Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

BULSHADA CAALAMKU WAY LA SOCOTAA KUWA NABAD GELYA XUMADA KA ABUURAYA SOMALILAND

Waxaa aan ugu baaqayaa dhamaan dadka Somaliland in ay dalkooda iyo dadkooda Ilaashadaan, Ciidamada qaranka ee sugay abnigooda,hadh iyo habeena u huraya naftooda iyaga oo weliba haysan daryeel ku filan,ka baaday caruurtoodii iyo xaasaskoodii ah kuwa aad ku hurudaan naftiina,maalkiina iyo sharaftiinaba kor u qaaday,waa ayaan daro in caada qaatayaal,aan qiimo ku lahayn umada dhexdeedu lagu soo hubeeyo oo ay soo weeraran,dadka noocaasa iyo kuwa qarashka,ku taageerayaba hayadaha caalamka ee nabadgelyadu waa ay la socdaan,waana laga war hayaa cid kasta oo ku hawlan hagardaamada qaranka somaliland.Markhaatina iyaga ayaa iskugu filan.Dadkaasi Reer ma aha cid ay matana ma jirto iyaga ayey ku kooban tahay walaa isaaq ayaaney wakiil ka ahayn walaa Garxajis baan dirsan oo aaney ku matelin balse masuuliyadeeda waxaa iska leh dawlada Somaliya  ee Saldhiga siisay iyo cidii abuurtay oo ay kow ka yihiin cadawga Somaliland.Sidaa darteed waa in xukumad iyo shacaba laga hortagaa kuwa noocan ah ee aan damiirka lahayn Cadaaladana la mariyaa .Golaha amaanka ee Umadaha midoobeyna Dawlada Somaliland dacwad u qortaa ku saabsan faragelinta dawlada Somaliya ee Somaliland.Hubeynta iyo Siinta saldhig ay Somaliland kaga soo duulaan kuwan ka falagoobey dalkoodii.

 

%d bloggers like this: