Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

Maxaa Sabab u ah Dhibaatada Bulsho,Dhaqaale,Siyaasadeed ee Somaliweyn?

Waa Su’aale aan dhib yareen ka jawaabideedu oo u baahan cilmi baadhis iyo daraasad qoto dheer oo lagu lafa guro dhibaatooyinka baaxada leh ee 50 kii sanadood ee ugu dambeyey soo foodsaarey guud ahaanba dadka Somalida,balse Somalidu Waxay ku Maahmaahdaa :WAR DHAFOORKUU KU YAALAA, Sidaa daraateed inagama qarsoona oo wajiyadeena ayaa inooga markhaati furaya dhibaatada laxaadka leh ee ina haysata.Balse ma fududa maqaal yar oo kooban in aan ku soo koobo jawaabta Su’aasheyda,balse waxa ayaan ka taatabanayaa (Kor ka xaadis) yar uun, Ilaa wakhtigii aan ku jirey dugsiga hoose ilaa maanta waxaa aan kibrad aad u weyn ka heley qaabka ay u nool yihiin bulshada Somaliyeed aniga oo xilkii ugu horeyey ee la iidoortaa ahaa in aan fasalkeygii dugsiga hoose markaa aan ku jiray fasalkii 2 aad ee X da(2X) Alufle la ii doorto si dimuqraadiyada la iigu xodeeyey ka dib markii Maamulihii Dugsiga hoose uu fasal ka yagii waydiiyey in ay si qarsoodiya u doortaan horjoogaha fasalka 2x ayaa waraaqihii intii badnayd ku qoreen magacayga, dadka qaar baa is odhanaya malaha waad ugu weynid ardeyda balse uguma weynin ee waxaan ka mid ahaa ardeyda ugu madaxa fiiqan(dheer).ilaa wakhtiyo kala duwan ayaan si dhaba uga mid ahaa dadka bulshada Somaliyeed xaaladeeda xog ogaal u ah,oo wax badan ka og markaa waxaa aan u maleenayaa in aan wax ka qori karo xaaladaha ku xeeran dhinacyada taxanaha bulsho,siyaasadeed,dhaqaale iyo arimaha la xidhiidha. Daraasadeydani waa mid ku saleysan aragtideyada uun balse waxaa jiri kara fikir ama aragtiyo ka gedisan oo aad akhristoow aad ka qabi karto. Sababta aan u doortey qodobadan maanta waa in aan aqoonteyda kooban idinku soo bandhigo daawada sida aan u arko.

Waxaa Sabab u ah Dhibaatooyinka Somaliweyn guud ahaan Arimahan:

1- Ka leexasho Jidka guusha

  Arinta ugu horeyseysaa ee salka u ah dhibaatada ina haysa waxay tahay dhaqankeena ayaa waxaa ku dhacay isbedel oo waxaa burburey dhismihii bulsho,qabiil,qoys,qaraabo ee isku hayey xidhiidhka wanaagsan ee bulshada somaliyeed iyo fikirkii Somalinimada tana waxaa keenay waxaa si badheedha aynu uga leexanay jidkii guusha oo ah inaga oo ah umad ab iyo isirba ku abtirsata Islamnimo ayaa aanu ka weecaney oo aanu geesmarney wixii la inoo abuurey oo ah in aynu ka faa’iideysano Aduunkan oo aynu raacno Wixii Allah(swt) ina faray kana dheeraano wixii uu inaga reebay.

Tusaalooyinka nolosha dhabta ah ee cadeenaya in aynu ugu horeyba gees marney way badan yihiin balse nolosha dhabta ah dhacdooyinka aan waaya araga u ahay waxaa ka mida kuwan:

A- Isku naxariis-ashada

Sida aynu inteena badani cilmi dhegoodka ku maqalney Waxaa aynu ognahay in la ina faray in aynu isku naxariisano,oo marka aynu isku naxariisano aynu heleyno naxariis Alle oo weyn waayo naxariista guud iyo mida gaarba Alle ayaa iska leh.

Ila wadaag sheekadan bishii June ee sanadkii 1988 kii ayaa waxaa aan damcay in aan timaha iska soo jaro waxaa aan ku sugnaa Magaalada Muqdisho waxaa aan soo galey tima xiire dad badani sugayaan waxaa aan waydiiyey meesha aan safka kaga jiro sidaa aan uga sugayey jawaab la xidhiidha arinta aan weydiiyey ayuu igu bilaabay “ Waa kuwii dhulkooda Soo gubey oo raba in ay halkana gubaan” ninkaasi ima yaqaan oo wax aqoona iima laha lacagteydii ayaan sitaa oo aan rabaa in uu igu shaqeeyo oo baryi maayo,lahjada aan ku hadlayo ayuunbaa reer waqooyi ah qabiil aan ahay ma yaqaan,meel aan dhulkaygii ku soo gumey ma oga,waxaa ka buuxa nss(nabad sugida Somaliyeed) oo dhegaha wada laa laadinaya waxaas oo dhan waxaa aan kaga baxsadey aniga oo markaa sitey aqoonsigeygii shaqada oo aan ahaa sarkaal dawlada u shaqeeya oo civil ah,balse hadii aan ahaan lahaa shaqsi aan dawladna u shaqeyn ama iska caadiya xabsi baan ku jirilahaa aniga oo aan dambi lahay. Arintani waa dhacdooyinka ugu yar ee jira marka loo eego wixii dhacay ee soomarey nolosha waayaha ee naxariisdarada waayo waxaa wakhtigaa dawladii Maxamed Siyaad Bare ku garaaceysey hubka lidka diyaaradaha magaalooyinka Hargeysa,Burco, Barbara, Gabiiley Ceerigaabo iyo meelo kale oo badan,waxaa loo soo kireystey South African cadaana oo calooshood u shaqeystayaala si aan loo helin qof u naxariista oo damiir leh oo wax ka reeba dadkaasi aan waxba galabsan sidaa darteed isaga oo og timaxiirahaasi ayuu aniga oo dhibane ah oo dadkeygii waalidkay walaalahay jaarkeygii axsaabteydii iyo dhamaanba dadkii somaliyeed ee deganaa magoolooyinkaasi waxaa oo dhibaato ah ku socdaan oo aan murugeysan ahay ayuu dambiga cidii lahayd ka soo duwayaa oo aniga dusha iga saarayaa. Ogow  nin kaasi qabiil ahaan muu ahay gabooye ama dadka Somaliyeed ee la haybsooco balse wuxuu ka mid ahaa beelaha isku sheega Afarta beelood balse badhka muu ahayn sidaa waxaa aan u lee yahay in loo qaadan in uu ninkaasi ahaa beelaha yaryar ee Somaliyeed oo ana aanan dulmin cid kale waayo dad badan baa aaminsan in beelaha la haybsooco oo keliyi timaha jaraan balse dad badan oo kale ayaa ku shaqeysta oo waa shaqo ka mida shaqooyinka jira.

La soco qormooyinka dambe…..

Mahad dhamaanteed Allah(swt) Iska Leh.

 

%d bloggers like this: