Be curious, be constructive, and be compassionate. The Knowge is Power!

Damaca Dhul Balaadhsiga Majeerteeniya Iyo Moganaanta In Badan!

Waa Markii igu horeysey ee aan Qoro maqaal ka hadlaya Qabiil ka mida Qabiilada Somaliya balse Macalinkeygii Culuunta Sayniska ayaa ee sheegay in Cilmigu halkuu kula galoba aan ka doontid oo aanad kaga hadhin markaa la yaab yaaney idinku noqon in aan curiskan ugu yeedho Damaca Dhul Balaadhsiga Majeerteeniya Iyo Moganaanta In Badan!

Sidaa Awgeed waxaa lagama maarmaar ah in aynu is dul taagno ujeedada maqaalkeygan oo aan rabo in aan diirada ku saaro arimo badan oo u baahan in aynu u dhug yeelano oo kow ka tahay boqorka Majeerteen oo maalin dhawid ku dhawaaqay codsi ku saabsan in dawlada gobolka Puntland degmada Taleex u magacowdo Gobol iyo arimo badan oo xidhiidh la leh siyaasada Majeerteeniya ee ku wajahan Dhulka Somalidi guud ahaan .Sida aan ka soo dheegtey :From Wikipedia, the free encyclopedia

Waxaa lagu sheegay taariikhdan:

Suldanadda Majeerteen (Af-Carabi: سلطنة مجرتين, Af-Taliyaani: Sultanato della Migiurtinia, Af-Ingiriis: Majeerteen Sultanate), sidoo kale loo yaqaanay Majeerteeniya iyo Migiurtinia, waxay ahayd boqortooyoSoomaaliyeed taasi oo u talin jirtey deegaano badan oo ka mid ah waqooyibari iyo koonfurbari wadanka maanta loo yaqaano Soomaaliya. Saladanadani waxay ka mid ahayd kuwa ugu awooda badan badhtamaha Soomaaliya, waxaana hormuud u ahaa Boqor Cusmaan Maxamuud.[1

Saldana Majeerteeniya waxaa la aasaasey qiyas ahaan meelahaa Qarnigii 18 aad Waxaana Aasaasey Qoyska majeerteen ee ka mida Somalida,waxase boodhka ka tumey qarnigii 19 aad  Boqor Osman Mahamuud sida taariikh yahanada qaarkood qoraan.

Taariikhda laguma soo koobi karo maqaal mudo yar la qoro balse waa mid laga qori karo buugag fara badan sidaa darteed qofkii raba in uu taariikhda majeerteeniya sii dhex galo waxa uu ku sameyn karaa baadhitaan guud balse waxaa aan jecelahay in aan maqaalkeygan ku kobo aragtidayda dhulbalaadhsiga majeerteeniya iyo Siyaasada ka dambeysa.

Majeerteeniya Siyaasiintoodu waxay door weyn ku lahaayeen Sameyna ku yeesheen guud ahaanba amaanka,dhaqaalaha,siyaasada,Juquraafiyada Somaliya, laga soo bilaabo wakhtiyadii hore ilaa maantana Saameyn weyn bey ku leeyihiin guud ahaan Siyaasada Somaliya.Burburkii Somaliya Ka dhacayna kaalinta ugu weyn bay ku lahaayeen,dib u qaabeynta Juqraafiyada somaliya iyo Siyaasada fed

eralka Somaliya iyaga ayaa hormood ka ah.Qalalaase badan oo ka jira gudaha Somaliyana waxay ka  yihiin dabka lagu shido waxaa aan sidaa u lee yahay arimo badan oo jira oo aan u muuqan Karin dadka caadiga ah balse qof kasta oo caadi ahiba garan karo marka la tilmaamo waxay yihiin.Waxaa aan ka xusi karnaa kuwan:-

1- Siyaasada Abuuritaankii Dawlad Goboleedka Puntland

2- Qaab dhismeedka Dawlada Federalka Somaliya iyo Fikirka Federalismka

3- Dhul balaadhsiga Siyaasadeed ee dhinaca Juquraafiyada :

a) Jubaland

b) Sool iyo Sanaag oo lagu qodbo Dawlad goboleedka Puntland.

4- Muruanka Juqraafiyadeed ee Gaal kacayo (labada Dawlad Goboleed)

Qodobadaasi waa kuwa aanu ku qaadaa dhigi doono qoraalkayga dambe.

La soco qaybaha dambe………..


Leave a Reply

Please log in using one of these methods to post your comment:

WordPress.com Logo

You are commenting using your WordPress.com account. Log Out /  Change )

Google+ photo

You are commenting using your Google+ account. Log Out /  Change )

Twitter picture

You are commenting using your Twitter account. Log Out /  Change )

Facebook photo

You are commenting using your Facebook account. Log Out /  Change )

Connecting to %s

%d bloggers like this: