Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

SHEEKHA SOO JEEDA IYO BULSHADA ISLAMKA!

Sida aynu la wada socono Culimada Islamku Waxaa ay gacanta ku hayaan dhaxalkii umada Islaamka, waayo waxaa ay Nebigii Alle ee Maxamed nabadgelyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee waxay ka dhaxleyn caqiidadii,cilmigii,dhaqankii iyo wax kasta oo uu inoo hayey ee diinta Alle(swt) ku saleysneyd.

Sidaa ayaa Culimada Islamka wixii cilmi madmadow inaga galo ugu soo bandhignaa si ay inoogu cadeeyaan jahligana inooga saaraan.

Halkan sheekh waxaa aan ula jeedaa Caalinka islamiga ah ee dhaxalkii suubanaha inoo haya.

Sidaa awgeed Sheekha Soo jeedaa waa midkan ka war haya umada islamka ah waa midka ilaalinaya qiyamkooda,diintooda,dhaqankooda iyo wax kasta oo Alle raali kaga yahay umad islam ah waana mid mar walba ka hortegaya wax kasta oo aan waafaqsaney dhaqanka diinta Alle (swt).

Culimadu waxay sharaf ku lee yihiin diinta,dadka islamka ah iyo Alle agtiisa waana waajib in aynu ka dambeyno marka laga hadlayo diinta iyo aqoonteeda iyo wax kasta oo khayr ahba.Culimadana waxaa looga bahan yahay in ay noqdaan kuwo lagaga daydo diinta iyo jidka toosan ee Alle (swt) iyo raali gelinta Alle(swt).

Culimada waxaa ku waajiba in ay si mugleh uga qaybgalaan dhismaha bulsho islam ah oo

aan ku kala qaybsaneyn dariiqooyin iwm.Culimadu waa in ay wadankooda ka war hayaan dadkana ku beeraan diinta,dalka iyo is jeclaanta dhexdooda ah.Islamku waa nabad, aqoon,caafimaad,dhaqan wanaag iyo Alle ka cabsi,meel diinta kuma laha Dulmiga,Cayda,Habaarka,beenta,isku dirka iyo wax kasta oo dhibaato lahi.Diintu waa nasteexo waxaad moodaa in culimo badani ka seexatey nasteexiinta bulshada, oo ay kaga mashquuleen arimo kale.Sida Aduunyo raadis.iwm halka qaar kale aad moodo in ay ka daaleen wacdi iyo waano markii ay u arkeen in aaney cidi dheg u dhigeynin,Culimada waxaa ka mid noqon kara kuwo baadiyeenta bulshada qay ka ah oo dariiqii Islamnimada ka leexinaya waxaa halka ay somalidu kaga mahmaahdo “DUUL CULIMO QASTEY BAANU NAHAY” arintu hadii ay noqoto duul culimo qastey waxaa lumaya dadkii oo ku jahawareeraya qawaaniintii saxa ahayd ee Alle(swt) inoogu tala galey sidaa darted Caalinka Soo jeeda waxaa ku waajibo inuu saxo bulshada,ku soo dabaalo jidka toosan,u adkeysto cayda,dilka,iyo dhibaatada kaga imaneysa kuwo danaha kala duwan kale faafinta beenta,dhaqan xumada,burburinta nolosha Adamaha,suna wanaagsan iyo raaligelinta Alle(stw).Caalimka Muslimka ahi waa iftiimiyaha xaqa waa intiiyiha dulmiga agtiisana Laguma lumo qof isagu raba inuu lumo mooyee waayo Waxa jirta sheeko ku saabsan nin doqon ah oo intuu lumay la soo helay oo markii la soo helay ee gurigii la keenay ayuu ku yidhi dadkii raacda ku soo helay  ” MAXAA LAYGA SOO HELIN BERIBA WAAN LUMINE!”. Sidaa darteed Doqon hadii la soo helo oo xaqa loo cadeeyo oo uu beri halkiisii ka miiso Caalin iyo Caamo midna loo qaban maayo waayo xilkoodii way guteen kol hadii gurigii xaqa la keenay Albaabkiina la tusay inta hadhey waa shaqadiisa.Culimada waa in la ixtiraamaa laga dambeeya,oo lagu tixgeliyaa dhaxalka ay inoo sidaan ee diintii Alle(swt).Culimaduna waa in ay inoo tixmaamaan Caalinka sida badheedhka ah inoo luminaya,iyo caamada Caalinka iskaga keen dhigaya ee sunta inagu faafinaya si aananu u odhan: “IDIIN KALA GARAMIINEE GUULEYSTA” waayo cadii mid walba xadiis iyo nasuus wax u eeg uu inoo dalilinayo ama af carabi inoogu gabyayo, aqoonteenu dhinaca luqada ama diinta Alle(swt) ku liidato oo aynu afka carbigaba naqoonin si hal yar ayaa la inoo lumin karaa hadaba culimada saxa ah ama soo jeedaa iyaga ayaa laga rabaa in ay tooshka ku ifiyaan khaladka iyo khiyaamada diinta Alle(swt) laga been abuuranayo waayo Anagu waxaa aanu lee nahay ” MADMADOWE BADANE ALLE KU YAQAAN” oo ka turjumeysa sida aan filayo qof muslim ah oo  aan waxna qorin waxna akhriyin ayaa isa soo dultaagey ardey Quraan loox ku baraneysa oo ka akhriyeysa markaa ayuu la yaabey sida khadkan madow ee looxa ama warqada ku qoran ee hadana loo akhriyayo,taas waxaa aan ula jeedaa in aynu diinteena barano oo aan la inagu qaldin waa muhiim. 

Hadii kale waxaa aynu ku dhacaynaa dunuub iyo dambiyo jahli ah sida dhacdadii Muqdisho ee Alle ha u naxariistee Marxuumka aan waxba galabsan dabka loogu qabtey laguna gubey magaalada Muqdisho waxay ka mid tahay dhibaatada dhinaca jahliga ee qabyaalada iwm.Culimada waxaa la gudboon iney u sare istaagaan wacyi gelinta bulshada.

 

Categorised in: Arimaha Bulshada, Religion

%d bloggers like this: