey reer abtigii oo garxajis ah oo weerar af iyo adinaba iskugu darey.Waxaana arintu ka dhalatey markii mudane Cabdiraxman oo ka soo jeeda Beesha garxajis laga badiyey doorashadii.
Sidaa darteed labadan madaxweyne waxay wajaheen xaalad isku eeg oo is shabaha oo kala ah:
Waxay ka midays naayeen labada Musharax oo ay la tartamayeen oo Ilmo abtiyadood ahaa
Waxay ka midaysnaayeen arag ay la tartamayiin oo isku magac ahaa (cabdiraxmaan tuure iyo cabdiraxman Ciro) iyo labada ay ka guuleysteen oo isku beel ahaa Garxajis.
Waxay ka midaysnaayeen mucariyad lagu weeqayey awoodooda iyo aflagaadooyin loo geesanayey qabiiladooda .
Waxaa aynu odhan karnaa dadku waa in ay u cadaalad sameeyaan ubadkooda aabo iyohooyoba waayo waalidku waa waalid oo in ubadkiisa loo xaqsooraa waa qayb cadaalada ka midka. Mudanyaashani waxaan filayaa in ay reer abtigood lee yihiin “ ABTI YAAL MAXAA AANU SAMEYNAA HADII AAD NOO KALA HIILINAYSAAN ANAGA IYO ILMO ABTIYADEY!
Mahad dhamaanteed Alle(swt) iska leh

Blogs I Follow

%d bloggers like this: