Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

LA HUBSEY OO QAYLO DHAANTA REER REERKU WAA XIRFAD XATOOYO!

Sida ka muuqata aragtida dadkayga ku wax bartey mid geel jira ah,ganacsade siyaasi,iyo mid siyaasi ah,sheekh iyo wadaad waxaa hal beeg u ah hal shay oo ay ka siman yihiin waa qabyaalad ay wax ku qiimeeyaan,balse aaney xitaa wax ku qaban.

Qabiilka iyo qabyaalada waxaa u dhexeeya farqi weyn,nina ma dafiri karo qabiilka balse qabiilku waxaa uu lee yahay astaan ah in la isku aqoonsado,asal ahaan oo xuquuqda qaraabanimada lagu ilaaliyo,balse qabiilkaas baan ahay jano laguma galo Alle(swt) looguma dhawaado ee waxaa Janada,sharafta dunida iyo tan akhiroba lagu hanta waa Cabsida Alle(swt) oo keliya.

Hadii umadi rabto iney horumarto waa in ay si wada jira u ilaashadan waxa ka dhexeeya ee ay wadaagan,waa in u diyaargarowaan shaqo adag iyo aqoon raadis ku wajahan sidii ay uga faa’iideysan lahaayeen nicmooyinka Alle ku maneystey,noloshu waa mid ku xidhan sida aad wakhtiga uga faa’iideysatey,maalinta ku dhaaftaa ma soo noqoto balse malinta aad ku sugan tahay baa ah tan aad  diyaarka u tahay wax qabadkeeda.

Hadii tilmaantaa guud intaa ku dhaafo, waxaa aad moodaa in dadka Somalidu gaar ahaan kuwa Somaliland qaarkood wali ku jiraan riyadii uu ka digey wax garadka Somaliland la soco faaleynta dambe balse dhuux markuum xigaal oo 1994 ka digaayey laba kacleynta manta ee Caare iyo Kooxdiisa daaha dabadiisa ka hageysa. Tan kale Cigaal iyo Muuse ma waxay ka siman yihiin Siyaasiinta,Salaadiinta,ka soo jeeda  Reer Abtigood qaar ka mida  oo ku Mucaarid ah weliba gacan ka hadal ku bilaabay maalmihii la doortey iyaduba waa xigmad Alle oo wax ku qaadasho iyo baadhis mudan waxaa qaldan!

Categorised in: Articles, video

%d bloggers like this: