Skip to content

March 25, 2019

MUSUQ IYO CABDIRAXMAAN GURI BARWAAQO GOD MA WADA GALAAN!

by M J Farah
Wasiirka warfaafinta Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilahi

Wasaarada warfaafinta ee Somaliland waxay ka soo kabatey mudo dheer oo dib u dhac iyo maamul xumo ka soo daristey,waxaa ay markhaati ka yihiin dadka reer Somaliland isbedelka muuqda ee togan ee wasaarada warfaafintu ku soo kordhay in tii uu maamulka wasaaradaasi qabtey wasiir Cabdiraxamaan Cabdilahi Farax (Guribarwaaqo)

Waxaa laga wada dheregsan yahay dagaalkii iyo ololihii dhinacyada badan lahaa ee kooxihii wasaarada xuurtada ku haystey ee u haystey goob ganacsi oo ay leeyihiin  ku soo qaadeen Mudane Cabdiraxman Guribarwaaqo.

Dadka reer Somaliland Siyaasinta,aqoon yahanada salaadiinta iyo waxgaradka reer Somaliland iyo caalamkuba kama qarsoona ujeedooyinka laga lee yahay dagaalka iyo dacaayada raqiiska ah ee kolba magic loo yeelayo ee lagu wado mudane Cabdiraxmaan guribarwaaqo balse waxaa oo dhami oo kuwo kor u qaadaya sumcadiisa iyo kartidiisa waxaana uu ku helayaa kalsoonida dadkiisa uu u shaqeenayo iyo dalkiisa.

Cabdiraxmaan Cabdilahi Guribarwaaqo waa geesi u badheedhay in uu dhiso wasaarada warfaafinta iyo dhaqanka Somaliland wuxuu kala tuurey cooshadihii musuqa eek a dhexdhisanaa wasaarada ,wuxuu habeeyey nidaamkii shaqo waxaana uu kala saarey mashaxeystihii iyo shaqeystihii wasaaradiisa sida ay shaqaalaha shaqadooda ka adagi noo cadeeyeeen waxaa wasaaradi warfaafintu ka gudubtey isdhexqaadkii eexdii iyo saaxiib iyo ehelku hayntii shaqaalaha dhexdooda ka jirtey waxaana wasaaradu hada noqotey wasaarad qaran oo u adeegta umada Somaliland.

Layaab malaha in dagaal iyo dacaayado raqiisa lala beegsado wasiirka waayo wuxuu kala tuurey gododkii musuqa ee mudada dheer ka qodnaa wasaarad ,ilaa  dacaayadii gaadhey in la yidhaahdo Wasiirkii warfaafinta ayaa loo xidhay musuq iwm.

Waxaa wax lagu qoslo ah inaga oo ku jirna qarnigii ilbidhiqsiga warka lagu kala heleyey in sheekooyinkaasi oo kale dad run moodaan,balse waa fashilaad ku timi cidii warkaa suuqa gelisey oo la og yahay qiimaha lagu bixiyey dhowrkaa erey ee beenta ah.

Ugu dambeyntii waxaa aan su’aashan waydiiyey 125 qof oo kala duwan oo Somaliyeed :

Ma kula tahay in Wasiir Cabdiraxmaan Cabdilahi farax hanti qaranku leeyahay lunsaday?

  1. Waxay yidhaahdeen 74%  Wasiir Cabdiraxmaan Guribarwaaqo iyo Musuq God ma wadagalaan
  2. Waxay ku Jawaabeen  16%  xitaa laguma xaman xatooyo intii uu xilka hayey
  3. Waxay ku jawaabeen   8% waa argoosi  iyo magic ka dil raqiisa.
  4.  Waxaa laga yaabaa in ay wax ku tageen  kol hadii madaxdii kaleba ee wasaaradu u xidhan yihiin2%

Hadaba waxaa ugu dambeyntii la gudboon kuwa shaqo ka dhiganaya war aan jirin iney ka waantoobaan in ay ceeb aan qabaneynin oo been abuura la raadsadaan dadka dalka iyo dadkaba dhisaya ee wadankooda horumarkiisa ka shaqeenay sida wasiir Cabdiraxmaan Cabdilahi Guribarwaaqo oo hadh iyo habeenba ku hawlan habeynta iyo hagaajinta wasaarada warfaafinta ee Somaliland,anagana waxaa naga go’an in aanu is garab taagno wadaniga daacad ah ee dadkiisa iyo dalkiisaba horumarinaya.

Waad mahadsantiin dhamaantiin.

Read more from Articles

Comments are closed.

%d bloggers like this: