Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

SHEEKO HAWADA SOMALILAND MUQDISHO AYAA LAGA MAAMULAYAA!

Somalidu waxay ku maahmaahdaa Wax walba run moode ayaa rag ugu liita.

Beryahan dambe waxaa suuqyada dacaayada ee baraha bulshada iyo warbaahinta dawlada furfurtay ee fedelka Somalida Konfureed ay shaqo ka dhigteen sheeko caruureedka odhanaysa Hawlada Jamhuuriyadii Somaliya ee 1 July 1960 Midowdey ayaa waxaa si rasmiya loogu wareejiyey Dawlada furfurantey ee federalka Konfurta Somaliya.

Hadaba arintaasi waa mid aan waxba ka jirin oo aan dhaafsaneyn hadal iyo qoraal afka laga yidhi oo aan qiimo u lahayn sida ay dad badani moodayaan.

Sideedaba Somaliyida furfurantey ee Konfurta Somaliya (dawlada federalka) waxay u jirtaa si magac uun ah balse maha mid nool oon nolol dawladnimo ku jirto,waayo waxaa hore loogu odhan jirey Dawlad Saaqiday ama Fashilantay  (failed state ). Ka dib laga soo bilaabo 2015 ilaa maanta waxaa loo yaqaan dawlad gurgurad barad ah oo aan weli cagaheeda isku taagin,oo la rabo in la baro nidaamka dawladnimada soo celinta nabada sida loo sameysto ciidamo,maamul dimoqraati ah,xisbiyo siyaasadeed,sida laysku maamulo iwm.

Somaliland waxaa loo aqoonsan yahay Dawlad qaan gaadha oo tusaale fiican iyo ku dayashoba u ah dimoqraadiyada dawlad wanaaga iyo nabad gelyada Caalamka, Balse aan Aqoonsi caalamiya helin,oo dunidu idhaha ka lalinayso sababo badan awgeed.

Dal walba hawadiisa isaga ayaa u tashada ama ha la aqoonsanaado ama yaan la aqoonsane caalamku mar walba wuxuu la macaamilaa cida ay dani ugu jirto marka ay dani timaato aqoonsiga iyo aqoosi la’aanto muhiim ma aha balse waxaa muhiima awaada uu dalkaasi u lee yahay  sharciga iyo kala dambeynta maamulkisa (law and order).

Markaa Somaliland waa ay dhaaftay maanta in la yidhaahdo hawadeeda Muqdisho ayaa laga maamulayaa balse waxaa aynu sugaynaa sheeko caruureedku halkey ku dambeyso.

Aniga waxay ila tahay inay la mid tahay sheeko dhacday markii Maxamed Siyaad Bare xamar uu ka cararey oo uu kismaanyo marayo ayaa mid ka mida kooxdii la qaxdey waxaa uu yidhi imika ayaa mareekanku ciidan iyo diyaarado dagaal keenayaa oo uu xamar ka saarayaa Gen. Caydiid iyo  USC da markaa ayaa inan yar oo la socotey tidhi Adeer ma awal 

baad wax iska hagraneyseen intii aan Xamar la inaga saarin miyuu Mareykanku ciidamada iyo diyaaradaha aad sheegeyso keeno…… Imika dawlada Furfurantey ee Farmaajo ma awal bay wax iska hagraneysey miyey hore ula wareegto hawada Somaliland mise Mareykanka ayaa u qabanaya…..?

Categorised in: Articles, Health

%d bloggers like this: