Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

Gorayo heeryeesan!

Gooryo heeryeesan waa halkudhig laga reebay Cigaal sheedaad,oo ahaa nin sheekooyinkisu ku faafeen dhulka Somalida, Waxaana uu ku tiraabey mar uu la Kulmey arin uu la yaabey oo Wuxuu yiri “ hadii aan karintaa laga guurin Goryo heeryeesan na way inaga soo bixin”. Aniguna waxaa iga yaabiyey xisbiga Wadani oo Gudooyiye nimo rasmi ah iyo Gudoomiye ku meel gaadha wada leh. Wax kastaba inta aan u soojoogey abid sharci gaalo iyo mid muslin ba kuma maqal arag Gudooye xisbi oo jira nool aan xilka laga qaadin in uu hadana xisbi yeesho Gudoomiye ku meel gaadha sidaa darteed Mudane Cabdiraxmaan xiro waa Gudooyiyaha xisbiga Wadani Cabdulqaadir Jirtana waa Gudoomiyaha kumeel gaadhka ah ee xisbiga wadani maxaa ay macnaheedu yahay bal ii sharaxa anigu weligay Wadani ka hore Taariikh da xisbiyada caalamka kuma maqal,arag,lamana kulmin nidaam siyaasadeed oo Qanun kiisu dhigayo arintan ugubka igu ah ee Wadani noo bilaabay.

Wadanka hayadihiisa sharcigu waa in ay ilaaliyaan qaab dhismeedyada hayaha siyaasadada ee qaranka,xisbiyaduna waa in ay ilaaliyaan xeerarkooda iyo nidamyadooda,waxay igu muuqataa in xisbiga wadani looga baahan yahay waxay ula jeedaan Gudoomiyaha xisbiga iyo Gudoomiyaha xisbiga ee ku meel gaadhka ah, Gudoomiyaha rasmiga ah Banaba jooge kan ku meel gaadhka ahi xagee ka yimi,maxaa ka qaldan Somaliland xisbiyadeeda?

 

Categorised in: Politics, video

Blogs I Follow

%d bloggers like this: