Skip to content

January 26, 2019

IS BARBARDHIGA SIYAASADA GEESKA AFRIKA QARAMO DERIS AH BALSE KALA DURUUF AH!

by M J Farah

Inta badan sanadaha xoriyada qaraada Afrika waa bilowgii 1960 ilaa 1964 kolkaas oo inta badan dalalka afrika ee hada jiraa ka qaateen xoriyadoodii gumeystayaashii reer yurub. Afriki waa Qaarada Labaad ee ugu weyn qaraaradaha aduunka dhul ahaan (by land) iyo dad ahaanba(Population).

Afrika Maanta waxaa la ka jira 54 dal oo la aqoon san yahay iyo labda dal oo  lagu muransan yahay  ama aan aqoonsi caalamiya oo buuxa  weli helin ,kuwaas oo kala ah Western Sahara and Somaliland.

In yar hadii aan isku dayo in aan taariikh ahaan ka yara taabto farqiga u dhexeeya labdan dal ee aan aqoonsiga dhamaystiran haysan ee dhinaca xidhiidhka caalamiga waxaa uu yahay :

  1. Western Sahara (Saxaraha galbeed) waxaa Aqoonsan ilaa dhowr dal oo ay ka mid yihiin:- Algeria, Ethiopia, Mexico, Vietnam, Iran, South Africa, Tanzania, iwm.
  2. Somaliland hal dal oo qudha oo aqoonsani ma jiro ilaa hada.

Waxay se wadaagaan labadan dal ba waxaa carqalad ku ah oo ka hortagan aqoonsigooda oo sheeganay labada dal ee Somaliya iyo Morocco.

Dalalka Geeska Afrika loo yaqaanaa waxay kala yihiin:

Djibouti, Eritrea, Ethiopia,Somalia iyo Somaliland, Dalalkaasi aynu soo sheegney waxaa kala oo soo raaca ama xudud ay wadaagaan qayb ka soo gelaya Geeska Afrika dalalkan Kenya,Sudan,South Sudan iyo Uganda.

Sidoo kale dalalkaasi waxay ku yaalan gobolka bariga Afrika (region of eastern Africa).Dalalkan Afrikada Bari waa dalal wadaaga xidhiidh bulsho,dhaqan dhaqaale iyo taariikh qadiimiya waana dalal siyaasadahoodu saameyn isku lee yihiin,wax yaabo badana iskaga xidhan yihiin oo siyaasiintoodu loo bahan yahay in ay tixgelin iyo taxadir foojignaan badan leh ku saleeyaan talaabooyinka la soo gudboonada ee la xidhiidha nabadgelyada,caafimaadka,waxbarashada,dhaqaalaha, ganacsiga iyo wax kasta oo quseeya arimaha siyaasada nabadgelyada iyo bulshadaba,waayo waxay isku yeelanayaan sameyn buuxda oo wada gaadha dhamaantood sidaa darted

Sida ku cad taariikhihii hore ilaa laga soo gaadho burburkii dawladihii Somaliya iyo Ethiopia waxaa xumaa xidhiidhada dalalkaasi taas oo sabab u ahayd ka dib markii uu gumeystihii Engiriisku dhul somaliyeed uu ku wareejiyey Boqortooyadii Ethiopia.Balse wixii wakhtigaa ka dambeyey waxaa isku furmay xuduudihii,waxaa is dhexgaley bulshooyinkii,waxaana isbedeley qaabkii hore ee cadawada ku dhisnaa,tanina waxay u baahan tahay ilaalin wada jira.

Somaliland Dalalkan geeska Afrika waxay dheer tahay xasuuq baahan oo dawladii somaliya u geesatey ,xasuuqaasi mid la mid ahi kama dhicin Bariga Afrika, Ka dib Somaliland waxay go’aansatey in ay dib uga baxdo iskutagii labada dal ee Somaliya iyo Somaliland.

Taasina waa ta keentey  in Somaliland nabad iyo domoqradiyad ku naalooto,dadkeedii la kala dilayna ee siyaasadii kelitaye Maxamed siyaad kala qaybisayna la iska ilaawo la isna saamaxo.

La soco qaybta 2aad……..

Mahad oo dhan Alle ayey u sugnaatey idina waad mahadsantiin

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: