Skip to content

April 5, 2019

Maskadaada La kaasho dagaalka dhinaca Media aha ee Qadiyada Ganacsade Axmed!

by M J Farah

Ganacsade Axmed Weli isagu ka muu hadal arintan intaan ogahay su’aalaha la isweydiin karaa waxay tahay kuwan:-

1- Ganacsade Axmed muxuu isagu uga hadliyaawey arintan lagu muran san yahay ee lala xidhiidhinayo ?

2- Axmed waa nin ganacsade weyn ah waa nin magac ku leh dalalka geeska Afrika oo ganacsigiisu balaadhan yahay balse ilaa hada lama hayo cid wakiilka ah oo maamulka ganacsigiisa ka mid ah oo arintan ka hadashay,waayo Axmed ma aha shaqsi keligii ah ee wuxuu lee yahay shirkado ganacsi oo balaadhan sidaa darted marka ay arintani timaado waxaa waajib ku ah in uu ka hadlo ama cid wakil ka ahi ka hadasho maxaa taa loo waayey?

3- Axmed Waxaa inta la maleenayo uu lee yahay laba dhalasho oo kala ah :-

a- Somalilander 2- Jaboutiyaan , waxaa aan maleenayaa oo kale in uu haysto dhalasho wadamada yurubta galbeed ah balse ma hubo,taasi,Sidaa darteed intaa dawladood ee uu dhalashadiisa uu haystaa waa u muwaadin oo waa nin sharci ku leh,sidaa darteed Axmed arimihiisu way ka adag yihiin mid hal dal oo keliyihii sameyn ku leh. Hadaba waa maxay sababta Axmed arintiisa odayaal beel ku hadlaya afkoodu ay uga hadlayaan oo loo la yahay cid dhinaca sharciga aqoon u leh oo arinta Axmed la wadaagta Bulshada maxaa qaldan ee looga warwareegayaa runta ku gadaaman Axmed iyo Xaaladiisa.

Waxaa aan kula talin lahaa in si furan oo xaqiiqo ah uu Axmed doodisa ula wadaago bulshada Somaliland ee iyaga oo aan war sugan arinta Axmed Budka uun la ordaya ee Qarankii Somaliland ku jahawereerinaya war kolba in yar oo aan cadeyn la inoo soo deenayo.

Dawlada Somaliland iyo Saxaafadeeda waxaa la gudboon in warka xaqiiqada ah ee Axmed Barnaamuj gaara ka soo daayaan oo isku dheeli tiran oo salka ku haya waxaa jira,labada dhinacba waxay ka gaabiyeen in ay soo bandhigaan xaqiiqda iyo waxa uu daaran yahay arintan Axmed sidaa darteed Ganacsade Axmed iyo Dawladu oo barlamaanku ku Jiro si fiican warka Axmed iyo waxa loo haysto ha u soo bandhigeen isaguna(Axmed Geele Arab) dadka hala wadaago xogtiisa arintan si aanu u difaacno hadii laga gardaran yahay hadii uu gardaran yahayna aanu ula talion,balse arin reer ma aha arintani waa arin ka balaadhan oo salka ku haysa dawlado,ganacsiyo iwm.

Read more from video

Comments are closed.

%d bloggers like this: