Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

Maba doonayaan in aynu Dawlad ahaano Q.2aad.

Waxaa aynu is ku dayney in aynu wax ka tilmaamno si macnaha dawlada loogu qeexo qaar ka mid daraasadaha cilmiga ah ama luqad ahaanba inaga oo soo ururinay qaar ka mid ah fikiradaasi hadii aan Afkeena hooyo ku soo koobo aragtiyahaasi guud ahaan waa kuwo hal ujeedo uun ka wada hadlaya oo ah Dawlad iyo micnaheeda taas oo ay keentay baahida ah in ay ka shaqeyso danaha caamka ah ee bulsho ee dhinacyada ilaalinta danaha bulshadaasi ee wadanka ay wada lee yihiin(dalkooda) iyaga oo ka ilaalinaya dhibaatooyinka iyo iska hor imaadada debada iyo gudaha ee kaga imanaya shisheeyaha dariska la ah ama ka fog iyo daneystayaasha gudaha ee ka mid ah qarankan dawlada dhistey. Si kastaba ujeedadu ha ahaatee Qaran wuxuu sharaf lee yahay markuu dawlad lee yahay hadii kale wuxuu noqonayaa mid aan tamar lahayn oo aan jirinba ama fawdo ah oo aan u abaabulney qaab nololeedka casriga ah ee jiritaanka umadeed,Tusaale waxaa kuugu filan 1988 kii Markii ay burburtay Dawladnimadii Somaliyeed, ee dadkii ay xukumeysey ka talaabeen xududada dalalka dariska lahaa ee Jabuuti iyo Ethoipa ka dib dhibaatooyinkii iyo xasuuqii lagula kacay dadkii aan waxba galabsan ee Gobaladii Waqooyi ee dalkii la isku oran jirey Jamhuuriyada Somaliya(Waqooyigii iyo Konfurtii) Midoobey 1 July 1960 kii. Arintaasi waa tii dhashay in Somaliya loo ugu yeedho failed State( Dawlad Fashilantey) ama guul dareysatey.

Dawladaa fashilantey waxaa ka soo dhex baxay dawlad guuleysatey (a seccussfull  state), 18 May 1991 waa Jamhuuriyada Somaliland oo wax garadkeedu ku dhidbeen iney dib boodhka uga tumaan qaranimadii 26 June 1960 ee xoriyadii somaliland. Aduunyo halbaan lahaa hashii Horer baa la tegey Hadhuub madhanbaan sidaa

Ereyadaasi waxay soo gaba gaboobeen 18 May 1991. Waxaana i xasuusisay ayeeyo Ceeb la oo aan qormadeydii hore idiinku bilaabay in aan jawaabteeda halkan idiinku soo gudbindoono cida aan dooneynin in aynu dawlad ahaano ila wadaaga hada Jawaabta Ayeeyo Ceebla.

Ayeeyo Ceebla waxaa aanu ku kulanay suuqa qudhacdheer ee magaalada Hargeysa abaaro 9:30 Subaxnimo 1994bishii June 15 keedii Makhaaxi yar oo contianer ka sameysan oo shaaha lagu iibiyo, Makhaaxida waxaa haysey gabadh yar oo aan ku qiyaasay da’ahaan 18 sano jir oo quruxna aanad kaba jeesaneynin ruuxaa yar. Waxaa kale oo makhaaxidaasi ku sugnaa ilaa 8 wiil oo aan da ahaan wax badan ka weynin inantaasi iyo ilaa 6 nin oo da’ahaan aan ku qiyaasey 40 neeyo iyo wax ka weyn 3 Haween ah oo dadoodu meel dhaxaad tahay. Intayaduba waxaa aanu u soconey ujeedooyin kala duwan oo danahayagu waa kala duwanaayeen. Dadkeenu waxaa aad moodaa in ay markey meel ku kulmaan kolba xaalada markaa jirta ee dhinaca siyaasada ka sheekeenteeda iyo faaleynteedaba wadaagaan oo qofba wax ku darsado dood aan dhamaad lahayn oo iska socota uun taasi waa caado jirta balse maalmahaa waxaa xiiso lahaa doodo ku saabsanaa qaranimada Somaliland oo weerar lagu soo qaadey ………..

Qaybaha Dambe.

%d bloggers like this: