Skip to content

December 18, 2018

MAXAA KA JIRA IN SOMALILAND DAWLADA SOMALIYA KAGA ADKAATEY SIYAASADA ARIMAHA DEBEDA AMABA SE TAN GUDAHA?

by M J Farah


Sideedaba Dawlad walba oo Caalamka ka jirtaa waxay jeceshay in ay guul ka gaadho himiladeeda,oo ku dhisan waxaa ay dawladaasi
u aragto in ay daniteedu ku jirto,markaa la yaabi meyno in dawlada Somaliya ay albaabo badan garaacdo oo ay u aragto
in ay ku hanan karto ujeedadeeda dawladnimo balse qof waliba dhan buu ka eegaa arin kasta oo jirta ama daraasad ha ku
sameeyo ama ha iska malo awaale.
Balse ogow is bedel kasta oo ku yimaada shay wuxuu ku saleysan yahay mid ku yimaada a)lama filaan iyo Mid ku yimaada b) Filitaan
Labaa arin ayaa keena in aynu ka faaloono wax dhacay,sidaa darteed hadii aynu si fudud u dhiraandhirino Jawaabta Su’aasheenu waxay
u baahaneysaa in aynu ka eegno meelo badan.

a) Xidhiidhka Somaliland iyo caalamka:
Somaliland ta cusubi waxay xidhiidh la lee dahay caalamka oo ay la macaamishaa iyada oo heshiisyo badan oo aaney Dawlada
federalka Somaliya waxba ka ogeyn ay la gasho,oo caalamkuna kula macaamilo qaab aan qarsoodi ahayn oo lawada og yahay,maalina taasi ismey taagin oo way socotaa .
si kastaba ha loo dhigee kol hadii UN,Midowga Yurub,Midowga Africa,Mareykanka,Engriiska Chinaha iyo dawlado kale oo
badani marka ay arin ka gasho Somaliland uma maraan Dawlada federalka Somaliya balse waxay u maraan Somaliland
Markaa Somaliland kol hadaan dawladahaasi odhaneyn dawlada federalka ah baa hashiiskan la geleynaa oo Somalilandna iyaga ayaa xukumo waa maxay siyaasada ay dawlada federalka ahi kaga adkaatey soo ma aha wax aan jirin. Dawladahaasi waxay madaxdoodu iyo diblomaasiyiintoodu si toosa u soo wargeliyaan dawlada somaliland markey imanayaan oo ay la soo xidhiidhan wasaarada arimaha debeda ee Somaliland tan Somalida Federalka ahna waxba lagama waydiiyo.
waxaa halkaasi ka cad in Somaliland caalamku ogol yahay in uu la macaamilo,wada ugu horeysa ee
jidka loo maro aqoonsiguna waa macaamilka oo ku sii siqa aqoonsi rasmi ah.Waxaa jira in uu xidhiidhka dalalku guur guuro oo
aanu joogto ahayn balse marka uu fiicnaado xidhiidhka laba dal marna uu xumaado oo uu isku bedelo mugdi iyo maara waa.
Arintaa waxaa ay ka dhalataa arimo kala duwan oo salka ku haya dano kala duwan oo siyaasiintu kaga faa’iideysan
wakhtiga iyo meesha.Somaliland Kaalin Weyn bay kaga jirtaa xasiloonanta geeska gaar ahaan Dalalka Itoobiya,Jabuuti iyo Somaliyaba balse waxaa
aad moodaa in ay iyaga oo og dalalkaasi hadana ineyna si kale u fikirayaan oo ah dano ay rabaan iney ku qariyaan.
Balse waxaa si mug leh loo og yahay oo caalamku isha ku hayaa kaalinta muga leh ee Somaliland kaga jirto degenaashaha gobolka,taasina waa ta keentay
in dawladaha waaweyni si toosa isha ugu hayaan xaalada Somasliland.

Dawlada Federalka ahi waxay in badan raadisay in Somaliland jiritaankeeda dhulka la sinto,waxaa la og yahay xitaa in mucaawinooyinka bila adamiga inay is hortaag ku sameysay,in ay Puntland ay ka sameysay saldhig laga soo duulo Somaliland iney isku daydey in ay caalamka ka dhaadhiciso in Somaliland iyo kooxaha Somaliland ka dagaalamaa ay isku milmeyn arimahaasi oo dhan oo jira ayaa cadeynaya in Siyaasinta Somaliya aaney wax teelo ah u dhigan Somaliland,balse ay Somaliland ka kortey xasadka iyo nacaybka aan meel jirin ee Siyaasinta Somaliya.

Maanta waxaa Caasimada Somaliland ku sugan Wafti balaadhan oo dhinaca dhanka ah oo ka soojeeda Qowmiyada Oramada kaas oo u yimi in xidhiidhka Somaliland kor u qaadaan waxna lawada qabsado dadka walaalaha ah ee ku dhaqan mandaqadana la heshiisiiyo waxaana ay Somaliland u doorteen waa dalka keliya ee Awood u leh wax kala qabashada mashaakilka Oromada iyo Somalida waa Somaliland waxaa lagu yaqaan dhexdhexaadnimo iyo waayo aragnimo dheer oo dhinaca heshiisyada bulshada ah kuwaas oo hore loogu guuleystey.Dawlaha Geeska Afrika gaar ahaan ITOOBIYA,JABUUTI IYO SOMALIYABA waxaa la gudboon iney kor uqaadaan xiriirka ay la leeyihiin Somaliland waayo Somaliland Xuduudada ay la leeyihiin waa kuwa ugu nabadoon taasina waxaa mahadeeda iska leh Somaliland oo ku filan amaanka dalkeeda iyo xuduuda ay la wadaagto jaarkeeda(Dalalka kale).Ugu dambeyntii nin waliba ha iska hadlee Somaliland ma muuqato in Somaliya u suurto galeyso iney Somaliland geed ku xidho marka laga eego dhinaca xidhiiidhka caalamiga ah,waayo Somaliya iyada ayaaba cidla ka taagan hanashada sharafta dawladnimo oo yabyab ku dhisan,markaa waa dacaayado la isku maaweeliyo sheekada odhaneysa isbedelka itoobiya ka socda ayaa Dawlada Somaliland ka hadhay balse Dawlada Somaliland hore ayey u qaaday xidhiidhkeeda Caalamiga ah waana dal ku guuleystey dawladnimo taama oo si dadban loo aqoonsan yahay balse mar uun caalamku aqoonsan doono dalka ugu hor aqoonsanayaana waxay ila tahay inuu noqondoono dalka Federalka ee Itoobiya……?

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: