Be curious, be constructive, and be compassionate. © hogaanka.org

Faalo:War Deg dega Maayirkii Cusbaa ee Maanta La Doortey oo …….?

Waxaa aan Jecleystey in aan faalo yar ka bixiyo maqaal 19 Oktober 2018.ku soo baxay hadhwanaagnews oo ciwaankiisu ahaa :War Deg Dega  Maayirkii Cusbaa ee manta la doortey oo xabsiga loo taxaabey.Maqaalada noocan ahi ma aha kuwii looga bartey hadhwanaagnews,waayo hadhwanaagnews waxaa u arkaa iney ay tahay mid door weyn ku leh saxaafada somaliya gaar ahaan tan Somaliland oo looga bartey maqaalo tayo leh iyo xoriyada qoraalka oo ay si hufan uga qayb qaadato dhaxdhexaadna tahay balse nin habari dhashay hal maseegi waayee, Waayadan dambe waxaa aad moodaa in qarda jeexu ku badan yahay anigu kama hadlayo afkaarta dadka kale ee lagu soo daabaco barta hadhwadaagnews,balse waxaa aan ka hadlayaa qoraalada ay masuuliyadeeda lee yihiin hawl wadeenada barta hadhwanaagnews.Waayo maayir la doortey ma Jiro oo la xidhay balse waxaa sharciga la mariyey nin isagu is boqray oo faado iyo fidmo horsed ka ahaa melena kaga dhacay shuruucda,iyo nidaamka dawladnimo isaga iyo kuwa soo abaabuley nidaam daradaasi waa in ay mutaan wixii sharcigu ka qabo awood iyo masab aan sharci ahayn ,been abuur,is magacaabis aan jirin,abuurid Khalkhal iyo nabadgelyo daro. Hadhwadaagnews su,aasha looga baahan yahay inay ka jawaabto oo ah waa Kuma Maayirka Cusub ee Shaley la doortey ?

Yaa doorta Maayirka Hargeisa ma degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Axmed Dhagax?

Maxaa ula jeedaan Dadkii Beesha Garxajis, maxaa loo raad sanayaa ee dadkii kale ee beesha kale loo raadsan waayey?

Su,aalaha jawaabteedu waa kuwo laga rabo hadhwanaagnews.com

Waxaa iga nasteexo ah in saxaafadu ka runsheegto dhacdo kasta ugana hadasho si dhexdhexaad ah beelahana aan lagu milin siyaasada iyo maamulka isku dirka iyo fidmadu waa arin aan akhiro iyo aduunba fiicney ee Allah(swc) ha laga baqdo.

tixraaca warkan:

War Deg Deg Ah:- Maayarkii Cusbaa Ee Maanta La Doortay Oo Xabsiga Loo Taxaabay.http://hadhwanaag.ca/detail.aspx?id=228298

Blogs I Follow

%d bloggers like this: