Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

SOMALIYA OO WEERARO QORSHEYSAN KU SOO QAADAY QARANKA SOMALILAND

Waxa aan shaki ku jirin in dawlada fadaraka ah ee Somaliya ay halkii ay dalkeeda iyo dadkeeda dhibaateysan u badbaadin lahayd ayaa mucaawimadii caalamku ugu talo galay ku abaabulaysaa dagaalo qabyaaladeesan oo ay u adeegsanayo hagardaameynta horumarka dalka ay jaarka yihiin ee Somaliland.

Arintani waa mid Salka ku haysa Madaxweynaha dawlada federalka ah ee Somaliiya ee xiligan oo Aaminsan dib u soo celinta kacaankii 21 Oktober ee Adeerkii Maxamed Siyaad waana arin salka ku haysa falsafada Madaxweyne Farmaajo oo uu aaminsan yahay oo ah sidii uu aargoosi uga geesan lahaa Ururadii Afka dhulka u daray Dawladii uu hogaaminayey Adeerkii Maxamed Siyaad.Taasi waxaa marag ugu filan Buugii uu qorey markii uu Jaamicad Maraykanka ku taala ka qalinjabinayey uu aad ugu Aflageyey Qabiilo Somaliyeed uu kuna Amaanay maamulkii Siyaad Bare.

Mudane farmaajo waxaa la gudboon in uu nabaradii hore ee uu u geeystey Umada Somaliyeed uu Daweeyo halka uu dhaawacyo hore u geesanayo.Mudane Farmaajo wuxuu moog yahay in Akhiro iyo Aduunba Xisaabi sugeyso caalamkuna ka warhayo dagaalada uu ka huriyey Somaliya iyo Somaliland. Sanadkii 1977 ayaa Adeerkii Maxamed Siyaad Bare intuu Amrey in ciidamadii Qalabka siday ee Somaliya dagaal ku ee keeyaan Dawlada Itoobiya, dagaalkaasi oo Caalamku ka wada warhayey in ay ciidamada Somaliya iyo dhamaan ba haydaha dawlada Somaliya ku wada jiraan, ayaa Dawladii Maxamed siyaad caalamka u sheegeysey in Jabhada Somali galbeed wado sidoo kale maantana Mudane Farmaajo wuxuu Ciidamadii Somaliya qaybahooda kala duwan ku soo Weeraray Jamhuuriyada Somaliland waxana uu lee yahay Somaliland iyo dawlad goboleedka Somaliyeed ee puntland ayaa dagaalamaya…….

%d bloggers like this: