Skip to content

March 13, 2018

MUDANE IBRAHIM BUUBAA HADAL KUUMA EEGA TALANA DAA!

by M J Farah

Waxaa mudan in aan maanta u sheego Adeerkey Ibrahim Buubaa in Maalintii uu Rasalwasaare ku xigeenka ahna wasiirkii Arimaha Dibeda ee federalka Somaliya oo uu godob weyn ka galey dalkiisa hooyo ee uu ka mid ahaa kuwii lagu tirinayey iney horumarintiisa iyo citiraafkiisaba reedinteeda kow ka a haadaan.Balse midnimada Somaliya waa muqadis uu ku dhaadanayey. Taladii maalinta aad talineysey garan weydey maanta oo aad cadaysima tahay xilna aanad hayn muxuu tarayaa.Adeerkay gacaliyow Adiga ayaa na hagradey iyo kuwo kula fikir ah.Waxaa aan ka xishoodey in aan waayadii tagey waxaa aad dhulkaaga hooyo ka faafisay in aan halkan ku soo bandhigo maadaama aad ka soo noqotey sidaa aad noo sheegtey fikirkii somaliweyn. Balse waxaa aan u arkaa in aad adigu kow ka noqoto kuwa caalamka ka dhaadhicinaya qadiyada Somaliland oo weliba buug ka qortid ku saabsan hagardaamooyinkii loo geystey somaliland ilaa iyo midowgii labada gobol. Fadlan hormood ka noqo faafinta Somaliland oo mid ah aqoonsina ku hanata aqoon,garnaqsi,siyaasad iyo waayo aragnimo salka ku haysa aqoonta adiga iyo kuwo kula ayniga ah ee sita sumada Bare sare ama Professor.

Mahad oo dhan Allah(swt) ayaa Leh

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: