Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

Taariikh Xumada Askari Caare!

Adamahu waxaa uu ku kala duwan yahay aragtida dookha garashada, iyo guud ahaan dabeecadaha,dhaqanka iyo aduun araga aqoonta iyo waayo aragnimada intaba laba mataano ah oo weliba kuwo hal unug oo keliya Allah (swt) ka abuuray ayaa ku kala duwan astaamahaasi aynu soo sheegney. Balse hab dhaqanka adamaha waxaa garsoore ka ah dadka ay ku dhexnool yihiin oo ku qiimeeya ficilada muuqda ee ay ku arkaan halka wixii qarsoon ee qofku qarsanayo uu Allah (swt) uun uu og yahay oo Adamigu aanu waxba ka ogeyn waa halka ay Somalidu ka tidhaa “Ruuxii isha daba Adamiga ayaa arka Ruuxii uurka dabana Allah ayaa arka”.taas oo macnaheedu tahay qofkii wax aaney dadku arkey sameeya oo dadka iska qariya Allah iskama qarin karo oo Alle (swt) waa ka og waxa aad qarsaneysid iyo waxaad muujineysidba.

Hadii aan dulucda hadalkeyga u soo noqdo oo aan aragtideyda ka dhiibto fikirka aan ka qabo Caare iyo ficilkiisa waxaa aan ku soo koobayaa sidaa:

a) Caare Wuxuu Taariikh ku galey askarigii ugu horeyey ee darajada sarkaalnimo ee qarankiisu ku maamuusey isaga oo wata intuu ciidamadii uu madaxda u ahaa intii reerkiisa ahay intuu tiro aad u yar ka xusho  ku dhawaaqa inuu dalkiisa qaranimadiisa lid ku yahay oo xoog xukunka kula wareegayo isaga oo ka cabanaya cadaalad daro, uu wax kaqab karey isaga oo sharafta qarankiisa huwan oo aan cadawga dalkiisa intuu saldhig ka dhigto ku dhawaaqin dagaalo dhan ka Somaliland ta xorta ah sidaa darteed adeerkey Caare waa uu ku ceebobey bulshada Somaliland ee uu u shaqeenayey.

b) Caare waxaa uu cabashadiisa inoogu sheegey in uu ka cadhoodey dagaal laba jilib oo walaalo ah ka dhex qarxay aaga Ceel Afweyn, waxaa aan aaminsanahay in dooda noocaas ah tahay mid jaban waayo Korneel Caare waxaa uu ahaa madaxda sare ee ciidamada qaranka ee aagaasi colaaduna waxay soo socotey mudo dheer oo Caare ka mid ahaa kuwii dusha ka daawaney ee aan marna isku dayin daminteeda isaga oo weliba marka beel loo eego ay beeshiisu ka mid ahayd beelaha colaada qayb ka ahayd,sidaa darteed Caare iiguma muuqdo nin ka xumaadey beelahaase dagaalkooda balse waa nin ku faraxsanaa in ay dhiigoodu siidaato, sidaa waxaa aan u cuskanayaa arimahan:-h

i) Siyaasiin badan oo ka mida kuwo xisbiyada mucaaridka ah ayaa waxay tibaaxeen in arinta Caare ay habooneyn in heshiiskii Ceel-Afweyn ee labada beelood lagu soo daro waayo qayb buu ka ahaa hadalada caynkaas ahi waxay cadeenayaan in ay siyaasiintaasi iyo Caare wax ila ogaayeen oo arintan CeelAfweyn na dano siyaasadeed oo qorsheysani dabka hurinayeen maadaama ay qabaan in Caare iyo CeelAfweyn si loo soo wada afjaro.

ii) Caare Wuxuu cilaamiyey in uu ka soo horjeedo danaha shacabka Somaliland ee dhinaca madax banaanida Wuxuu qaadey talaabooyin lagu wax yeeleynayo nabada,qaranimada,iyo sharafta umada Somaliland wuxuu si cad ula saftey dawlada Somaliya oo ka soo horjeeda qaranimada,nabad gelyada Somaliland waxaana cad in hub loogu soo dhiibey dadkiisii iyo dalkiisa, sida muuqata Caare iyo doorashadii Somaliland ee xisbiga wadani lagaga guuleystey xidhiidh ayaa ka dhexeeya, ee arimahan kale waa qiiq isku qarin,sida ay qabaan wax garad badani. Arihani waa kuwo isasoo taraya waxaana loo cuskanayaa Caare hadii aanu xeelad kale wadan Ceel-Afweyn xaadadeedii waa tii waxgaradka Somaliland iyaga oo aan u kala hadhin soo afjareene Mudane Caare soo kan sii fogaadey ee hanjabadihii na sii laba laabey arintani miyaaney u ee keyn inuu Caare ka mid ahaa fidnooyinkii dhaliyey dagaalada beelaha walaala ah ee Ceel Afweyn.Sidaa darteed Miyaaney ahayn in Caare iyo Saaxiibadii sharciga la horkeno badhitaan madax banaana lagu sameeyo xidhiidhka siyaasadeed ee Caare iyo siyaasiinta Somaliland,Somaliya Gaar ahaan Puntland.Askari Caare Wuxuu Taariikh da Somaliland ka galay bog madoow waayo waxaa uu dhisay koox hubeysan oo ka soo horjeeda nolosha iyo dumuqraatiyada Somaliland taasina Waa Taariikh xumo lagu xusi doono Caare iyo Mustaqbalka dhow…….

Blogs I Follow

%d bloggers like this: