Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

Somaliland la kala leeyahay!

Mararka qaarkood ayaa is idhaahdaa maxaa dadkayga qayrkood ka reebay, markaa ayaan isasaaraa arimo dhawra oo ay ka mid yihiin kuwani:-

1- Qaybyaalada ayaa dib u dhigtey waan ka boodaa oo waxaa aan u boodaa  qabyaalada ma aha  waayo reer Somaliland dad qabyaaladi kala fogeyso ma aha waayo waa wada ilmo adeer iyo ilma abti habarwadaag iwm oo qabyaalad kala fogeysa ma jirto waa kuwan meel kasta oo wadanka ka mida wada socda wada ganacsanaya wada degen qofna aan magaalo iyo miyi laga xigin abaaraha,dufaanada iyo waxkasta oo ku yimaada isku gurmanaya dhib iyo dheefba wada qaybsanaya .ee waa

2- Wadaninimo la’aan oo wadaniyiin ma aha , markaan qodobkaana eego waxaa aan iskugu jawaabaa soo kuwan somaliland marka la soo qaado wada jibeysan ee wada qiireysan ee somalilandta jecel ee hadii aad Somaliya la sooqaado shanta ku saaraya ee kulaba dagaalamaya taasi miyaaney wadaniyad ahay ciladu taas ma aha waan ka boodaa oo waxaa aan idhaahdaa waa wadaniyiin ee waa cilad kale oo waxaa u boodaa qodob kale oo ah,

3- Dawladnimada ayaaney u bisleyn oo weli waxay ku dambeyaan reer guuraanimadii markaas ayaan hadana ka boodaa oo waxaan idhaahdaa maya ee 58 sano in ka badan ayey dawlad lahaayeen oo taasina sabata dhabta ah ma aha waxaa aan u boodaa arin kale

4- Taariikh dhabaato badan ayaaney soo marin oo badhaadhe ayey waligood ku jireen oo malaha may arag gumeysi,dawlad xun oo kelidii taliye ah dagaal sokeeye iwm , markaas ayaan xusuustaa gumeysigii ingiriiska iyo halgankii xoriyada dadkii u dhintey kuwii heesaha iyo gabayada wadaniyada ah tiriyey , waxaa hadana xusuustaa 1988 gumaadkii iyo xasuuqii dadkii aan waba galabsan ee dawladii siyaad bare ku xasuuqdey somaliland oo ay ku dhinteen dad ka badan 500,000 xun intaas in kabadanida ku naafoobeen ,hantida ku burburteyna aan laba qiyaasi karin,taasna waan ka boodaa oo waxaa aan idhaahdaa maya ee dhibka soo mararey maba aha mid la qiyaasi karo.

5- Waxaa ka maqan halyeeyo wadaniyiin ah oo ku hubeysan aqoon karti,daacadnimo iyo cabsi Allah(swt),  waxaa hadana xusuustaa kumanaan halyey oo ay dadku markey dhintaan uu tiriyaan intey nool yihiina la caayo oo meel ay caqabado aflagaado iyo wanjalid ka galaan ay waayaan tusaale Marxuun Maxamed X. Ibrahim Cigaal, oo ahaa abaha somaliland ilaa xoriyadii ilaa somalilandta cusub waa la ogaa dhibtii ka haysatey dhismaha qaranimada somaliland iyo sidii loo mijajo xaabinayey barnaamujyadii uu ku horumarinayey dhismaha dalka.Waan ka boodaa oo waxaa aan idhaahdaa ma aha dhibaatadu taana

6- Dalka ayaaney lahayn oo malaha wadanka dadkii lahaa ayaa meel kale ku maqan oo iyagu waa kusimayaal intey dadkii lahaa ku soo noqonayaan taasna waan ka boodaa oo waxaa aan is idhaahdaa malaha arintu taana maha waayo sootan hadii dawladu meel haday u baahadto oo dan guud ah sootan qoryaha la soo guranayo ee dadku lee yihiin anaga ayaa iska leh oo waa beertayadii ama waa deegaankii beesha yada oo wado,ceel,hospital,dugsi midna laga sameyn maayo oo shan awoow iyo in ka badan baanu lahayn taasina waxay cadeyneysaa in dadkani dhulkan leeyihiin markaa ayaan arin kale u boodaa oo ah

7- Dalkan Somaliland malaha lama wada laha ee dad gaara ayaa iska leh,arintan ayaa isoo jiidatey qodobkan ayaa waxaa aan ku sameeyey raadraac iyo baadhis dheer taasina waxay salka ku haysaa xaqiiqooyin dhaba oo salka ku haya wada lahaanshaha dalka. Wax muran ahi kuma jiro in Somaliland loo siman yahay oo lawada leeyahay marka loo eego muwaadinimada dadka reer Somaliland oo dastuurka ayey ku cadahay balse mar walba waxaa jira xoogag siyaasadeed oo raba dano gaara oo shaqsiyadeed kuwaas oo dhinaca bulshada ka helay dalaloolooyin ku saleysan caadifad dhinaca nafsiga ah oo aan salka ku hayn aragti fog  oo siyaasadeed ama fikirka dhabta ah ee waxyabaha mabadiida u ah bulshada taasina waa hubka keliya ee ay adeegsadaan jirjiroolayasha siyaasada ee isku arka inay hormoodka u yihiin bulshada.Mar walba waxaa hortaagan horumarka Somaliland ma xishoodayaal aaney is maqleynin afkooda hadalka ka soo baxaya iyo dhegahoodu. Waa sababta mar walba hakadka gelisa dawlad wal oo somaliland ka dhalata wax qabadkeeda oo la iskaga horkeeno bulshada iyo dawlada,waa koox yar oo laba iney baad ku helaan hantida umada hadii kale dhulka la simaan qaranimada iyo horumarka somaliland, mar walba waxay rabaan in dawladkasta oo dalka ka dhalata iney qayb ka helaan hadii kale ay dadka ka horkeenaan iyaga oo kolba mushruuc cusub la imanaya oo salka ku haya wax aan jirin sida Somaliland looma sina iyo wax la mida.Somaliland way ka gudubtey wakhtigii reer reerka wax lagu qaybsan jirey xisbiyo ayaa ka jira kuwaas ayaa lagu tartamayaa ninkii koonto raba cid ka yeelaysaa ma jirto oo dimoqraadiyada ayaan ogoleyn in tiro cid gaara loo xidho waa in xisbiyada lagu tartamaa dumar iyo ragba wixii aan taas ahaynina waa baadil. waa in mabda wax lagu doortaa,laakiin siyaasada odhanaysa reer kayagu dhul nadiifiyayasha xafiisyada dawlada ka shaqeeya 20% baa ku jra ma aha mid la aqbali karo reerkii waa laga guurey dibna loogu soo noqon maayo halkii somaliland ka gudubtey 1991 maanta waxaa la marayaa 2018. Hadaba wixii beenbeenta loogu cuni jirey wakhtigiisii wuu dhamaadey hadii aynu rabno in aynu qayrkeen wax la qaybsano aynu ka baxno fikirka liita iyo siyaasiinta dilaalinta ah ee kolna Somaliland waa muqadis ina leh kolna Farmaajo ka dilaalaya Somaliland. Arintaa nin ragi waa garanayaa doqona loo sheegi maayo  ee xisaabta ku darso.Ama dalkaaga dhiso ama dalkaaga dumi doorashadu waa idinka calaacalna hadhow waxba ma taro waayo 26 June 1960 taariikhdeedii in aad maanta saxdo adiga ayey kuutaal hadii kale caruurtaadu waxay odhandoontaa xornimadii aanu soo ceshaney 18 May 1991 waxaa dilaalay oo waxooga dhaqaale ah siistey  Mudanayaalka Maaldoonka ah ee ku qadhaabta Somaliland la kala lee yahay…….!?

 

Blogs I Follow

%d bloggers like this: