Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

MARWO DEGEN MAXAY KA TIDHI BUUGA QORA GURI-BARWAAQO!

Marwo Degen oo ka mid ah Marwooyinka mala awaalka ah ee ka falceliya dhacdooyinka muranka dhaliya ayaa saaka shir jaraaid ku qabatey laanta hawada ee lagu falanqeeyo arimaha laysku mariwaayo ee xaqa iyo baadilka,ee qaarada Afrikada bari marwada oo goobtaasi oo ay ku sugnaayeen wakiilo aan rasmi ahayn oo ka kala socday qaybaha bulshada ee aan cidna matelin iyo saxaafada xorta ah ee caalamka ee waxba dhageysan,balse iyaga oo ka duulaya been fakatey runi magaadho iyo qalabka carsiga bilaashka ah ee social media ha  sida hilaaca u tebiya afkaatra bulshada ee waxay  ila tahay ayaa ugu horeynba sharaxaad guud ka bixisay aragtidaa ku aadan Buuga muranka dheliyey ee Sooyaal waxayna ku bilowdey sidan iyada oo ka hadlaya arintaa:

“Mudanayaal iyo Marwaayooyin aad baan idiinku mahad naqayaa sida fiican ee aad uga soo qaybgasheen shirkeygan jaraaid ee aan kaga hadlayo buugan Sooyaal ee taariikhaha badan xambaarsan murankani dhaliyey mahad ka dib waxaa ugu qorey ku bilaabayaa hadalkeyga sidan”:

Qolkeygan layfka(live) ah ee  hada waxaa dadka ku jiraa tiradoodu kor u dhaaftey 40,000 kun oo qof sidaa darteed waxaan filayaa in faalada buugan aad loo xiiseynayo sidaa dartee si aynu u ogaano tirade dadka soo akhriyey buugan haa soo qora inta buugan laga hadlayo soo akhridey?

Degan tirade buuga soo akhriday waxa u soo baxay guud ahaan 0 isku celceliska boqoleyda ahna 0%. Suaasha 2 ee ay Degen way diisay waxay ahayd :buuga uu qorey Wasiirka warfaafinta Somaliland ee aad ka  hadalaysan magaciisa imisa qof ayaa ii sheegi karta?

Ka qaybgalayaashii 80% waxay yidhaahdeen  ma gareyneyno magaca buuga balse wasiirka warfaafinta ayaa qorey.Halka 10% yidhaahdeen waxaa la yidhaahdaa Wasiirka warfaafinta oo weriyaal rugcaadidi ah ka bedeley xilalkoodii kana cadhoodhey xilka qaadistaa.

5% Waxay yidhaahdeen Xildhibaan Macnac baa sheegay buuga oo fidmo ka dhiley bulshada dhexdeeda markaa xildhibaan nacnac hala weydiiyo. 5% waxay yidhaahdeen google ka ayaa aanu weydiinaynaaye magaca buugaasi ee wax yar na sug.

Degan waxay ka dib sharaxdey aragtideeda buugan waxaney ku bilowdey hadalkeedii sidan:

Sida saxa ahi waa in marka ugu horeysa ee aad arin ka hadleysid ama aad aragti naqdiseysid  in aad si fiican u deristaa waxa aad dooneysid in aad ka hadasho, sidaa darteed Markii ugu horeysey ee sheekada buugan media yaha la soo geliyey waxaa aan raadiyey buuga laga hadlayo magaciisa si aan u helo oo aan u ogaado macluumaadka ku duugan. Waxaa aan baadhitaan ku sameeyey oo aan soo urursadey qof kasta oo wax ka yidhi buugan iyo taariikhda sugaaneed buugan ku duugan meelaha uu ka soo xigtey qoraagu suugaanta ku duugn buuga,inkasta oo aan jeclaa in aan wax ka waydiiyo qoraaga buugiisa iima suura gelin waayo kama hayo wax isgaadhsiin ah aqoon shaqsi ahna uma lihi balse waxaa aan xooga saarey wixii mucluumad ah ee aan heli karayey. Waxaa aan si fiican u soo ururiyey xidhiidhka ka dhexeeya buugan,xilka cusub ee qoraaga loo magacaabey iyo cida dooda gelisay qoraalada buugan.Sidoo kale waxaa aan email lo u direy dad kor u dhaafaya 200 oo qof oo dhaqanka iyo hidhaha Somalida aqoon u leh, Waxaa kale oo aan wax ka waydiiyey Hablaha sharafta leh ee  gobta Ciida gele tiro 15 hablood kor u dhaafaya, waxaa kale oo aragtidooda wax ka weydiiyey 35 gabdhood oo gobta reer Sheekh Isaxaaq ee reeraha kale ah ,25 Gabdhood oo Gobta Somalilandta reeraraha kale ah.

Markaan xogtaas oo dhan helay waxaa aan dulmarey kaalinta uu qoraagu ka qaatey horumarinta Afsoomaliga oo uu mudo aan yareen qorey buugaag kala duwan oo Afka Somaliga ku soo baxay.Arimahaasi waxay ii saleyn in aad qiimeyn karo kana hadli karo aragtideyda aniga oo aan cidna u xaglin balse aragtideyda ku qiimeenaya wixii aan ku helay baadhisteyda sidaa awgeed waa muhiim in aad ila wadaagtaan xogtan hoos ku qoran:

1- Waxaa markhaati u baahneyn in aaney inagu jirin hal qof oo buuga 100% dabo iyo dacal wada akhriyey oo si fiicaan uga bogtey marka laga reebo aniga oo keliya. Sidaa darteed waa waxba kama jiraan in aynu qiimeyno wax aynaan baadhin oo aynaan ogeynba waxaa uu qoraagu ku qorey buugiisa Sooyaal in aanu ka hadalnaaba horta aynu akhrisano.

2- Arinta kale ee mudan in aynu ogaanaa waxay tahay Wasaarada warfaafinta markii Wasiir Barwaaqo wasiirka looga dhigay waxaa wasaarada lagu sameyey isku shaandheyn maamulka shaqaalaha wasaarada taas oo qaar ka mida hawlwadeenadii wasaarada ee laga bedelay xilalkii ay hayeen ka horyimaadeen is bedelkaasi cabasho iyo eedeyna dusha ka saareyn wasiirka.Arintani waxay xidhiidh toosa la leedahay arinta abaabulka buugan iyo xiisada ku saabsan shaqaalaha iyo maamulka wasaarada taas waxaa cadeyn u ah oo afkiisa ka sheegay ninka ugu weyn ee ku doodaya buugan oo Magaciisa la yidhaahdo Maxamed Bedel, qaabka uu wax u dhaliilayo uu ku doodayo in wasiirka xilka laga qaado taas oo markhaati u ah oo ina tuseysa ujeeda ugu weyn ee nin kani iney tahay uun wasiirka oo xilka laga qaado ee aaney u muuqan in la falanqeeyo buuga iyo waxa laga cabanayo balse xilka uun uu daneenayo taasina waa markhaati cadenaya cabsida shaqsiga ee uu ka qabo wasiirku inuu xilka ka qaado maadama uu hore u sheegay in uu wasiirku ka eryey Jamicada hargeysa inkasta uu wasiirku sheegay in Jaamicada hargeysa ka eridey Jamicada shaqadii uu ka hayey arin la xidhiidha heerka aqoontiisa oo ka hooseysey qiimeynta qofka bare ka noqonaya jaamicada.Arintaana waxay ahayd in maamulka Jaamicadu ka jawaabaan arintu sida ay u dhacdey balse waa eegaynaa waxa Jamicada Hargeysa ka tidhaahdo eedayntaasi.

3- Ka dib markii aad soo ururiyey aragtida Hablaha reer Somaliland guud ahaan oo ay ku jiraan kuwa Ciidagele waxaa ay ii sheegeen in aaney wax ee deyn ah u haynin Mudane Cabdiraxmaan Cabdilahi Guri-barwaaqo oo ah qoraha buugan, balse ay u arkaan in uu taariikh hore gabey la tirey uu tusaale u soo qaatey isaga tilmaamayey uun in hadii gabayaagu ku gafo suugaantii somalidii hore lagu ganaaxi jirey oo xeerar bulsho oo lagu dhaqo suugaanta uu jireen.In kasta oo qaar ka mid ahi ii raaciyeen Inankan aanu habaryarka u nahay inuu si kale u dhigo ayaa mala fiicnaan lahayd balse xaalku raadraac taariikh hore oo aan gabayga cidii tirisey aaney wax saameyn ahi ku lahayn habalaha sharafta leh ee Ciida gale ee maanta berito iyo kuwii wakhtigaa joogey toona waayo Dheeman maar uma rogi kartid oo iskuma qiimo maha ,beri hore ayey kala tegeen  sidaa darteed hablaha ciidagele ama Somaliland waa dheemantaasi hablaha caalamka ka qiimaha iyo kartida sareysa ee kuwa sheekan wada wadaa dheeman ayey rabaan iney maar inoogu sheegaan taasina waa mid aan suurto.

4- Badhisteyda waxaa ii soo baxay in Sababta dabada ka wada arinkani tahay mid Siyaasadeed oo wejigeedu muuqdo hada oo xilki xiisad dhinaca siyaasada ah iyo xilfiitankeedu ka taagan yahay geeska Afrika ay suurto gal tahay in faa’iido ka dayayaan dad ka soo hor jeeda Somaliland oo qaran noqota.

5- In cida arinta buuga ka dhaliilaysa dhinaca anshaxa iyo dhaqanku aaney haynin markhaati ku filan cadeynta in uu qoraagu ku had gudbeyn qadhanka Somalida halka ay cadahay in qoraagu uu qaab weyn ka qaatey horumarinta farta Somaliga iyo Suugaanta,taariikhda iyo dhaqanka iyo hidhaha reer Somaliland iyo guud ahaan Somalida oo dhan, halkaana mudan yahay abaalmarin, halka mudanaha dhaliisha farsameysan hogaaminayaa uu ka mid yahay shaqaalaha wasaaradaasi oo weliba uu caeyey in uu col l yahay mudane Cabdiraxmaan oo ah wasiirkiisa,taasina salka ku hayn karto argoosi dhinaca shaqada ah ee aaney xidhiidh dhaba la lahayn dhinaca naqdi si caadi ah u muuqda balse dano gaara uun u muuqaal eeg.

Lasoco qayabaha dambe ……..

Mahad Dhamaanteed Alle(swt) Ayaa Iska Leh

 

%d bloggers like this: