Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

WARARKA LA ISLA DHEXMARO(RUMOURS NEWS)

Waligeedba waa ay jiriin wararka aaney waxba ka jirin ee dadku isla dhexmaraan,Waraarkaa waxaa inta badan citiraaca ama abuura dad dano kala duwan ka leh sida kuwo dhinaca siyaasada ku sal leh,kuwo dhinaca ganacsiga ama dano dhaqaale salka ku haya,kuwo salka ku haya jinsiyad nacayb,kuwo lagu fasahaadinayo dhaqanka iyo diin quruumi leeyihiin,kuwo salka ku haya khalkhal gelinta bulshada ee dhinaca nabada iwm.Arintu si saltaba ha noqotee waa arimo u baahan in aad iska hubiso war kasta oo laguu soo sheego gaar ahaan kuwa lays kugu gudbiyo baraha xidhiidhka bulsha. Qoraalkaygani waa wacyi gelin iyo digniin waayo waxaa marar badan soo noqnoda sheekooyin lays kugu gudbiyo social media yaha oo in badan aniga lafteyda la’ii soo direy waxaa ka mid ah oo hada la ii soo direy fariin uu nin somali ahi kaga hadlayo in perfume lagu magacaabo Relax( A Relax ferfume).Wax ka jiraa ma jiraan War kasta oo aad maqashid inta aanad gudbin iska hubi ilay Allah(swt) ma jecla beenaalayaasha e. Waxaa laguu soo dirayaa kabo lagu leeyahay magacii Allah(swt) ayaa lagu qoray oo muqaal sawir kabood laguu soo gelinayaa Subxaana laah warkaa ayaad sii gudbinayaa wax aan jirin Allah ka cabsada Walaalayaal oo ha faafinina war aanad xaqiijin karin Magaca Allah(swt) waa ka nasahan yahay in kabo iyo wax la mida lagu qoro,waxaana aynu og nahay in tirada  muslimiinta caalamku bilyano kor u dhaafayaan oo Allah(swt) caabudaan sidee ay u dhici kartaa in magaciisa kabo suuqa lagu iibiyo lagu qoro waxaynu og nahay news papers kii Nebigeena suuban wax ka sheegay in aaney nuqul ka mida maanta laga heli karan meelaha buugagta lagu iibiyo ama wax lagu daabaco.Intaad is lee dahay khayr baad ka helaysaaye fariintan gudbi mala yaabaa in cadho Allah xambaarato somaliduna waxay tidhaahdaa hubsiimo halbaa la siistaa.Walaalkeyga muslimka ahow ha ku muteysan in aga Alle (swt) beenaale lagaaga qoro ee kala hubi waxaad dadka la wadaageysid iyo waxaad qashinka ku dareysid ileyn Alle caqli buu ku siiyey aad wax ku garatid wixii lagu soo diraba run hamoodin iska hubi.Wax kasta hadii aad dooneyso warkeeda booqo google oo waydii waxa laga qorey run iyo been tusaale :

google:  perfume called Relax?

IWM waxaad helin jawaabo ku saabsan wixii laga yidhi iyo waxaa ka jira kala duwan.

Walaalayaal beeni maad ma aha,madadaalana ma aha ee waa wax xun oo dambi uun kaga kordhayo.

Waad mahadsantiin

 

%d bloggers like this: