Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

Boqor Raabi Waan u yaxyaxay!

GEERIDU MARBEY NOLOSHA DHAANTAA……..!

Waxa Mudan in la xuso in wax garadkeeni noqday mid ka fakira dantiisa balse aan dan ka la hayn caruurtiina iyo cawradeedna daadsan Liibiya, Waa Boqorkii ka damqan lahaa Caruurta yar yar ee Liibiya Magafayaashu ku Silcinayaan Boqor Raabi Fikirkaa Qaldan Keli Kuma ah balse waa mid Bar madow ku ah Waxgaradka Somaliland oo dhan oo xitaa anigu ku jiro waxaynu gabney kaalinteenii waxay nu isku haysanaa kuwa ugu caqliga badan ugu cilmiga badan,wada siyaasai,waxaynu ka hadlaynaa cadalad daro dhibaato,sixir barar, saami qaybsi,reer hebel waa la dulmay ,maxaynu uga hadli weyney wax uga qaban weyney caruurteena ilmada murugada iyo dhibaatadu ka muuqato.Waxa lacag u gurtaan kuwo halkaa dhigay caruurtaasi oo aad ku kaalmeysan ololayasha doorashada .Caruurtiina ayey ka go’an tahay dulmiga aad ku kaalmeynaysaan ma jixin jixayaasha .waxay qoraynaa maqaalo isku wada mida oo shacbiga Somaliland kala qaybinaya Caruurtiina ma ka hadleyno,waa kee Siyaasiga oday dhaqameedka,ganacsadaha,wasiirka,madaxweynaha,aqoonyahanka reer Somaliland ee ka hadley Warkii uu Shaley soo daayey HCTV.TV  Waan ku amaanayaa HCTV oo mar walba ka danqada Dhibaatada dadkiisa. Waxaa lee yahay Waa wax laga xishoodo in Caruurteenii Caalamka ku dhibaateysan tahay oo aynu u sameyn kari weyney qoshe badbaadin ah Tolow Caruurtan Liibiya Ku dhibaateysane xitaa hadii qabiil wax la iskugu qabanayo miyaaney boqor,qabiil,tol iyo Caaqil,lahayn mise waa been tolnimadu oo inta ladan iyo daneystayaasha ayaa ku shaqeysta fikirkan xitaa sheekh ka hadla miyaanu jirin soonaga wada muftiga ah? Walaahi Alle Waa idinkula xisaabtamayaa Waxaa aad Sameyneysaan Sheekh,shariif,boqor caaqil intaba Alle waa og yahay waxay uga damqan la yihiin Caruurtooda qofkii raba in uu wax ka ogaado dhacda imaga ilmeysiisay HCTV ha ka ogaado warkii shalay. Waxaa aan ku dadaalayaa in aan hayaha xuquuqda Adamaha gaadhsiiyo dhibaatada Caruurteena ku haysata Libiya,kuwa soo tarhiibiyaa waa kuwa idinla jooga Hargeyasa,Burco,Boorama,Ceerigaabo,Laas caanood.Odweyne .SHAME OFF YOU………!

Categorised in: Articles, video

%d bloggers like this: