Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

GUDOOMIYAHA XISBIGA WADANI IYO KHIYAAMO QARANIMO (NATIONAL TREASON)

Waxaa Muuqata in Gudoomiyaha Xisbiga wadani Mudane Cabdiraxmaan Ciro uu u soo dhaanshaday Buraashada Biyaha Sidii uu Qaranimada Somaliland uu u burburin lahaa Waayo waxaa cad in isaga iyo Siyaasiinta uu Mudane Ibrahim Buubaa ay si cad uga soo horjeedaan horumarka,nabadgelyada iyo Qaranimada Somaliland ida aan tudhaalaha lahayn ee ay uga beensheegayaan Arinta ku saabsan Somaliland iyo Heshiiskii

Qodaba cadeynaya in ay khiyaamo qaran tahay waxa ay wadaana waxay kala yihiin arimahan:

1- Wasiira dawlada Arimaha Debeda ee Dawlada Federalka ah ee Somaliya waxaa uu sheegay in aaney hayn wax cadeen ah oo dawlada UAE iyo Dawlada Fderalka ee Soomaliya Heshiis ku wada galeen ku saabsan Maalgashiga Dekeda Barbar.

2- Waxaa uu cadeeyey in aaney dawlada UAE ku markey ka hadleysey arinkan aaney odhan heshiis baanu la galney balse ay tidhi waanu isla fahaney.

3- Mudane Cabdiraxmaan Ciro ninkii xisbigiisa uga Ololeynayey Waqooyiga ameerika, wuxuu isku boqray in uu madaxweyne yahay oo Somaliland madaxweyne u yahay oo waqooyiga America lagu doortey, Waxaana shir uu London ku qabtey ku sharaxay Calankii Somaliland oo Xidigtii Madobeed uu u bedelay Buluug taas oo nin rag ahi garanayo nacasna cidi u sheegeyn ujeedada laga lee yahay.

4- Boqor Buur-madow waxaa uu si badheedha meel ugag dhacay qaranimada sharafta,hayba wadanka Somaliland, Wuu si badheexda u yidhi waa in ciidamada Somaliland laga soo saaro dhulkooda oo dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya ku soo noqdaan degaankii ay hore uga haysteen Somaliland.

5- Gudoomiye Cabdiraxmaan Ciro wuxuu mudo dheer uu ahaa Gudoomiyaha golaha Wakiilada Somaliland wax kasta oo qarankan sirtiisa ah gacantiisa ayey ku jireen wax ka qarsoonana ma jiro hadii ay noqoto xukuumadii madaxweyne Riyaale ilaa Xukuumadii Madaxweyne Axmed Siilaanyo, Sidaa darteed waa mid ka mid ah fidmooyinka qarnigan ee Somaliland waxaa aan u ar kaa in la soo gaadhey xilgii xilka laga qaadi lahaa oo uu xisbiga baneyn lahaa waayo:

a) Markii uu doorashada Madaxtooyada uu musharaxa u ahaa xisbiga wadani wuxuu xisbiga si ku meel gaadha ugu wareejiyey Cabdulqaadir Jirde oo noqday Gudoomiyaha Xisbiga wadani ee ku meel gaadhka ah ilaa hadana meel uu kaga qaadey maynu maqal kolkaa mudane Cabdiraxmaan ma dad caama ah buu u haystaa dadka reer Somaliland xagee sharciga ururada caalamka lagu arkey qaabdhismoodkooda urur leh Gudoomiye iyo Gudoomiye ku meel gaadha waxaasi waa wax laga xishoodo.

b) Arinta kale ee la yaabka lahay waxa ay ahay Hogaamiyaha Xisbiga Wadani oo isaga dib loo maqal,sidaa darteed waxaa waajiba in sharciga wadanka ee qaabdhismeedka xisbiyada dib loogu eego sida uu sharcinimo ku tahay xilalkaasi oo maxkamada dastuuriga ahi iyo hayadaha ilaalinta shuruucda dalku ay sugaan haybada iyo sharcinimada xisbiga wadani oo xisbigana waa xisi qarane laga badbaadiyo dilaalinta dalkooda khiyaameynaya ee xaalad abuurka ka wada sheekada aan gadmayna saxaafada la hortaagan .

%d bloggers like this: