Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

NIN AMBADAY HALKUU MAREY WAY ULA EEKEED CAAROW!

Waxaa aad u muhiima in qofka Adamiga ahi mar walba xusuusnaado Allah(swt), kana cabsado,hadii uu muslim yahayna hadalkiisaba daa.

Caarow Saxiib aad baan uga naxay markii aan dhegeystey fariintaadii aad dadka reer Somaliland hawada u soo marisey balse taariikhdu waa mid ku haboon in aynu dib u eegno, malaha caruurtan yaryar ee aan ka weynin 20 jirada ee dhashay intii ay Somaliland xorta ahayd baa aad rabtaa inaad  marin habaabiso oo aad qoryaha u dhiibtey dib ugu gubaan guryahooda kol hadii aad Puntland aad saldhig ka dhigatey oo aad lee dahay xaqdaro ayaan ka dirirayaa. Hal baan kugula talinayaa talo waayeel ah balse in aad qaadataa iyo inaad gees martaa waa mid adiga kuu taala.

Taladaydu waxay tahay:

1- Waa in aad dib uga fikirtaa ficilada aad sameyneysid kuwaas oo baabiindoonaa wixii aad dalkaga u soo qabatey iyo taariikhdaada halgankii lagu xoreyey dalkan, waayo qofku wuxuu taariikhdiisii hore hadii ay wanaagsaneed ku ilaaliyaa joogteynta wanaaga,balse wanaagii hore hadii uu xumaan ku bedelo wuu wanaagsanan jirey waxba ma tareyso ee taariikhdaada xajiinta ka ilaali jidkan aad cagta saartey waa jidkii kuwo badan oo kaa horeeyey eedeen, taariikh madowna ku bedeleyn wixii wanaaga ee hore.

2- Dadka iyo Dalkaga horumarkiisa ka shaqee balse dibindaabyadooda ka fagoow waayo horumar laguma gaadho dhiiga dadkaaga aduunyona lama siisto aanad ogeyn in aad calfandoontid. Koox yar oo aad meel ku urursatey Somalilandna wax yeeli mayso taariikh xumana kuugu filan. Ee waxaa aad tabanayso wanaag iyo caqli ku reedi codkaga iyo fikirkaga ku muuji waayo Maanta Somaliland waxaa ka shaqeya waa cida ay dadku doortaan si xora oo madax banaan  Waxaa 1991 Madaxweyne ka noqday Cabdiraxmaan Axmed Cali (AUN), Mudo ayuu Hayey Waxaa Bedelay Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal (AUN), Muduu hayey, Daahir Riyaal ayaa Xilka qabtey Muduu hayey, Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa Qabtey Muduu hayey  Waxaa ugu dambeyey oo ilaa hada hayaa waa Muuse Biixi oo mudo yar oo dhowr bilood ah haya ilaa hada. isagana cid uun baa bedeli doonta kolkaas intaas oo madaxweyne ee soo martey mid qori caaradii ku qabsadey xukunka ma jirto mid walba markii laga helay waa uu iska dhiibey nin isku sii dhejiyeyna ma jiro,kolkaa ma waxaad u maleyneysaa in qori dambe Somaliland lagu qabsan doono xukunka .

3- Dabasho waa jirtaa saluugna waa jirayaa mar kastaba oo wax walba 100% waa sax kuma ilihi balse wax walba waxaa ka horeya danta dadkaga iyo dalkaaga qaabka wax loo saxaana ma aha xoog iyo dagaal balse waa xirfad siyaasadeed oo ku xardhan waayo aragnimo,aqoon,iyo hadaf wax dhisid oo aragti dheer leh,sidaa darteed xigmad adeegso oo dalkaga dhis kana qayb qaado sidii somaliland uga dhigi lahayn dal awood dhaqaale iyo cudud mulateri leh oo cadaalad,aqoon iyo garsoor xaqa salka u dhigno.Taasina kuma imaneyso caruurtiina oo aynu qoryo u qaybino oo duurka gala ee waxay ku imanayaa caruurteena oo aynu ka dhisno aqoonta,diinta dhaqanka iyo is jaceylka dhexdooda ah si ay beri u hantaan hawlaha balaadhan ee sugaya ee hogaaminta dalkooda ah.

4- Waxaa aynu og nahay in doorashooyinkii u dambeeyey ee Somaliland uu ku guuleystey mudane muuse biixi balse xisbiga wadani uu tartanka kula jirey uu soo jeediyey in ay wax la is daba mariyey,balse ogow doorashii mareykanka ee madaxweynaha ee mudane Trump ku guuleystey ilaa hada waxaa la sheegaa in uu dalka Ruushku falageliyey oo uu qayb ka ahaa soo bixida madaxweynah hada ee Mr.Trump, balse maynu maqal xisbigii la tartamey ee laga adkaadey oo ku doodaya doorashadii waa lagu shubtey Iwm.Markaa dawladihii aduunka ugu awooda dhaqaale iyo mulateriba ugu waaweynaa ayaa doorashadoodii wax laga sheegayey ee maxaad u maleyneysaa Somaliland oo aan xitaa aqoonsi caalamiya haysan oo cadowgeeduna badan yahay. Sidaa darteed waxaa haboon in aad nabada iyo horumarka dalkaga ka shaqeysid oo aad inamadeena aad Puntland oo ciidamadoodiiba mushahar la’aan yihiin aanad marti uga dhigin ee dalkooda ku soo celisid si ay wadankooda dhismihiisa uga qayb qaataan sharaf waad ku lee dahay dadkaga dalkaaga balse gun baad tahay marka uu dalkaagu iyo dadkaagu amaan ahayn,dawladna aanu lahayn.

Gaba gabadii ninkii Somaliland ah ee Jacel horumarkeeda waa kan ka shaqeeya mideeynta dadkeeda,balse reernimo horana dawaldnimo laguma gaadhin dibna hadalkeeda daa reerku wuxuu sharaf lee yahay markuu dalkiisu nabad yahay cadaalad yahay balse qori dableh ayaan dalkeyga qabadsiinayaa cadaaladna waan doonayaa isma qabato ee caarow cafis weydiisu dadka reer Somaliland xukumadu waa isbedli balse dalku waa halkiisii ee ku beer beero nabadeed oo ubadkeenu u aayo mustaqbalka balse miino ha ku beerin ubadkaga iyo kan dadkaga(somalinder)ka lugaha ka jarta iyo gacmaha .Ee fadlan ku soo heronoqo dalkaga isana soo sharax doorashada dambe oo calafkaga qaad oo hadaad hesho cadaalada nagu xukun hadii lagaa helana dalkaga horumarkiisa ka shaqee oo la shaqee cida kolba hogaanka haysa ileyn GACMO WADA JIR BEY WAX KU GOOYAANE….!

 

 

 

 

 

 

 

 

%d bloggers like this: