Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

MAYOR CAWIL CILMI CABDALE(2000 – 2002)TAARIIKHDA AYAA XUSIDOONTA!

Ma hubo in taariikhda uu xilka hayey ee aan halkan ku xusay sax tahay iyo in kale balse waxaa aan ka soo xigtey qoraalo hore kolkaa hadii aaney sax ahay waa isixidoontaan walaalayaal balse arinta aan doonayo in aan kaga hadlo qoraalkeygan gaaban waa mid uu tusaale u noqday dhamaan Moyaradii ka horeyey iyo kuwii ka dembeyeyba  sida aan filayo Hargeysa oo ah Caasamadii ugu horeysey ee Dal Somaliyeed oo xor ah weeyaan ka dib markii Calankii ugu horeyey ee abid  Somali yeelato oo xor ah lagu dhidbay 26 June 1960 Sidaa darteed waa Hooyadii Xoriyada Somaliyeed Sidoo kale Hargeysi waa Hooyadii Xasuuqa, ee kaalinta kowaad ka gashey magaalidii ugu horeysey Caalamka xorta ah ee Ciidamadii qalabka siday ee difaaca dalkii Somaliya ay madaafiicdii lidka diyaaradaha kuwii goobta ee loogu talagaley difaaca magaalada,iyo diyaaradii dagaalka ee loogu tala galay difaaca hawada hargeysa iyo aaga ku xeeraan lagu duqeyey oo lagu baabiyey magaaladii ay difaaci lahaayeen lafteeda.Sidaa awgeed Hargeysi laba taariikhood oo Muhiim u ah taariikhda guud ahaan ayey lee dahay.

Hargeysa Sidaan Filayo Waxaa Soo marey Moyaro badan marka aan ka soo bilaabo 1960 waxaa ka xusi karaa kuwan:

 1-Adam Cumar Fure 950-1959—Sacad Muuse

2-Ismaciil Cobaali…… 1959- 1962 Ciidagale

3-Maxamuud Xaaji Axmed Muuse–1962-1967–Ciidagale
4- Axmed Ibraahim Guunje—1967-1968—-HY-Isaxaaq
5-Axmed Xaashi Dhuule–1968-1969—Ciidagale
6-Axmed Jimcaale—April 1969-Oct 1969—sacad Muuse——coup d”etat took place
7- Maxamed Case—-1971–1972—–HJ
8-Maxamuud shirwac Diiriye—-1972-1973—-Sacad Muuse
9-Captain SHariif—-1974-1975–Hawiye-Xawaadle
10-Cumar Salaad Cilmi—1975-1977——Habar Gedir
11-Jaamac Geele Nuur–1980–1982—HY-Muuse Carre
12-Xaaji Muuse Xuseen–1982–1987—Sacad Muuse
13-Ibraahim sheikh Cabdiraxmaan—1987-1988—Sacad Muuse
14-Barre Nuux Xaaji cabdilaahi—–1991-1992–Sacad Muuse
15-Cumar Boobe Muuse–1992-1993—Sacad Muuse
16-Maxamed Xaashi Cilmi—–1993-1996–Sacad Muuse
17-Muuse Maxamed Yusuf–1996-1997—Arab
18-Cali asad—1997-1999-Sacad Muuse
19-Cabdiraxmaan Ismaciil Cadami–1999-2000–Sacad muuse
20-Cawl Cilim Cabdale—2000-2002–Hy–Isaxaaq
21-Xuseen Jiciir–2003-2012—Ciidagale
22-Yuusuf Warsame Siciid–jan 2013-april 2013–Sacad Muuse.Alle ha u naxariisto ee wuu geeriyoodey isaga oo mudo yar xilka hayey markaa isagu kuma jiro canaanta.
23-Cabdiraxmaan Solteco——the Current Mayor—–Sacad Muuse

Mudane Cawil in ka badan 22 Moyar oo soo marey Hargeya ayuu ka wax qabad badnaa waayo wuxuu dhisay taalada taariikhiga ah ee Calaamada Diyaaradihii Hargeysa lagu duqeeyey mid ka mida ayuu ka soo jiidey Gegadii diyaradaha ee Hargeysa waxaana uu ka taagey Badhtamaha Hargeysa oo uu ku xusay taariikhdii duqaynta ee Caasimadii ugu horeysey ee Somali xor ah.Qofkasta oo Yimaada Magaalada Hargeysa Muslim iyo Gaal Madaw iyo Cadaan waxay indhihiisu qabanayaan diyaaradan mulateri ee la duldhigay goob ka mid ah badhtamaha hargeysa sidaa darteed waxaa uu is weydiinayaa macnaha ay xabaarsan tahay dhacdadani koley waa loo sheegayaa taariikhda ay xambaarasn tahay oo ku suntan xasuuqii shacabka reer somaliland ee ku noolaa magaaladan.Sidaa darteed Mudane Cawl Cilmi Cabdale wuxuu ku guuleystey taariikhda Mayoradii Soo marey Hargeysa mayarkii kowaad ee taariikhda Hargeysa ka runsheega oo qof walba uu indhihiisa ku arkayo taariikh muhiima oo Hargeysi lee dahay wakhti adag waana in Moyar Cawl lagu xusaa Waxaa uu qabtay Mudadii yaradey ee uu Mayorka Hargeysa ahaa waana in Goobtaa la dhigaa buug taariikh ah oo ku saabsan xaquuqaasi mudane Cawlna magaciisa lagu xardhaa goobtaasi.

Liiska Mayorada waxaa aan ka soo xigtey: http://www.somalinet.com/forums/viewtopic.php?t=363132

 

%d bloggers like this: