Skip to content

February 23, 2019

Maxaa ku Jaban Ereyga Maamulka Somaliland

by M J Farah

Ereyga Maamul (Administration) waxaa uu lee yahay macnayaal miisaankoodu kala culus yahay oo salka ku haya awood maamul oo ku saleysan xil ama maskab kala heer ah, tusaale maamul xafiis,Maamul urur, Maamul dugsi, Maamul shirkadeed, Maamul gobol ,maamul dal iwm.Waxaa aynu halkaa ka fahmi kartaa in uu ereygu ku saleysan yahay oo uu tilmaamayo Maamul ururo kala duwan oo kala heera.

Maamul(Administration) Waxay isku mid yihiin ereyadan hoos ku qoran:

Awood(authority), Maamul (governance) , Xukuumad (government) , regime, rule, jurisdiction and regimen.

Hadaba waxaa la yaab ila noqotey sheeko ka dhalatey boqashadii madaxweynaha Somaliland ee uu ku tegey dalka aynu Jaarka nahay ee Ethoipia sida aan ka maqlay dad siyaasiin somaliland ah oo ku doodaya in xafiiska raysal wasaaraha Ethiopia uu soo saarey war ay ku jiraan in uu isticmaalay ereyga Maamulka Somaliland (Somaliland Administration),hadaba ereygani wax waxyeelo ah oo uu u lee yahay sumcada iyo jiritaanka somaliland ma jiro waa mid la mid ah Dawlada Somaliland oo wax farqiya oo u dhaxeeyaa ma jiro,sidaa darteed dadka wax ka soo saarayaa maxaa ay ula jeedaan ma ka aqoonbaa,ma nacayb ay guulaha somaliland u qabaan baa oo ay ka xun yihiin in xidhiidhka wanaagsan ee dalalka jaarka la lee yihiin.Qoraalkaasi waxaa wax laga sheegi lahaa hadii la isticmaalo Maamul goboleedka Somaliland ee Somaliya ama Maamul goboleed taasi may dhicin ee waxaa cad iyada oo aan Somaliland hal dal oo qudhi aanu aqoonsaneyn in dalka Ethiopia oo ka mid ah dalalka Afrika ee doorka weyn kaga jira dalalka afrika in uu madaxweynaha Somaliland u soo dhaweeyey si heer madaxweyne dal la aqoonsan yahay oo weliba xafiiskiisuna warbixiintii uu soo saarey ay ku qorney Maamulka Somaliland. Maamulka Somaliland waa astaan dal madaxbanaan oo maamul gaara leh,hada ogow lama odhan maamul goboleedka Somaliland,balse malaha dad baa jeclaan lahaa in sidaa qoraalkaasi u soo baxo balse may dhicine meel kale wax ka doondoona dacaayad kale oo wadwadaan bal raadiya balse taasi way idin seegtey.

Maxaa loo wad wadi waayey arimaha cakiran ee diblamasiyada somalida federalka ah muxuu yidhi madaxweynaha Ugaandha dawladi kama jirto Somaliya,Kenyana xidhiidhkii diblamaasiyadeed ayey u goysey balse wax ka hadlaya oo dowlada farmaajo ku eedenaya inuu fashiilkaasi ma jiro balse Somaliland oo hore u socota oo horumarkeeda iyo dimuqraatiyadeeda la og yahay ayaa kaar ka mid ah siyaasiintoodu halkii ay dalka horumarkiisa ka shaqayn lahaayeen,waxay shaqo ka dhigteen buunbuunin wax aan jirin iyo marin habaabin bulsho,sidaa darteed waxaa aan u arkaa in dadka fikirkaa qabaa in ay yihiin kuwo cadaw ku ah dadkooda balse taariikhda ayaa sheegin.

Mahadsanidin dhamaantiin

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: