Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

Somaliland iyo Demoqraadiyada!

Somaliland waa Jamhuuriyad taariikh wanaagsan ku leh dhinaca talo wadaaga iyo isku tanaasulka iska hor imaadada dhinaca siyaasada, inta badan danta guud ayayey ka hormariyaan tan gaar ah ah ee damaca siyaasasadeed ee shaqsiga ah.
Waxaa dadkeedu inta badan jecel yihiin dalkooda oo horumara,citiraaf hela,waana dad ku wanaagsan dhinaca isdhex galka bushada iyo soo dhoweynta, Sida lawada og yahay siyaasiinta Somaliland ee kolba xilka hayaa waxay ku shaqeeyaan dareenka dadka oo go’aanada waaweyn waa kuwo ka yimaada rabitaanka bulshada Tusaale1:
26 June 1960 Markii dalkii boqortooyada Engriiska Somaliland xoriyada ka qaadatey dadkii reer Somaliland waxay siyaasiintii Somaliland ku qasbeen in lala midowbo Somalidii konfureed.Arintaasina waa tii dhalisay midowga labadii gobol ee konfurta iyo woqooyiga ee 1 July 1960.
Tusaale 2.
18 May 1991 Shirkii kowaad ee wax garadkii,siyaasiintii,beelaha reer Somaliland iskugu yimaadeen Magalada Burco, dadkii matelayey beelaha Somaliland waxay go’aansadeen in dawladnimadii iyo qaranimadii Somaliland ee midowga labadii gobol dib loogu soo noqdo oo goboladii waqooyi dalkoodii ka tashadaan iyaga oo ka baxaya midnimadii Somaliladii konfureed,arintaa siyaasiinta Somaliland may rabin badankoodu balse waxay qaateen go’aankii inta badan ee madashaasi ku shireysey.

Somaliland iyada oo la aqoonsan waxay ku iney moodashooyin xor ah oo xisbiyo siyaasadeed ku tartamayaan ka dhacaan dalkeeda oo ilaa shan madaxweyne ku yimaadaan doorashooyin kala heera halka 3 ka mid ahi ku yimaadeed doorshooyin toos ah oo hal cod iyo hal qof salka ku haya halka labada kalana ku yimaadeed doorasho ku dhisney shirweenayaal beelaha somaliland iyo siyaasiintu qabanqaabiyeen sida shirweynihii Burco iyo Kii Boorame.
Taariikhda Somalida kama heleysid heerka Dimoqraadiyada dhinaca siyaasada ee Somaliland ka gaadhey dhamaan maamulada kale ee Somaliya .
Tusaale 3.
Lama hayo taariikhda Somalida in siyaasiin Somaliland ah inta dawlado ama dawlad Shisheeye shir u qabteen dhexdhexaadiyeen abad balse Somaliya xitaa dalalkii taariikhda cadaawadeed ka dhexeysey ayaa intaas oo shir u qabtey oo ku dhexdhexaadiyey xitaa ciidamo amaankooda suga u soo diray.
Somaliland dhexdhexaadnimada
Somaliland waxay dhex ka tahay oo aaney wax farogelin ah ku sameyn arimaha siyaasadeed ee Somaliya waxaaney u dhaaftey arimahooda gudaha in ay somaliya iyadu xalisato balse taas badalkeeda Somaliya waxay iyada oo taag daran geed dheer iyo mid gaabanba u fuushey sidii ay u mijo xaabin lahay dimoqraadiyada somaliland,waxaaney dagaal siyaasadeed,dhaqaale iyo bulshoba kala hortimi jiritaanka Somaliland,nabadgelyadeeda, dhaqaalaheeda ilaa ay gaadheen in xitaa mucaawimooyinka dhinaca bila adamnimada laga jaro oo aan wax caawimo ah la siin.La soco qaybaha dambe…
Mahad dhamaanteed Allah(swt) ayey u Sugnaatey.

%d bloggers like this: