Skip to content

April 1, 2019

CAQLIGII WANAAGSANI ITAAL INUU KA ROON YAHAY BAL EEGOO U FIIRSADA!

by M J Farah

Faalo ma leh balse waa taariikh nin waliba wuxuu yahay uun buu ku hadlaa shar iyo khayr qaran dhise iyo qaran kakla tuure daneyste iyo dal jire ka fiirso in taanad falin isku dirida umada laguma gaadho tarajo,balse ogow Alle(swt) hadal gafa waa aad ka hortidhaahdaa balse kagama dhaafo mar dambaad garan aduunkuna waa maalmo yar oo sida hilaaca kuu soo hormaraya talo adigey kula gudboontey aniga waa iga diginin ee dadka iyo dalka haloo turo waa hadii aydin rabtaan dalkiina in aad dhisataan hagaajisataan,balse waxay ila tahay in aaney iimuuqan dadkii dalkan lahaa iney joogaan aduunkan,Maalin walba Dawlad loo hanjabayo,Cuqaal qoryo wada sidata siyaasi afkiisu seef yahay dadkan iyo dalkan dhaqi mayo,maxaa inoo diidey inaga oo aan hanjabin dadka aan kicin reero aynaan dhaleeceen in laga wada tashashado wixii qaldan oo siyaasiga odayga hanjabayaa uu si miyir qaba u hadlo wuxuu tabanayo wadahadal ku dayo mise weli waxaynu ku jirnaa 1700 oo dal ku duurka xoolaha ku dhaqanayeen oo sida loo kala xoog badan yahay la iskugu xoog sheegan jirey.maxay tahay aqoonsiga aynu dooneynaa,maxay tahay dawlada aynu wax ka sugeynaa kol hadii reer walba marka uu wax tabto ama sax ama khalad intuu saxaafada soo fadhiistaan hanjabaad iyo hadalo turxaanleh oo aad moodo in reer loo hanjabayo kolkaa reer Somaliland Odayadeeda waxaa la gudboon in ay laba mid uun la yimaadan :

1- Qaran iyo dawladnimo lagu kala dambeeyo

2- reer reer mid waliba iskii isku maamulo oo xuduud gaara sameysto

ka dibna si fudud loola wareego oo cid kale u taliso doorashadu waa idinka.

Read more from Uncategorized

Comments are closed.

%d bloggers like this: