Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

Dawlad Doqona Tan ka hore ma maqal!

Dawlada Federalka ah ee Somaliya waa Puntland oo aan biyo is marin waayo Dawlada federalka ee Somaliya waxaa aas aasay Col.Cabdilahi Yusuf oo ahaa Madaxweynaha Puntland,Siyaasiinta Puntland waxay Sad bursi aad u balaadhan ka heleen dhinaca siyaasada Somaliya laga soo bilaabo 1 July 1960 oo ahayd maalintii ay xornimada qaateen goboladii koonfureed ee Somaliya iyo Midowgii labada gobol ee Somalidii Talyanigu gumeysan jirey iyo British Somaliland.
Taariikhdu Markey ahayd 21 Oktober 1969 ayaa waxaa xukunkii dalkii Somaliya inqilaab Mulateri ku qabtey Gen.Maxamed Siyaad iyo koox saraakiil ciidan ah oo u badnaa ciidamada Mulateriga.
aad baa loo soo dhaweyey la wareegidii ciidamada ee xukunka waxayna u muuqatey in ay sanadadii bilowga ay qabteen hawlo muhiima, balse waxay noqdeen mudo yar ka dib kuwo is mahadiyey oo dib ugu noqday musuqii eexdii iyo qaraaba kiilkii waxayna Saraakiil sare oo ka tirsanaa ciidamadii qalabka siday ee Dawladii Siyaad bare oo uu hogaaminayey G/Sare Ciro uu ku dhaqaaqay in uu liis uu soo xulo saraakiil iyo saraakiil xigeenadii ugu geesisanaa ciidamada Somaliya uu Maxamed Siyaad bare u gudbiyo isaga oo shirqoolaya kuna masabidaya inay dagaalkii 1977 ka hor yimaadeen oo la laayo halkaasna in ka badan 20 geesi oo dalkooda difaacaya loogu toogto iyaga oo aan wax dambiya gelin.
Sheekadaasi waxay i xasuusisay dhacdooyinka maanta ee siyaasinta reer Puntland ee odhaneysa Alshabaab iyo Somaliland baa isku milmay.
Hore waxay Dawlada Somaliya(puntland) intey shirqool u sameysay Ciidamo ka tirsan Galmudug ay mareekanka siisay warbixin qaldan oo ay u sheegeen in ay ciidamadaasi yihiin kuwo Alshabaab ah halkaana mareykanku ku duqeeyey ciidamadii Galmudug oo uu mareykanku laayey isaga oo u haysata Alshabaab. Arinta la yaabka lahi waxay tahay caalamka lama arag Dawlad ka doqosan Dowladan Federalka Somaliya(puntland),oo caado ka dhigatey marka ay gardareysato ee la jebiyo inay tidhaahdo waa Alshabaab iyo Qolo ku milantey.
Caalamku waa uu la yaabsan yahay doqonimada Somalida Puntland.
Mahadsanidin
%d bloggers like this: