Skip to content

March 5, 2019

Farmaajo oo loo La qimay fahanka Siyaasada Geeska Afrika iyo Kaalinta Somaliland!

by M J Farah

Socdaalkan ugu dambeeyey ee Jaale Maxamed Cabdilahi Farmaajo Ku tegey dalka federalka ee Etoobiya waa mid ka mida socdaalo uu dhawaanahanba ku gala bixinayey Bariga Afrika, kuwaas oo ku saleysnaa xal u helida mashaakil dublimaasiyadeed oo ka soo foodsaartey dhinacyada wadamada jaarka la ah Dawlada Federalka Somaliya,taas oo ka dhalatey fahan la’aanta wakhtiga iyo goobta ay Somaliya taagan tahay.Xukuumadihii kala dambeyey ee Somaliya laga soo bilaabo 1960kii 1 July oo dhanka konfureed xoriyada ka qaateen Gumeystihii talyaaniga waxaa loo tirinayaa siyaasiinta reer konfureedku in ay iyagu masuul ka ahaayeen burburka,iyo dhibaatooyinka ka aloosan somaliya ilaa manta, Tusaale waxaa inoogu filan:

1- Dilkii madaxweyne Cabdirashiid Cali Sharma’arke ee 1969 lagu dilay magaalada laascaanood; Sida dad badani aaminsan yihiin waxaa loo aaneynayaa in dilkiisu salka ku hayey arimo siyaasadeed oo reer koonfureedka dhexdooda ah.

2- Wadaadadii lagu dilay Muqdisho Todobadaneedyadii ee ka horyimi xeerkii lagu simayey raga iyo dumarka.

3- Sanadkii 1978 Barakiciintii iyo xasuuqii gobolada dhexe ee ka dhashay isku daygii afgembigii Ciro iyo Cabdilahi Yusuf.

4- Dadkii lagu xasuuqay Xeebta Jasiira ee aan waxba galabsan

5- Xasuuqii lagu bilaabey Goboladii waqooyi 1981 ilaa 1991 ku socday dadka gobolada waqooyi.

Waxaa Kale oo iyaduna la ilaawi karan Mugdiga ay Madaxda reer koonfureedku geliyeen Qaranimada dalkooda siyada bada dhibaatadu ka taagan tahay ee Somaliya iyo Kenya oo la og yahay in Dawladahii kala Dambeyey ee Federalka Somaliya u saxeexeen Kenya.

Waxaa ay Marwalba Dagaal Siyaasadeed,dhaqaale,bulsho Siyaasiinta reer konfureedku ku hayaan Jiritaanka Jamhuuriyada Somaliland oo iyadu aan wax hagardaamo ah marna la arabin Somaliya balse jecel in ay dhisanto oo ay hesho nabad, Dawladan ugu dambeysey ee Jaale Farmaajo ayaa u xadhig xidhay sidii uu saaxada Siyaasada Caalamka uga saari lahaa Somaliland isaga oo malaha is yidhi waxaa aad uga aari kartaa xukunkii ay ka tuurey Adeerkii Maxamed Siyaad oo in badan wax garadka Somaliland si walba wax ugu sheegeen, hadey noqoto gabay,riwaayad,majaajilo balse waxba ku qaadan waayey.

Jaale Farmaajo Sanadkii 2018 waxaa uu dhowr isku day oo uu qaaday isku dhigey in uu Somaliland go’doon siyaasadeed geliyo waxaa uu Ku talaabsadey in uu Hawada Somaliya iyo Somaliland uu isagu is hoos keeno oo muqdisho lagu soo wareejiyo balse wuu ku fashilmey.Wuxuu isku dayey in uu waxba kama jiraan ka dhigo heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee maalgashiga dekeda Barbara balse wuu ku fashilmey.Wuxuu isku dayey in Deeqaha Somaliland sida tooska ah caalamku u siiyo laga jaro ama iga la soo mariyo taana waa uu ku fashilmay.

Waxaa uu Soohubeyey Dawlad goboleedka Somaliya ee Puntland si uu u mijo xaabiyo nabada gobolada Bari ee Somaliland taana wuu ku fashilmey.

Wuxuu isku dayey in uu kala fogeeyo Somaliland iyo Etoobiya isaga oo ka faa’iideysanaya marxalada isbedelka cusub ee itoobiyada manta ee dhabaha dimoqraatiyada taana waa uu ku guul dareystey. Sidaa darteed

Maanta waxaa farmaajo loogu bushaareeyey Somaliland iney kaalin weyn oo lafdhabara kaga jirto nabada iyo horumarka mandaqada sidaa darted uu si dhow ula shaqeeyo oo uu ka daayo hagardaamooyinka joogtada ah.

Mucaaridka Somaliland oo dawlada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne muuse biixi oo in badan bulshada u sheegi jirtey in xidhiidhka itoobiya iyo Somaliland hoos u dhacayna waxaan heeyahay meel dheer wax ka eega oo sheekada fadhi ku dirirka ka kora ileyn waad aragtaan casharada,taariikhiga ah ee kortiina loogu dhigayo kuwa aad weli ka gudbin dugsiga hoose ee siyaasada xawliga ku socota ee caalamka iyo kaalinta mahiimada ee Somaliland ee mandaqada geeska.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: