Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

BILOWGA URURSIGA DADKA JILICSAN EE CAARE IYO CIDII DIRATEY.

Durtaba waxaa soo shaac baxaya urursiga dadka jilicsan ee daryeelka u baahan ee loo adeegsanayo in lagu wiiqo qaranimada Somaliland Duqaydani waxa ay qaylo dheer ku sheegeen in Caaqilkoodii oo mudoba dabiib u socday la kaxaystey oo la rabo in dhinaca dacaayadaha looga faa’iideysto iyada oo rayi caalamka loo tusayo suldaan beeleed ka soo horjeestey qaranimada somaliland oo dagaalka hubeysan ee lagu waxyeeleenayo jiritaanka somaliland uu ka qayb qaadanayo balse wax garadkani waxay cadeeyeen in odaygan uu u socday daaweyn dhinaca garaadka (dhimirka ah), tani waxay muujinaysaa in Caare iyo cida is qarinayasa ee gadaal ka maamuleysaa ay adeegsanayaan tab kasta oo ay ku heli karaan dad tirada u buuxiya si ay ugu gorgortamaan dhinaca siyaasada oo ay u helaan jagooyin baad ah oo ay cadaadis ku saaraan dawlada in la soo celiyo awoodii qabqablayasha ee  looga bartey xukumadiihii hore waxa aynu mar walba maqalnaa waxaa uu madaxweyne Muuse magacaabey koox wasiiro ah oo aan waayo aragnimo lahayn taas oo macnaheedu yahay wuxuu ka tagey kuwii ay odayasha,siyaasiinta reeraha magacooda ku xoogsadaa uu ka tegey oo uu doortey rag ka madax banaan odey siyaasi iyo kuwa ku shaqeysta magaca reeraraha ee xitaa reernimo cidna wax ugu qaban balse raba uun iney ay si sharci daro ah ku helaan dhaqaale iyo Maskab kaas oo ay ku dulmayaan muwaadiin xitaa isku reer yihiin oo xilal haya sidii looga qaadi lahaa.

%d bloggers like this: