Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

HABLAHA YAGA WAX KA WEYN BA LAGA FILAYA NIN CADHEYSAN WARKII!

Sida taariikhda Sooyaalka Somaliyeed ku cad hablaha reer Somaliland waxay baal dahaba kaga jiraan hablaha aduunka,dhinaca dhaqanka,asuubta,edebta,naxariista xishoodka wax tarka,gaarinimada,geesinimada,garaadka sare iyo caqiidada islamka oo ay ku dhaataan.

Marka bulsho horumarkeeda la qiimeenayo waxaa tusaalaha kowaad loo soo qaataa kaalinta dhaqanka,dhaqaalaha,shaqada ee haweenka bulshadaasi.

Muran kuma jiro in laga dhex helayo in yar oo meel kale u leexatey sida adamiga dabcigiisu yahayba balse marka bulshada reer Somaliland dhamaan hablahooda laga hadlayo 99% waa astaanta sharafta ee qarniyadii hore ilaa imika waaney ku sii soconayaan sidaasi ilaa maalinta ugu dambeysa aduunkan hadii Alle(swt) idmo.

Hablaha Somaliland way ka siman yihiin sharafta iyo dhaqan wanaaga akhlaaqda ku dhisan hadii ay yihiin qaybaha kala duwan ee bulshada reer Somaliland sida:

a- Ayuubka  b)Ciida Galaha  c)Habar awalka  d)Habar yoonista e)Habar Jeclada   f)Dhul  Bahantaha  g) Ciisahah h)Yibraha i)Madigaanka  j) Mid gaha  k) Tumaalada l)Warsan geliga  m)Fiqi Shiniga n) Gada Buursiga iyo dhamaanba beelaha Somalilandba.

Ma kala dhacaan hablaha reer Somaliland oo waa wada dun xariira sharaf iyo haybadna Alle (swt) ku maneystey.Waxaana ugu mahadnaqaynaa Allaha (swt) na siiyey hablahaa sharafta iyo akhlaada ee quruda wanaagsan ka dhigay hablahayagii.

Intaas hadii aan kala sii dhawaado maqaalkeygan beryahan dambe waxaa aan baraha bulshada iyo dadka wararka wareejiya  wadwadeen buugaag uu qorey qoraaga Cabdiraxmaan Cabdilahi Guri barwaaqo . Bugaasi waxaa uu qoraagu qorey sida aan warka ku hayo 2012 kii iyo wixii ka horeeyey ,balse wakhtigan uu  soo nooleyey nin malaha in badan la ficil tamayey oo dhinacyada shaqada ee xirfadoodu isku keentay shaqsiyana uu wax uga tabanayey qoraaga buugan.

Sidaa awgeed waxa uu ka faaiideystey xiligan oo qoraaga loo magacaabey wasiir ayuu is tusiyey in uu kaga aar goosan karo in uu buugaagtiisa dhaleeceeyo oo uu farta ku fiiqo wuxuuna fariintiisa ku taabtey dadka wareejiya wararka ee aan u fiirsan waxay wareejinayaan khalad iyo sax kuu yahay waayo wax kasta oo aad qabaneysaa waxaa uu kuu jidaa dhinaca Janada ama dhanka Naarta sidaa darteed waa inaad ka foojignaatee waxaa aad falaysid.

Waxaa muuqata in ay ujeeda xiligan ee Maxamed Axmed Bedel ka lee yahay ololaha uu ugu jiro sumcad dilka cabdiraxmaan barwaaqo ay salka ku hayso dhinaca arimo shaqsi oo iyaga dhex yaala waxaa kale oo laga dheehan karaa waxaa loo yaqaan Xasadka(jealous), taas oo iska cad waayo hadii uu buugtaasi wax ka qabo wixii ku qornaa waxaa uu ka hadli lahaa markey soo baxeen ama sida inta badan dhacda qoraha ayuu u gudbin lahaa aragtidiisa buugaagtaa iyo waxa uu qalad u arko inta aanu badka soo dhigin sida maskaxda fayoobi ku jirto,kolkaa hadii uu qoraagu uga jawaabi waayo dhaliilaha uu ku arko qoraalkiisa ayuu fagaaraha keeni lahaa balse arintani may dhicin oo waxaa lagu war helay Maxamed Axmed Bedel oo leh Sayidkii baa taariikhdiisii meel uu kaga dhacay Guribarwaaqo, ismaciil Cumar geelow waxka qabo Madaxweynaha Kelinka shanaadoow wax ka qabo iyo hadalo la mid ah oo aan xitaa caruurta yar yari ka xishoonto ku hadalkooda waa maxay waxaa uu Madaxweynayaasha uu soo taxay ka qaadi karaan Cabdiraxmaan Barwaaqo oo rayigiis ku cabiray qoraal uu ka soo dheegtay taariikh yahano iyo dad kale oo soo saarey.Waxaad Moodaa in Mudane Bedel uu ku nool yahay xiligii boqtooyooyinkii hore ee boqorada dhegta wax loogu sheegi jirey waxaaba uu sheeganayaa aqoon yahane xagey ka martey qaabka anshaxa leh ee aqoon yahanku wax u naqdiyaa hadii uu wax naqdiyayo.

Tan kale Marka dadka aqoonta lihi ay arin ka hadlayaan waxay marka hore darsaan waxay dhaliilayaan iyaga oo qofka ay wax ka sheegayaan ka taxadiraya hadii ay jirto wax khilaaf ah oo shaqsiyan u dhexeeyey oo ka baxsan waxaa aad ku dhaliileysid balse waxaa uu inoo sheegey Maxamed Axmed Bedel in ay hore dhowr jeer dhibaato la xidhiidha shaqooyin uu hayey uu ka eryey Guri barwaaqo oo ay ka dhexeysey colaad hore tani waxay markhaati u noqoneysaa in uu Maxamed yahay nin aan xaqiiqo ka hadleyn ee aargoosi iyo dadka uu ku soojeediyo uun u  dhaleeceenayo Wasiir Guribarwaaqo. Hadaba Waxay Ila tahay rayigeyga in hablaha Ciida geli ee sharafta lihi fahmaan qaylada iyo adeegsiga Maxamed Axmed Bedel in aaney ahayn mid wax ka jiraan balse ay tahay uun hubkii uu ku dagaalamayey si uu dantiisa ugu gaadho dagaal gelintooda oo noqon karta in uu wasiir guribarwaaqo wax kaga ruxruxanayo si uu uga nabad galo in ay saafta isbedelka ee wasiirku la tagto maa daama la tayeenayo shaqaalaha wasaaradaha dalka. Waxaa hablaha sharafta ee Somaliland laga sugayaa horumarinta dalkooda iyo dadkooda iyo geesinimadii logu yaqaaney ee difaaca dalkooda balse nin cadheysani inuu adeegsado way ka caqli badan yihiin hableheena ciida gale sidaa aan qabo?!.

Mahad Dhaamteed Allah(swt) U Sugnaatey

%d bloggers like this: