Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

MADXAFKA SARYAN (SARYAN MUSEUM) WAA ASTAAN QARANIMO

Ugu horey si aynu u fahano Madxafku wuxuu yahay guud ahaan aan is weydiino, waa maxay Madxaf ? Su’aashaa waxaa aan u arkaa jawaab teedu inay sidan tahay ama ugu dhowba:

Madxafku( the Museum) waa dhisme loogu talo galey in lagu kaydiyo, xafido alaabooyinka(Waxyabaha) taariikhiga,Sayniska,Farshaxanka ama dhaqanka qiimaha leh,laguna booqdo loguna soo bandhigo.

Madxaf(museum) Ma aha meel loogu talagaley ganacsi iyo faaiido dhaqaale in laga dhaliyo balse waa mid ka balaadhan intaasi oo bulsho,taariikh cilmi baadhis intaba loogu yimaado oo dadka albaabadiisu u furan yihiin si ay aqoon waayo aragnimo,taariikh iyo ku cibro qaadasho uga kororsadaan.

Madxafyadu waxa ay ku yaalaan oo laga helaa dhamaan aduunka geesihiisa kuwa Ugu booqashada iyo mashquulka badan waxaa ka mid ah: Louvre oo Paris ku yaala, the National Museum of China oo Beijing ku yaala,Smithsonian Institution oo Washingon,D.C. ku yaala,British Museum and National gallery oo London  ku yaala. iyo kuwo kale oo Calamka hareerihiisa ku yaalaba. Sidaa awgeed

Waxaa aan Jecleystey in aan in yar ka  idhaahdo Kaalinta horumarineed ee SARYAN MUSEUM uu ka qaadan karo taariikhda,dhaqanka,cilmiga iyo Technology ga Casriga ah. Ugu horeyn waxaa aan Mahad iyo dhiiri gelinba halkan uga dirayaa Mujaahid Siciid Shugri Xuseen oo kaalin weyn ka qaatey in uu ururiyo,habeeyo,agaasimo oo uu inoo abuuro Museum qaali ah oo uu ku kaydiyo taariikhdii dhaqankii farsamadii nololeed ee qaranka Somaliland. Waxaa aan qabaa in siciid gutey waajib ina wada saaraa oo ahayd in Dawlada iyo qaranka oo dhami qabto,balse hadii uu Siciid inaga furtey iyo kooxdiisu waxaa talo iga ah in lagu garabsiiyo oo sii jiritaankiisa kaalin laga qaato. Si gaara waxaa aan talo ku soo jeedin lahaa in madxafkan si loo dhiirigeliyo wasaaradaha iyo hayadaha kale ee dhinaca cilmiga,dhaqanka,dalagyada farsamada ay ka mid yihiin:

a) Waxbarshada b) Beeraha c) Degaanka e) warfaafinta , dalxiiska iyo Jamicadaha,Dugsiyada sare,hoose ay ardeydooda, shaqaalaha iyo dalxiisayaashaba u sameeyaan qorshe ay u tamashle geeyaan madaxafkan Saryan Museum si ay uga faa’iideystan ardeyda Macalimiinta iyo shaqaaluhuba madaxafkuna uu u noqdo mid hana qaada oo sii wata shaqadiisa dadkana la baro dhaqankoodii iyo farsamadii ay lahaayeen ee sii dabargo’aya iyo kan cusuba .Madxafkan Waxaa ka ogaadey uun Barnaamujka xusuus reeb ee HCTV ka baxa.Waxaa aan Jecelahay in aan wakhtiyada dambe qoraalo ka qoro madxafkan hadii uu Alle(swt) oo maamulka Madxafkuna ii ogolaado. Imika se waxaa aan Qoraalkeyga ku soo koobayaa Mahadnaq aan u jeedinayo Maamulka Madxafka iyo in aynu mar walba  midkeena naftiisa u hura qarankiisa taageerno oo aynu wax la qabano waayo waa waajib ina wada saran oo qaran tani ee ma aha mid Siciid Shugri keligii saran balse waa ku dayasho wanaagsan oo inoo daah furey, Alle(swt) ha ka abaal mariyo waajibkaa qaran ee uu qaybta weyn ka qaatey.

halkan hoose ka booqo web site ka Saryan Museum: http://www.saryanmuseum.net

 

%d bloggers like this: