Skip to content

February 20, 2019

HAGAR DAAMOOYINKA JOOGTADA AH IYO BEERLAXOWSIGA MARMARKA AH EE SIYAASIINTA KONFUREED!

by M J Farah

Tani waa faalo kooban oo aan ku eegayo aragtida Siyaasiinta Somaliya ee ku wajahan Somaliland oo aan ku cabirayo rayigeyga aniga oo ku saleynaya sida aan u arko in ay tahay runtu waxaana ku bilaabayaa sidan:-

Somaliland waxay Xornimadeeda qaadatey 26 Juun 1960 iyada oo hamigeedu ahaa Somaliweyn oo ay u arkeysey in isku keenida Shanta Somaliyeed tahay waajib wadaniyadeed,in badana u hawlgashay arintaasi balse 1 July 1960 Waxaa xoroobay Somalidii Talyanigu gumeysan jirey ee Somalida Konfureed.

  1. Khiyaamadii kowaad ee Siyaasinta konfurtu waxay bilaaban tay 1 July 1960 sida aan qabo anigu waayo waxay ahayd in 1 July 1960 aan laga dhigin maalintii Midowga ee ay israaceen Konfurta iyo Waqooyigu balse ay ku ee kaato Xornimada Gobolada Konfureed, Waxay ahayd in Maalinta 2 July ama Maalin kaleba loo asteeyo Isku darkii  ama Midowgii Labada gobol, oo la kala madax baneeyo labda munaasibadood.
  2. Arimaha kale ee sanadkaa 1960 Bishii July soo if baxay waxaa ka mid ahaa qaybsigii masabka dawladnimo oo aan waxba laga siin wadnihii dawladnimo ee loo baahnaa in si siman loo qaybsado sida :-

Madaxweynihii oo Konfuri qaadatey, Raysal wasaarihii oo ay ku darsadeen, caasaimadii, Gudoonkii Baarlamaanka, Taliyayaashii Ciidamada iyo Masabyadii dawladeed ee wadnaha Qaranka ahaa.

  • 1988 Waxaa uu madaxweyne Maxamed Siyaad bare Socdaal ku yimi Goboladii Waqooyi wuxuuna la shirey Waxgaradka goboladaasi wuxuu ka dhageystey dhibaatadii iyo tacadiyadii lagu hayey waxaana uu u sheegay in uu heshiis iyo wada hadal uu ogol yahay arintii oo halkaa taagan oo odaydii iyo wax garadkii kaleba rajeynayaan wanaag ayuu u duulay dalka Jabuuti oo uu shir uga qayb galey,waxay isku arkeen oo la isku keenay madaxweynihii Ethoipa ee wakhtigaa ,heshiis ayuu la galay in uu ururkii SNM eek a soo horjeedey laga soo saaro Ethiopia oo dawlada Somaliyana ka tanaasusho Gobolkii Somaliyeed ee Somali Galbeed. Jaale Siyaad markii uu ka soo noqday ee uu soo saxeexay heshiiskaasi ayuu Hargeysa kula shirey Waxgaradkii iyo Odayadii ay warka isku ogaayeen isaga oo aan ahaynba ninkii ay hore isku arkeen,baanid,hanjabaad iyo cagla jugleyn ayuu ku salaamey.

Wuxuu la jirey shaqaalihiisii waxaana uu balamiyey in dadweynaha loogu soo saaro garoonka weyn ee kubada cagta ee hargeysa dhibaatadii halkaasi ka dhacdey waatii lawada ogaa ee siyaad bare isaga oo baxsada Muqdisho ku soo galey.

  • 1991 Markii xukunkii Dawladii Kacaanka xukunkii laga tuurey, Dawlad aan Jabhadihii halgan hubeysan la galey dawladii Siyaad Bare iyaga oo aan wax talo ah la yeelan waxna ka waydiin mustaqbalka dalka ayaa koox reer Konfureed ah iska dhisteen dawlad taasi waxay sii kala fogeysey xidhiidhkii iyo midowgii waqooyi iyo konfur waxaana 18 May 1991 Goboladii waqooyi ee British Somaliland ku dhawaaqeen in ay ka bexeen midowgii 1 July 1960 dibna ula soo noqdeen gobanimadoodii 26 June 1960.

Waad Mahadsantiin Dhamaan

La soco qaybta 2 aad………

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: