Skip to content

March 21, 2019

WACDARAHA ADUUNKA WAX KU QAADAN WEYDEYE WAYDIIYA MUDANE TARSAN!

by M J Farah

31 Decmber 2018 ayaan Video youtub ka aan ka soo xigtey soo geliyey  xogaanka.org waxaa ciwaan uga dhigay maqalkaa iyo muuqaalkaa : Safiirka Somaliya ee Kenya Maxaa uu inoo Sheegay ….Mudane Tarsan?

Wax kale oo faalo ah kuma darin balse ujeedo keliya Ayaan ka lahaa bal hadalka diblomasigaa cusub ee dawlada Somaliya u magacowdey in uu hogaamiyo oo uu matalo siyaasada iyo magaca Somalida heerka uu ka taagan yahay xidhiidhka caalamiga aqoonta diblomasiyada,siyaasada iyo taariikhda in aan dadka Somaliyeed tuso balse dadka Somaliyeed may fahmin u jeedaydeyda aan ka lahaa ciwaanka aan u sameyey muqaalkaa aan hadalkii uu Mudane taran u jeediyey dadka Somaliyeed ee kenya degan, balse arintaa waxaa si dhaqso ah jawaab uga bixiyey Alle(swt)  oo qadarey sidii dhacdey :Waayo Mudo dhowr bilood ka yar ayaa waxaa dawlada Keniya dalkeeda ka caydhisay Danjire Tarsan.

Arintu hadii ay sidaa tahay maxaa aan anigu u doortey in aan ciwaan uga dhigo maqalka iyo muuqaalka hore  aan soo geliyey 31 Dec.2018 Safiirka Somaliya ee kenya maxaa uu inoo sheegay…..Mudane Tarsan?

Arimahan Ayaan u arkey kuwo gaf u ah ama aan ku habooneynin nin somaliyeed oo waliba matalaya dal somaliyeed:

  1. Tarsan wuxuu ku aflagaadeyey khudbadiisaa Dalalka Carabta oo ay Somaliya xubin ka tahay wuxuu tusaale u soo qaatey dalka sucuudiga oo uu ka xoogsan jirey caruurtiisuna ku dhasheen.
  2. Wuxuu wax kaga sheegay dalalka carabta iyo marka ay dawlada federalka Somaliya wax weydiisayneyso iney yidhaahdaan way na baryayaan iwm.
  3. Wuxuu aad ugu amaaney Kenya oo uu ku sheegay dalka kowaad ee Somaliya walaalka la ah.

Fadlan dhegeyso qudbadiisa si aad si fudud ugu fahantid waxaa aan ka hadlayo oo aanad dhinac kale ula ordin aragtideyda .

https://hogaanka.org/2018/12/31/safiirka-somaliya-ee-kenya-maxaa-uu-inoo-sheegay-mudane-tarsan/

A) Dalalka Carabtu waa dalalka si weyn uga war haya Somalida guud ahaan maalgashiga mashaariicaha kaalmooyinka ay Somaliya siiyaan ilaa wakhtigii Keligii taliye siyaad bare ilaa hada way cadahay oo cidna kama qarsoona weliba dawladahii kala dambeyey ee Konfurta Somaliya si xoog leh ayey xoolo iyo taageeroba u siiyaan in kasta oo ay Somaliland wax muuqda aaney ku taageerin oo ay ka eexdaan marka loo eego dawlada federalka ah ee somaliya hadana dadka iyo dawlada Somaliland weligood Dalalka Carabta may Aflagaadeen ee way u samrayeen walaalahooda carbeed.

Waxaynu ognahay kaalinta tageero ee dalalka carabtu had iyo jeer la garab taagan yihiin dawlada federalka ee Somaliya mashariicad kala duwan ee malyiinka dollar ah ee ay ku maalgelineyso Qatar muqdisho miyaaney ka iman dalalka carabta mise dalka Qatar waa laga saarey dalalka carabta.

B) Arinta labaad ee aan aad ka u dhaliilay waxay tahay wuxuu ku amaaney dalka keniya in lagu yidhi ku soo dhow dalkaagii labaad iyo wax la mida. Waxay ahayd inuu safiirku fahmo in kenya iyo Somaliya uu ka dhexeeyo dad iyo dal oo gobol dhan oo dalka Kenya ah ay ku nool yihiin dad Somaliyeed oo kenya dal iyo dawlad la leh balse aan marti ahayn sidaa darteed xitaa meel ayuu kaga dhacay xaqii dadka somaliyeed ee keniyaatiga ah hadii aaney dadkaasi jirina Somalida ku nool Kenya ee qaxootiga ahi uma suuragasheen in ay ganacsi iyo nolol ka helaan dalka Kenya balse waxaa mahada iska leh dadka Somali Kenyatiga ah ee dalkoodii ku soo dhaweyey Somalilada Somaliya ee qaxootiga ku ah kenya.

Sidaa darteed Siyaasiga tarsan oo kale ah waxaa la gudboon in uu ogaado waxaa uu odhanayaa cawaaqibka iyo natiijada ka dhalan karta Akhiradiisa iyo Aduunkiisaba. Arinta kale ee la yaabka ilhi waxay tahay Madaxweyne farmaajo oo u magacaabey Mudane Tarsan in aanu waxba ka odhan Khudbadaasi magic xumada ku ah Dawlada Federalka Somaliya. Malaha dad badani oo Somaliyeed waxay moodayaan in aan qudbada Tarsan aaney dhegeysan dalalka arabtu oo aaney ogeyn balse waxaa hubaala in mar horoba la dhegeysiiyey amiirada iyo boqorada carbeed oo ay ka warhayaan in mudane Tarsan laga soo eryo Kenya  laga yaabo iney raad ku lee dahay waxii uu kaga hadlay shirkii islii.Si kastaba ha ahaatee Somalidu waxay ku maahmaahdaa :QOWL GAF AH WUU KAA DHACAA BALSE ALLE KAMA DHAAFO HADII AANAD TOOBADA HALEELIN!  

Si kastaba ha ahaatee marka aad dal dhan mateleysid iyo marka aad keligaa arin ka hadleysid farqiga u dhexeeya ayaa ah mid culeyskeeda leh sidaa darted waa in aad u bisishahay xilka aad haysid iyo danaha qaranka aad mateleysid arintu ma aha shaactiro ee waa masuuliyad lagu ilaalinayo danta iyo sharafta qaran balse anigu waxay ila muuqataa arin mudan in cashar laga barto, wacdaraha aduunyada wax ku qaadan weydeye waydiiya Tarsan iyo halkii laga raacay Allahu Yaclam! 

Waad Mahadsan tihiin Dhamaan.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: