……. Dhulka Puntland waxaa ku dhanhawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya,waxaana mas’uul ka ah Dawladda. Qodabadani waa kuwo halis ku ah nabadgelyada mandaqada waayo Puntlandwaxay dastuurkeeda ku darsatey gobolo iyo degmooyin dal deris la ah oo aaneycidna wax ka weydiin iyada oo ku xadgudubtey xeerarka caalamiga ee xududaha laaqoonsan yehay waayo Somaliland Xuduudaheedu waa kuwii shanta Somaliyeed lagudhisay ee lagu kala qeybiyey,isku keenida shantii Somaliyeedna waa arin kale oohada aan haabkaba lagu haynin waana dalal kala madax banaan maanta.Sidaadarteed Caalamku waa in uu Puntland gardaradeeda meel saaraa.

Sida aan u jeedo Puntland waxaa ay siyaasad ahaan ku saleysan tahay in ay Somaliya caqli u tahay oo siyaasiintoodu yihiin kuwa hormoodka u ah isbedelada siyaasadeed ee Somaliya ,balse waxaa aan u arkaa in aaney dhinaca wadaniyada Somalinimada ku gaadheynin Somalida kale oo Somalida kale ka wadani san yihiin,balse ay kaga horeeyaan siyaasada ku dhisan ku daneysiga,iyo dilaalida khayraadka Somalida.Dadka caadiga ah ee reer Puntland waa dad wanaagsan oo dalkooda iyo Somalinimadaba jecel oo aan waxba kaga duwaneyn dadka kale ee Somaliyeed,balse meesha dhibtu ka jirtaa waa Siyaasiinta iyo Boqorada qaar ka mid ah.

Arinta kale ee Muhiimka ahi waa Puntland oo carqalad ku ah nabadgelyada Somaliya waayo dani uguma jirto Somali dawladi ka jirto oo ay hoos tagto waayo?

A) Hadii dawlad Federal ah oo Somaliyeed oo Shaqayneysa la helo waxaa awooda dalka ee dhinaca siyaasada guud arimaha debada gudaha,difaaca iyo dhaqaalaha si guud u maamuli doona dawlada federalka ah iyada oo kheyraadka iyo kaalmooyinka dalka lagu sargoondoono siyaadada guud ee qaranka.Sidaa darteed Puntland Siyaasiintoodu ma rabaan taasi waxay se rabaan in khayraadka guud ee Somaliya qaabta ugu badan ka helaan kan dawlad Goboleedka Puntlandna cidna wax ka siin oo iyagu u tashadaan, sida ay tahay imika.

B) Puntland dawladgobol ahaan waxaa ay isku haysataa mida ka talisa Somaliya Siyaasadeed waayowaxay faragelisaa Siyaasada dhaqaalaha iyo awooda dawlada federalka ah waxaneyu adeegsataa dawlad goboleedada kale iyadoo cadaadis ku saarta dowlada taagta darenee federalka ah meelmarinta rabitaanka siyaasiniinta Puntland iyo danahapuntland oo keliya taas waxaa markhaati u ah isbahaysiga ay marka arini kuxumaato ay la sameeyaan dawlad goboleed yada kale ee federalka ah sidashirarkii Juba Land,Konfur galbeed Somaliya .Taas badalkeeda Dawlada federalkaahi wax doora oo muuqda kuma laha Siyasada Puntland mana faragelin karto sidaay u faro-geliso dawlad goboleedada kale, Tusaale Doorashada hada ee Koonfur galbeed waxaa faraha ku haya Dawlada federalka oo door muuqda ku leh balse, Doorashada Puntland ee isla xiligan ka socota Puntland dawlada federalka ahi wax lug ah oo muuqda kuma laha mana faragelin karto,oo meel bay puntland iska saartey in lala maamulo gobolkeeda balse iyada la maamusho dawlada federalka ah dalka siyaasadiisa.

C) Puntland waxay sicad dagaal ugula jirtaa Somaliland iyada oo ujeedad ugu weyni tahay hadii Somaliland la aqoonsado waxaa meesha ka baxaya siyaasadeeda ah in ay xuurto kuhaysato siyaasada iyo ayaa ka talinta Somaliya ee kala duwan,sidaa darteedPuntland waxay rabtaa in ay ka dhex muuqato siyasada Somalida si rayi caalamkuu tusto iney tahay awooda siyasada Somaliya ee mudan in laga talo geliyoarimaha muhiimka ah ee Somaliya sidaa darteed ayey faylka dacaayadaha ugu darsataa Gobolada Somaliland ee Sool iyo Sanaag oo ay ku balaadhsato sumcada Puntland si calamka idhaheeda ugu soo jeediso.    Waad Mahadsantiin Dhamaantiin ,Lasoco Qaybahadambe……….

M J Farah