Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

26 June 1960 Xoriyadii La Tuuray 1 July 1960 Ma La Hantay 18 May 1991?

Xoryada sideedaba laguma bixiyo hadyad kol hadii lagu gumeysto waxaa gumeysiga laga baxaa halgan aan nasasho lahayn oo dhiig lagu daadiyo maskaxda lagu shiilo maalka loo huro murtida iyo suugaanta lagu fidiyo qoraalada iyo taariikhda lagu cadeeyo garnaqsi geed walba loogu tago.

Mudo badan ayaa Somaliland Xoriyadii ay ka qaatatey Gumeysigii boqortooyadii midowday (United Kingdom) ka soo wareegtey. Taariikhda waxaa loo qoraa sida loo ogaado raadadkii Umadaha ee dhinacyada nolosha,deganada,dhaqaalaha,dhaqanka,siyaasada, iyo dhamaan jiritaanadii tadawirka umadeed.Somalidu waxay ku maahmaahdaa “Rag calooshii la ciyaar iyo ciil Kama koraa u daran(u liita)”.

Taas waxaa aan ula jeedaa mar wal oo ay munaasibada 26 June ee ku astaysan gobanimadii Somaliland soo gasho ayaa aan maqlaa calaacal salka ku haya sida loo xuso ee weliba dawladihii kala dambeyey ee Somaliya u qadariyaan maalintaasi oo ku asteysan Markii Taariikhda Somaliya ugu horeysey ee uu dhasho dal Somaliyeed oo xor ah taas oo Taariikhda somalida u ah maalin ay ku faanto Somali oo dhani waa hadii somalidu caqligaasi lee dahaye waayo 26 June Somaliland oo keliyaha may xoroobin ee waaxaa Xoriyadii u bilaabantay somaliweyn waa tii dhashay Somaliyada xorta ah.

Maanta in Taariikhda 26 June laga xuso meel wal oo Somali degen tahay ayey ahayd balse may ahayn in xitaa Madaxda kala duwan ee Somalidu garanba waayaan halkii calankii ugu horeyey ee Somali XOR ahi yeelato laga taagay waa ayaan darooyinka ina haysta ayey ka mid tahay iyo doqoniimo siyaasadeed wadanyad daro iyo xasad waayo Dalalka la aqoonsan yahay ee Somali ku abtirsada waxaa ugu horeeya Jahuriyada federalka ah ee Somaliya oo weliba ku hadaaqda in ay labadii dal ee midoobay 1  July 1960 masuul ka tahay hadana Madaxweyne Farmaajo Wuxuu garan waayey goobtii calankii ugu horeyey ee Somaliyeed laga taago.

Dalka kale waa Jamhuuriyada Jabuuti oo iyadna madax deedu aaney sooba hadal qaadin maalintaa taariikhiga ah 26 June……..

la soco qaybaha dambe.

 

 

 

%d bloggers like this: