Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

Dawlada Fderalka Somaliya iyo Malgelinta dagaalada Deriskeeda

Waxaa Caado u noqotey dawlada hada ka talisa Somaliya in ay fagelin toosa ku hayso Jamhuuriyada Somaliland,iyada oo ka duleysa aragtidii kacaankii 21 Oktoober ee uu hogaaminayey Marxuum Maxamed Siyaad Bare. Falsafada ka dambeysa in uu Mudane Farmaajo ku soo weeraro Ciidamada Somaliland ee ku sugan xadkooda waa mid salka ku hayso soo nooleynta dagaalo sokeeye,iyo boqortooyadii kelidii taliye Maxamed Siyaad Bare oo hagar daamooyin badan u geystey guud ahaan umada somaliyeed meel kasta oo ay joogtoba. Mudane Farmaajo oo aan ku iman rabitaanka Shacbiga Somaaliyeed balse ku yimi musuqa iyo iibsashada Codadkii xxildhibaanada federalka ee Somalliya oo caalamka warbaahintiiisu ku tilmaantey codadkii ugu qaalisanaa ee lagu kala iibsado doorasho inuu ahaayeen kuwii doorashada Madaxweyne Farmaajo uu ku soo baxay. Sidoo kale waxaa iska cad in aanu Farmaajo haysanin lacagtaasi balse ay ku soo saareen dowlado shisheeye oo dano kale ka lahaa in uu farmaajo ku soo baxo codadka doorashada.

Dhinaca kale Farmaajo isagu wuxuu hadafkiisu ahaa in uu aargoosi siyaasadeed uga faa’iideysto gacan ku qabashada xukunka kaas oo salka ku haya in uu ka aargoosto ururadii xukunka ka tuurey keli taliyihii dhiiga badan ku sabootiyey umada Somaliyeed ee Maxamed Siyaad Bare oo ay qaaraabo dhow ahaayeen.

Mudane Farmaajo wuxuu ugu horeyntiiba bilaabey in uu siyaasiintii ku abtisan jirtey ururkii USC ee hawiye uu damco inuu qaarna ku khaarajiyo shirqool siyaasadeed qaana uu ka fogeeyo siyaasada : Tusaale dhacdadii lagu rabey in lagu khaarajiyo Mudane Cabdi Qaybdiid iyo tii xabsiga loogu taxaabey siyaasigii xisbiga siyaasada ee gurigiisa lagu soo weerarey ka dibna la xidhay.

Wuxuu faragelin ku bilaabey Dawlad goboleedka Jubaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe kaas uu ka urrinayo Jabhadii SDM ee uu hogaaminayey ina cumar jees oo ka mid ahayd  ururadii hubeysnaa ee xukunka ka tuurey Maxamed Siyaad. Wuxuu ka horyimi qorshayaashii Puntland  isaga oo ka dabajooga ururkii SDF ee ugu horeyey ee dagaal hubeysan kala horyimaada Madaxweyne Maxamed Siyaad, taasi waxay keentey in Maamul goboleedka Puntland is bahaysi la sameysato Maamul goboleedyada kale ee Somaliya waxayna shir ku galeed Kismaayo waxaa halkaasi lagaga dhawaaqey urur ay ku mideysan yihiin Maamul goboleed yada Somaliya kaas oo ujeedadiisu ahayd in lagu wiiqo awooda dawlada federalka ah iyo qoshaha farmaajo.

Markii uu Mudane farmaajo ku fashilmay Istiraatiyadiisii ku saleysney ka aargoosiga ururadii ku kacay Xukunkii adeerkii ee dhinaca Somaliya ayuu bilaabay qorshe cusub oo uu ku bedelayo Istiraajiyada aar goosiga waxaana uu maal gelin ku sameeyey in doorashii Somaliland uu uga faa’iideysto jid uu ku khalkhal geliyo dumuqraadiyada Somaliland waxaa uu si badheedha gacan uga geystey kiciinta iyo abaabulka dadka reer Somaliland oo uu qaab qabiil damcay in uu uga faa’iideysto kala furfurkooda, wuxuu isku soo labahay xisbiga Wadani iyo siyaasiin uu si hoose u dirsadey taasna markhaati waxaa kugu filand abaal gudkiisii ugu dambeyey ee muuqda oo uu Gudoomiyaha Maxkamada Federalka sare ee Somaliya uu u magacaabey xisbiga Wadani siyaasi ka tirsan.

Markii fidmaasi waxba uga suurtoobi waayeen ayuu Mudane Farmaajo Socdaal ku soo gaalaa bixiyey Garoowe waxaanu uu uga dan lahaa in uu Bulshada nabada jecel ee reer somaliland ka dhex abuuro colaado salka ku haya qabyaalad,si uu u mijaxaabiyo nabada iyo horumarka Somaliland uu colaadna u dhexdhigo shacabka Somaliya iyo Somaliland.

Imaashihiisii Garoowe waxay sababtey hurinta colaado iyo dagaalo uu Farmaajo u arko in uu ku aargoosan karo halkii uu maskaxdiisa gelin lahaa in uu bogsiiyo dhaawicii uu adeerkii u geystey umada soomaaliyeed ayuu noqdey Adeerkii ma dhaame nool qarnigan 21 aad uu aan la talabsan karin nolosha iyo isbedelada casriga ah ee caalamka.Sidaa awgeed DawladaahaCaalamka iyo Golaha Amaanka ee UN ta waxaa looga baahan yahay in ay talaabo ka qaadaan Farmaajo oo u durbaan tumaya in uu markale Umada Somaliyeed Ku hubsado god madoow oo aan la garan karin dhibaatooyinka ka dhalan kara iyo khasaaraha guud ahaan ka soo gaadhi kara deriska iyo degenaashaha caalamka guud ahaan,Mudane farmaajana waxaa aan kula talin lahaa in uu riyada maalmeedka uu ku bedelo waaqica dhabta ah ee maanta,oo aanu dhawacyadii hore ee aan weli bogsan aanu diirka ka qaadin ee uu isku dayo in uu dhayo oo daaweeyo taasi ayaa iga nasteexo ah.

%d bloggers like this: