Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

TOLOOW COLAADA IYO XUMAHA JOOJA!

 

Ugu horeyntii waxaa Alle(swt) ka baryayaa in uu dariiqa toosan ina garansiiyo,oo aynu noqono kuwa labada daaroodba( Aduunyada iyo Akhiro) liibaaney, Amin …..

Waxaa Ayaan daro ah in maalin walba lagu dagaalamo bogcad yar oo dhul  daaqsimeed,tuulo,baraago iyo ceelal biyood ama degaan lagu wada noolaa ilaa intii ay jirtey khariirada sohdimooyinka caalamka. Reer Somaliland weliba gobolada Bariga ee Somaliland waxaa ay la soo bixeen dhaqan aan wanaagsaneyn oo gacan ka hadal ku saleysan reer reer Jilib jilib ama beel beel, Colaadaha noocan ahi waa kuwo soo noqnodey oo in badan dib u dhac dhaqaale,waxbarasho,caafimaad iyo abniba ku haya guud ahaan umada reer Somaliland.Dhibaatadani waxay si toosa u taabenaysaa qoysaska,jilibyada iyo degaanada ku dhowdhow meelahaasi dhibaatadu ka soo burqaneyso.Shaley waxaa aynu Xalilney dhibkii Ceel Afweyn iyo beelahii ku dagaalamey macno,darada maantana waxaa inoo baahan tan deegaanka ku xeeran Laas-Canood. Arintan waa arin u baahan in si degdega wax looga qabto oo loo gurmado labda beelood ee meeshaa ku dagaalamaya,cid kasta oo muslim ah wax garanaysa oo caqli leh waxaa la gudboon in wanaag ku xalinteeda qayb ka qaadato,si is xilqaan ah oo wanaaga salka ku haysa.

Arimahan noocan ahi waa kuwo aan u maleynayo in ma gafayaasha siyaasadu ku xoogsanayaan oo ay ka raadinayaan fursad ay dhaqaale ama maskab ku helaan,balse Aniga waxay ila tahay ninka colaada iyo dhiig daadinta dadkiisa dhaqaale iyo Masab ka raadinayaa in aanu Calfaneynin,xoolaha uu ka helo isku dirka iyo balaayo abuurka noocan ah.Sidaa darted Dadka reer Somaliland waxaa la gudboon in ay daminta colaadan gacan ka geystaan dadka kale ee ama aduun ama siyaasad ka dayaya colaadaha noocan ah waxaa aan uGu baaqayaa iney fikirkooda u bedelaan wax la qabashada iyo walaaleynta dadkan dirirtu u dhaxayso risiqana Alle(swt) ayaa bixiya oo nin walba wixii hore Alle ugu qorey seegi mayee meel xalal ah ka raadsada risiqa.

Tan kale marka masab ama arin siyaasadeed wakhtigeeda laga hadlayo sida marka wasiiro agaamiyaal guud ama arimo khuseeya dhinaca siyasada waxaa jira rag waaweyn oo siyaasin oday dhaqameed iyo aqoon yahanba leh oo shir jaraaid meel walba ku qabanay oo leh beeshayada waa la qadiyey waa la dilmey waxba lama siin maalinta beeshiisu dhiiga dhexdeeda ah daadineysana aan xitaa kala qabtay odhaneynin,balse odhanaya dawlada ayaa dayacdey xilkeedii oo ay tahay iney kala dhexgasho,taasi maxa ay daaran tahay waa qof la lee yahay Dabkii uu shidey demi adigu! . Dagaalka waa in la joojiyaa shuruud la’aan oo dadka wax isku diraya sharciga la horkeenaa waxna laga qabtaa.Waxaa jira dad siyaasin ah oo aad moodo in aaney waxba kala soconba caalamka oo hadalo iska dheh uun ah miidiyaha la soo fadhisanaya sida kuwa aamin san in dadka dagaaladaasi ku dhaawac may lagu soo daweeyo xamar ama Somaliya bar madow iney ku tahay Somaliland,waxa aanu odhan karaa marka dhibaato timaado qofka waxaa loo la cararaa meel kasta oo lagu badbaadinayo naftiisa ee ugu dhow markaa ama Somaliya ha noqoto ama Somaliland taasi waa arin xaga bali adaminimada iyo gargaarka degdega ah waafaqsan. Balse arinta boga modow ku ah Somaliland waa cida dhiiga Dadkan daadineysa ama iyaga dagaalamaya ha ahaato ama kuwa dabka ku sii shidaya ha noqotee.

%d bloggers like this: