Skip to content

March 1, 2019

Tiirarka Salaadda iyo waajibyadeeda

by M J Farah

Tiirarka salaadda  waa qaybaha aasaaska ah ay ka koobanto salaadda ay salaaddu bureyso haddii looga tago kas ama hilmaan.

Waana sidan soo socota:

Takbiirada ixraamka, qummaaati u istaagga marka la awoodo, akhrinta Faatixada  waxaan ma’muumka ahayn, rukuuca iyo ka soo kaca xaggiisa, sujuudda, fadhiga labada sujuudood dhexdood, tashahudka dambe iyo u fariisigiisa, ku xasilidda salaadda iyo u gudashadeeda si deggan, salaam naqsiga.  

Waajibyada salaada, waa qaybaha waajibka ah ee salaadda ay bureyso salaadda haddii looga tago kas, laakiinse hadduu qofku illoobo ama ka maaho waxaa la jideeyey wax uu ku kabo nuqsaankaa oo ah sujuudu sahwiga, sida noo iman doonta. 

Waajibaadka salaadda waa sidan soo socota:

Dhammaan takbiirooyinka waxaan ahayn takbiirada ixraamka, qowlka Subxaana Rabbiyal Cadiim mar keliya, qowlka Samicallaahu liman xamidah qofka keligi tukan iyo iimaamka, qowlka Rabbanaa walakal Xamdu ay dhammaan wada oranayaan, qowlka Subxaana Rabbiyal Aclaa mar keliya sujuudda, qowlka Rabbiqfir lii mar keliya  fadhiga labada sujuudood dhexdood, tashahudka koowaad, waajibyadan waxay kaga  dhacaan qofka hilmaanka, waxaana lagu kabaa sujuudu sahwiga.   

Sunnooyinka salaadda: Wax kasta oo aan ka mid ahayn tiirarka salaadda iyo waajibyadeeda  ee leh oraahyo iyo ficillo waa sunno dhammeystir u ah salaadda ee la doonayo in la dhowro, laakiinse salaadda kuma burto haddii laga tago.

Sujuudda sawhiga

Waa labo sujuud uu sharciyeey Allaah si loogu kabo naqsiga iyo gefka gala salaadda.

Goormay bannaan tahay?

Waxaa la sharciyeeyey sujuudda sahwiga xaaladaha soo socda:

  1. Haddii uu ku  kordhiyo muslimka salaadda rukuuc ama sujuud ama istaag ama fadhi hilmaan darti iyo gef wuxuu u sujuudayaa hilmaankaa sujuudu sahwi. 
  2. Marka ay wax ka nuqsaamaan tiirarka waxaa saaran inuu la yimaado tiirka naaquska ah, wuxuuna u sujuudayaa sujuudu sahwi salaadda aakhirkeeda.  
  3. Hadduu ka tago waajib ka mid ah waajibyada salaaddaa sida tashahudka hore sahwi iyo hilmaan awgi, wuxuu markaas  sujuudayaa sujuudu sahwi.
  4. Hadduu ka shakiyo tirada rakcooyinka, wuxuu qaadanayaa inta uu hubo oo tirada yar ah, wuxuuna  sujuudayaa sujuudu sahwi. 

Sifada sujuudda sahwiga: Wuxuu sujuudayaa labo sajuud uu fariisanayo dhexdood sida sujuudda iyo fadhiga labada sujuudood dhexdood ee salaadda.

Waqiga sujuudda sahwiga: Sujuudda sahwiga waxay leedahay labo waqti, uu qofku sameyn karo midduu doono.

  • Salaanta ka hor iyo kaddib tashahudka dambe wuxuu sujuudayaa sujuudu sahwi markaas salaamo naqsan.
  • Kaddib markuu ka salaamo naqsado salaadda wuxuu sujuudayaa labada sujuud sahwi markaasuu mar kale salaam naqsanayaa.

Allaah wuxuu u jideeyey sujuudu sahwiga si loogu kabo waxa ka naaqusma ama khalad gala salaadda

Waxyaalaha buriya salaadda:

Salaadda waxay ku burtaa:

  1. Ka tegid tiir ka mid ah tiirarka salaadda ama  shardi ka mid ah shuruudaha salaadda  isagoo qofku kara kas ha looga tago ama hilmaan.
  2. Salaadda waxay ku burtaa ka tegid waajib ka mid ah waajibyada salaaddaa kas. 
  3. Salaadda waxay ku burtaa in lagu hadlo hadal aan salaadda la xiriirin si kas ah.
  4. Salaadda waxay ku burtaa qosol  cod dheer ah. 
  5. Waxay ku burtaa dhaqdhaqaaqa hadduu badan yahay, is xigo, aanay baahi keenin. 

Waxyaalaha ku xun salaadda aan ku habbooneyn:

Waa acmaasha naaqusisa ajarka salaadda oo tegsiisa khushuuceeda iyo haybaddeeda waana sidan soo socota: 

  1. Waa wax xun ah aan habbooneyn milicsiga adigoo ku jira salaadda, waayo Nabiga  waxaa wax laga weydiiyey milicsiga salaadda gudaheeda, markaasuu wuxuu yiri: “Waa xatooyo uu ka xado shaydaanka salaadda addoonka” (Al-Bukhaari 718) 
  2. Waa wax xun aan habbooneyn ku cayaaridda gacanta iyo wejiga, iyo saaridda gacanta kelyaha, iyo is dhex gelinta faraha iyo jucintooda. 
  3. Waa wax xun aan habbooneyn inuu qofku galo salaad isagoo qalbigiisa ka maahsan yahay  baahi darteed uu u qabo inuu musqul galo, ama baahi uu u qabo cunto loo keenay, sida uu Nabigu  yiri:  “Ma aha inaad aaddo salaad adigoo cunto laguu keenay aad u baahan tahay, iyo qofka ay heyso kaadi ama saxaro” (Muslim 560)

Source: imuslimguide.com/so/prayer/

Read more from Religion

Comments are closed.

%d bloggers like this: