Skip to content

February 27, 2019

Galkacayo iyo Murugada Taala!

by M J Farah

Dhaqan xumooyinka waayahan dambe ka soo ibaxaya raga somaliyeed waxaa ka mida Kufsiga oo aan hore uGu badneyn bulshada Somaliyeed,balse hadal haynteedu badan tahay waayadan dambe,sideedaba Kufsigu waa cayb ka mida dunuubta waaweyn,kuwooda ugu halista badan ee lagu muto cadaabka iyo ciqaabta Alle(swt),Iyada oo arinku sidaa yahay ayaa hadana waxaa marmar badan dhacda in gabadhii la kufsadey dilna loogu daro taas oo iyaduna dambi weyn oo kale ah.Arimahaasi waa kuwo astaan u ah in dhaqankii bulshada Somaliyeed ee wanaagsanaa uu u guurayo dhaqan xumo si xawli ah u socota loona baahan yahay in si dhaqso ah wax looga qabto.

Caasha Ilyes Adam Allah(swt) naxariistiisa jano ha siiyee waxay ahayd gabadh dhalin yar oo Ma naxayaal wax aan naxaris ah lahayni ku kufsadeen magaalada Galkacayo ka dibna qudha ka jareer,Aniga oo ka xun waxaa aan tacsi tiiraanyo leh halkan uga dirayaa dhamaan ehelkii,axsaabtii,iyo dhamaanba umada Somaliyeed,reer Galkacayana waxaa aan ugu baaqayaa in gacan ka geystaan in la horkeeno cadaalada dhagarqabayaashii ka dambeyey dilkaa,si aaney u galaafan qaar kale oo ka mida dumarka somaliyeed ama reer Galkacayoba.

Kufsigu waa qayb ka mida sinada Alleh (swt) sinada waa uu xaalaantimeeyey,kufsiguna waa xaaran aad uga halisan ugana dambi badan sinada labada ruux ee iyagu raaliga iskaga ah sinada.

Waxaa aan halkan ku xusayaa qoraalkan kooban oo aan qaybtan hoose ka soo qaatey qoraal lagu qorey:
nasircadceed.com

Muxuu yahay Xukunka qofka wax Kufisga:

Kufsiga asalkiisa waa zino, wuxuuna la xukun yahay zinada, qofk wax kufsada waxaa lagu oogayaa xadka zinada, haduu yahay mid aan horay u guursan waa 100 jeedal, haduu xaas leeyahay ama guur horay u soo maray waxaa lagu dilayaa dhagax, Waxaase u dheer hadii handadaad, hub, dil iyo afduub la socdo kufsigaas, inuu qaadanayo xukunka zinada isla markaan qaadanayo ciqaabta kuwa jidgooyada sameeya. Waxaa lagu qaadayaa xukunka Aayadda 33-aad ee suuratul Maa’idah. Qofkaas waa in la dilaa, ama la salbiyaa, ama si is dhaaf ah gacmaha iyo lugaha looga jaraa, ama la musaafuriyaa.

Intaas oo cuquubah mid ka mid ah ayuu mudanayaa, xataa haduu afduubo oo uusan xoogin. Sida aad u jeedaan diinta islaamka meel adag ayay ka istaagtay kusfiga iyo xadgudubka. Diinta Islaamka waxay ilaalisaa xuquuqda dadka, xuquuqda dumarka. Sidaas oo kale waxaa la rabaa shacabka Soomaaliyeed inay ilaaliyaan xuquuqda qofka Soomaaliyeed.

Maxaa la gudboon dadka kufsiga loogeystay?

Dareenka uu dareemayo qofka la xoogay ma ahan mid aan qoraal iyo hadal ku cabiri karo!! Runtii qof la xoogay oo la bahdilay waa arin ma hadha ah oo qofka waligiis daba soconaysa. Qofka arinkaas loo gaystay si kasta uu iskugu dayo inuu hilmaamo ma hilmaami karo.

Dadka inta sheegta waxaa ka badan inta qarisa, waana tan keentay in dadka qaar yidhaahdaan kufsiga waa dhaqan soo jireen ahaa!! Hadii uusan qofka helin qof uu kala hadlo oo arintiisa ka tala siiiyo, waxaa qabsanaysa maahmaahdii Soomaaliyeed ee ahayd: Waxaad qarsatid waa ku qarsadaa.

Waxaan ugu baqayaa qofkii dhibkaas qabsadaa inuu ka hadlo oo dadka ahalka u ah u sheego, hadii ay isku dayaan in ay aamusiyaan oo ku qasbaan in qofkaas wax sheegin, waa in qofka ku dhaqaaqaa talaabo kasta oo caawin karta, isla markaana cadaaladda keeni karta dadkii dambigaas sameeyay.

Ma rabtaa in aad difaacdid Xuquuqd Muwaadinka Soomaaliyeed? Ma haysaa fikrado looga hortagi karo dhibkan? Ma haysaa qoraalo wacyi galin ah.
fadlan ku soo dir: nasircadceed@gmail.com

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: