Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

CAQLIGII WANAAGSANI ITAAL INUU KA ROON YAHAY BAL EEG OO U FIIRSADA!

Ugu horeyn waxaa aan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa jano geeyo Abwaan Xasan sheekh muumin oo Curiyey midhaha heesta Caqligii wanaagasani…….Waxaynu og nahay in Caqliga wanaagsan ama si kale hadii aan u I dhaahdo caqliga sida fiican u shaqeenayaa in uu ka awood,karti,wax soosaar,faa’iido badan yahay xoog itaal awood seegasho intaba.Caqliga wanaagsani waa ka kala horumariyey Adamaha,waa kan barwaaqada ka dhigay dalal faqiir ahaa waana kan ay ku liibaaneyn dadka rumeyey ee taageerey Rasuushii Allah(swt) u soo direy,markey la kaashadeen Caqligooda ayey garteen in ay rusushani yihiin kuwo sheegaya run oo ay raaceen markey ku qanceen fariintii ay u sideen.Caqligu waa midka ku kala dooransiiya ficilada aad qaadeysid.

Sidoo kale Caqli xumidu waa imada horseedka u ah guul darooyinka nolosha gees kastaba marka laga eego,waa midka burburisey Dawladnimadii iyo Qaranimadii Somaliyeed waa mida  kala kaxaysey Somaliland iyo Somaliya waana mida ilaa hada burburka ku wada Somaliya.

Hadaba waxaa aan Maqaalkeygan isku barbar dhigayaa Horumarka Somaliland iyo Dib u dhaca Somaliya waxaa Sababey aniga oo qoraal taxane ah oo dheer ka qoridoona arimahaasi iyo taariikhda Somalida intaba waa baadhis cilmiyeed aan uga dan lee yahay in aan ku ururiyo dhacdooyinka salka u aha farqiga manta ee Somaliland iyo Somaliya,talooyina ka dhiiban doona sida loo maareyn karo xaalada cakiran ee Somaliya,una soo bandhigaya in Somaliland hadii ay talaabooyinka aan tilmaami doono qaado ay ku dambeyndoonto dal hodan ah oo la aqoonsan yahay la soco taxanahan oo aad u xiisa badan qaybaha dambe ………….

%d bloggers like this: