Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

SIYAASIYIIN GOLE KA FUULA IYO SOMALILAND!

Waxaa aynu wada nahay ku dhawaad 4 Milyan sida qiyaasta Mala awaalka ah ee tirakoobka dadka reer Somaliland lagu hilaadiyo. Dalka aynu jaarka nahay ee walaalahayna ee imika la baxay Jamhuuriyada federalka ah ee Somaliya waxa lagu qiyaasaa ilaa 6.5 milyan tirakoobka dadka dalkaasi sida mala awaalka tirakoobka aan rasmiga ahayn taasi waa ta khiyaas ahaan tirade guud ee somalida dalkii la odhan jirey Jamhuuriyada Somaliya (Somaliland iyo Somali itaaliyano) logu qiyaaso 10.5 Milyan.

Somaliya waxaa ay burburtay markii ay dawladii ugu dambeysey ee Gen. Maxamed Siyaad Bare xoog lagaga saarey Jamhuuriyadii Somaliya oo uu qoxooti ku noqday  dalka dibadiisa.

Waxaa bilaabmay loolan dhinaca awooda iyo siyaasada ah oo u dhaxaysey Siyaasiintii Somalida ee wakhtigaas oo ahaa kuwo u qabysanaa Ururadii hubeysnaa ee dagaalka hubeysan kula jirey dawladii siyaad bare iyo Siyaasiin gole ka fuul ah oo ku sugnaa magaalada muqdisho una badnaa ganacsato iyo dad xaga siyaasada mudooyinkii dawladihii kala dambeyey ka tirsanaa oo la magac baxay Mano faseysto.

Labadaas xoog ee kala duwani waxaa ka dhashay in nabadii iyo degenaashihii Somaliya uu meesha ka baxo oo la waayo maamul awood leh oo keligii ka taliya Somaliya,waxaana bilaabmay dagaalo dhex maray xoogagii kala duwanaa ee ku hirdamayey awoodii iyo gacan ku hayntii dalka taasi waxay keentay in kooxdii maana feesto ku guuleysato dagaaladii dhinaca siyaasada oo ay dhisaan dawlad uu hogaaminayo Ganacsade Cali Mahdi ,waxaa uu xamar kaga dhawaaqay dawlad isaga oo aan wax talo ah ka gelin ururadii hubeysnaa ee dhamaan gobolada dalkii somaliya gacanta ku hayey taasi waxay keentay in 18 May 1991 goboladii Waqooyi ay ku gadhaan go’aan la soo noqoshada dawladnimadii Somaliyada Konfureed ay u hadyadeeyeen 1 July 1960. Hadii taariikhdaasi kooban aan halkaa ku hakiyo laga soo bilaabo gooni isku taagii Somaliland ilaa maanta oo dawladii 5aad xilka hayso ama Madaxweynihii 5aad uu talada hayo oo doorashooyin xor ah oo muwaadiniyiinta Somaliland codkooda ku soo doorteen ayaa aad arkeysaa  arimo badan oo aan ka tarjumeyn danta dalka iyo dadka Somaliland oo ay dadbada ka riixayaan siyaasiin aan odhan karo waa kuwa faa’iidada iyo dheefta ugu weyn ku qaba dawladnimada Somaliland ayaa hadana aad moodaa dubihii lagu burburinayey Somaliland iney iyaga keenayaan oo ay qaybinayaan

Kuwaasi waa kuwa aan ku tilmaamay siyaasiinta Gole ka fuulka ah oo aan lagaba waayeen Somaliland.

Maxay yihiin Siyaasiinta Gole ka fuulka ahi?

  • Siyaasinta gole ka fuulka ahi waa kuwa had iyo jeer yimaada munaasibado aan lagu soo marti qaadin waxay ay maroorsadaan hadalka ama barnaamujyada golahaasi waxaaney kaga hadlaan arimo aan ayna wax og ahba ka hayn oo aaney ku habooneyn ka hadalkooda taasina waxay keentaa in khalkhal ku keento arimaha siyaasada iyo nabad gelya dalka waayo war aanu xogba ka hayn ayuu golaha ku dhex tuurayaa markaasi ayaa warkii ku faafayaa bulshada dhexdeeda.
  • Waxa ay ku la dhaan hadaladooda in ay iyagu yihiin kuwa dalka iyo dadkaba horumarkiisa looga dambeeyo wax ay qabteena ma soo qaataan balse waxay dhaliilaan kuwo shaqadoodii qabsaday oo ka fikiraya dalkan iyo horumarkiisa.
  • Waxay ku daataan reernimo yiga oo aan kaba xishooneynin kala qaybinta bulshada iyo isku dirkooda.
  • Waxay isku haystaan iney yihiin dad aqoon u leh qabta maamulka iyo maareynta balse hadalkooda hal ca ay ka hadlayaan muujineysa iney aqoonteeda lee yihiin arki meysid
  • Hadaladoodu waa kula is burinaya oo waxaad arkeysaa laba munaasibadood oo kala duwan inay arin isku mida si kala duwan uga hadlayaan.

Somalilada federalka ah ee Somaliya iyo dawlad goboleeyadeed waxaa dhamaan ka taliya doowlado aan cidi dooran oo aan ku iman doorasho iyo cod bixin dadweyne balse qaabab kale ugu fadhiya kuraasta hadana 99% dadka iyo siyaasiintoodu ma aha kuwo Gole ka fuula oo ma arkeysid siyaasiin iyo reero ku mushquulsan korsi IWM.

Tusaale wax yaabaha aan la yaabo waxaa ka mida hawadii Somaliland baa lala wareegey,gole ka fuulka siyaasadeed ee Somaliland ku tiraabaan mar walba sidee ay suurto gal u tahay in hawada Somaliland Somaliya laga xukumo iyada oo aan Somaliland maamulin Somaliya nin aan madarada Somaliland xitaa transit ku mari Karin side uu u maamuli karaa garoomada Somaliland.

Waxba kama suurto gelayso in heshiis la’aan Somaliya iyo Somalland dhex mara mooyaane in cid gaari ahi manaafacsaato khidmada laga qaado adeega duulimaadyada khadlka labada dal.Waxaa jira kuwan iyo kuwo la mid ah oo inta aaney kaba hadal dadkii xog ogaalka u ahaa shaqada ama masuulkaba ka ahaa dad kale oo aanba waxba kala socon ay ka halaan Somaliduna Waxay ku Mahmaahdaa “ XAAJO NIN OGEYNI INDHAHA A YUU KA RIDAA”.Kol kaa Gole ka fuulka siyaasadeed ee Somaliland ma inaga deenayaan gole ka fuulka siyaasadeed miye …………..ku darso ?

Waad Mahadsantiin Dhamaantiin

M J Farah  Beng(hon), BA, EVCE,.

Blogs I Follow

%d bloggers like this: